Laba hablood oo isu faanay
Laba hablood oo yar yar oo adhyo la joogaa maalin isu faanay. Waxay isugu faaneen aabahay baa fiican iyo aabahay baa fiican.

Mid baa tidhi: "Aabahay rag oo dhan buu u sitaa." Markaasay tii kale tidhi: "Oo haatan ma inuu aabahay ka sito bay kula tahay?" Markaasay tidhi: "Haa". Markaasay tii kale tidhi: "Bal ii sheeg waxa uu kaga sito?" Markaasay tidhi: "Waxa uu kaga sitaa raganimo intuu ka qabo dhulka oo dilaacayna waa isku kabi karaa."

Tii kale ayaa yaabtay oo intay cabbaar aamustay tidhi: "Naa hoy gabadhyahay, jirtoo hadduu aabahaa dhul kala dilaacay isku kabi karo waa nin rag ah, ha se yeeshee, aniga meesha uu aabahay joogo dhulkuba ma kala dilaaco."