Lax iyo Ri'
Beri baa waxaa wada degganaa Lax iyo Ri'. Waxaanay wada lahaayeen Guri qurux badan.

Maalin ayaa ridii iyada oo gurigoodii u socota waxay aragtay Mas aqalkoodii ka soo baxaya, Ridii way carartay iyada oo naxsan markaasay ku tiri Laxdii: waxaan arkay mas aqalkeenna ka soo baxaya." Laxdii baa tiri, "I tus maska."

Markaas ayey israaceen si ay maska u arkaan, waxay arkeen maskii oo guriga albaabkiisa fadhiya oo raba wixii guriga soo gala in uu cuno. Dabadeedna wey ka carareen gurigoodii. Waxay u tageen Daanyeer dhex jooga Beer muus (Moos) ah, markaas ayey ku yiraahdeen, waxaannu u baahannahay Cunto, Biyo iyo guri aan seexanno.

Daanyeerkii markii ay u sheegeen dhibaatada ku dhacday aad ayuu uga xumaaday, oo wuxuu u keenay cunto iyo biyo. Markay cuntadii dhammeeyeen wuxuu geeyey guri qurux badan oo uu ka sameeyey caleenta muuska. Wayna uga mahad celiyeen soo dhawaynta wanaagsan ee uu u fidiyey. Daanyeerkii wuxuu yiri: "gurigan aad caawa seexanaysaan idinka ayaa iska leh laga billaabo caawa." Dabadeedna wuxuu waydiistay in ay la joogaan si ay iskaga weheshadaan wixii soo weerara. Sidaas ayeyna saddexdoodii ku saaxiibeen.

Asad Moallim.