Dheg dheer
Waxa la yidhi nin baa naag aad u qurux badan qabay, naagtu ninka wiil bay u lahayd.  Reerkuna reer iska ladan oo xoolo leh bay ahaayeen.  Ninkii baa siduu isaga joogay naag kale guursaday. Markaasuu xoolihii minweyntu haysatay ayuu minyardii yabadh uga soocay (xooihii reerkuu u kala badhay) aqal cusubna minweyntii baa looga ag dhisay.

Minweyntii baa markay aqalkii cusbaa iyo gabadha yar quruxdeedii aragtay masayrtay oo maryihii tuuri gaadhay.  Ileen waa naag hinaastaye, habeenkii dambe ayey intay yarkeedii xambaaratay reerkii ka guuraysay. Ninkeediina naagtii kaluu la jiifaa oo waxba ma oga. Subaxdii markii la ogaaday baa la baadi doonay oo waa laga quustay.

Naagtii duddayna way ambatoo reerohooda meeshii ugu dambaysay bay ka ambatay.  Waxay maalmo iyo habeeno badan sii socotaba dooxadii nogaal bay gaadhay.  Halkaasoo ahayd meel aad u cabsi badan oo laguna yiqiin dadqalatadii dhegdheer ee dadkaba madhisay. 

Iyadoo iska socota ayay aragtay qof ka soo daba ordaya.  Hadaba orodku kay arki jirtay muu ahayne wuxuu ahaa mid boodhka, habaaska iyo siigada ka kacaysa aad yaabayso.  Markaasay garatay qofka sidaa u soo gurdamaya ee waxaas oo habaas ah kicinayaa inay dhegdheer oo cunno doon ah tahay.  Markaasay cagaha wax ka dayday Dhegdheerna way is daba dhigtay.

Hooyada iyo wiilkeeduba aad bay u buurraayeen.  Dhegdheer waxii oo baruur ah markay aragtay bay gaajadii ku sii kacday. Dhegdheer aad bay u dheerayn jirtay waligeedna qof ay eryatay kama baxsan.  Naagtii iyo wiilkeediina intaa way ku soo dhowaanaysay laakiin hooyada qudheedu naflacaari bay ahayd oo dab yar may shidayn.  Sidii laysu eryanayay baa waxa lugu soo baxay Boholaha Xargaga.  Hooyadii markii ay aragtay in aanay bohosha docna uga baydhi karin bay Bisinka qabsatay oo wiilkeedii kala dul booday.  Dhegdheeroo aad u buuraydna way hakatay. Markay ka dul boodi kari wayday bay tidhi;

Bal naagtaa badhida daya
bal bowdyo cadaanta daya
bal buluq-buluqdeeda daya
bal bacoolkay sidato daya
hoh iyo Boholaha Xargaga
qof xiimayay xidhaan
qof duulayay dabraan