Rabshoole & Daanyeerkii nafta u keenay


Rabshoole waxuu aad ujeclaa mooska. Subax kasto waxuu iskoolka u qaadan jiray moos. Maalin maal maha ka mid asiga oo usocdo iskoolka  oo moos gacanta kuwato ayaa danyeer ka horyimid.   Danyeerki ayaa damcay inuu mooska ka qaato rabshoole. Markaas ayuu galaad kasoo maray. Rabshoole wuu dareeymay wax gadaashiis socdo, wuu na isyiri  fiiri waxa gadaasha socodo asiga oo fiirinaayo ayuu daanyeerkii kusoo booday rabshoole  oo ka dafay mooskiis. Rabshooley oo aad u madluulsan ayaa ku soo noqday gurigii. Malintii labaad rabshoole mooskiisi waxuu gashtay boorsada meesha biyaha lagashto, si uu mooska uga qariyo Danyeerkii. Hase ahaatee danyeerkii wuu arkay mooskii oo boorsada ayuu kusoo booday wuuna ka dafay. Rabshoole malintii dambe waxuu ku  fakiray sid uu mooskiisa uga ceshan lahaa danyeerkaan malintakasto ka cuno mooskiisa. Malintaa saxaa Rabshoole mooskii ayuu soo cunay intuu guriga ka soo bixin, waxuu  gacanta ku soo qaatay qolafkii mooska, waxuu isyiri danyeerka ka ray maanta. Danyeerkii waxuu rabshoole ka dafay qolafkii mooska wuuna cunay. Rabshoole aad ayuu uxanaqay markuu arkay Danyeerkii oo mooski qolafkiisa cunaayo. 
Malintaa afaraad Rabshoole aad ayuu ufakiray, siduu uga ceshan lahaa danyeerka mooskiisa. Subaxii dambe Rabshoole intuu guriga kasoo bixin ayuu mooska soo mariyay bisbaas wuuna soo qaatay. Danyeerkii ayaa dafay mooskii basbaaska lahaay wuuna ku gabutay. Rabshoole aad ayuu ugu qoslay markuu arkay danyeerkii oo carabkiisa banaanka yaalo oo bood boodaayo   kana cararay mooskii bisbaaska lahaa.
Subaxii dambe Rabshoole waxuu soo qaatay mooskisa oo caadiga ahaan.. Waxuu neh soo agmaray danyeerkii. Danyeerkii mana uu ka dafin mooskii rabshoole maalin dambe.