Yaa fiican Dahabka & Ciidda ?
carruureey, beri baa waxaa dhacday in oday aad u Da weynaa uu in badan xanuunsanaa, odaygaasi wuxuu dhalay
2 wiil, maalin malamaha ka md ah ayuu u yeeray wiilashisii, wuxuuna ku yiri: ilamahaygow i dhegaysta, maanta waxaan idiin sheygayaa in ay xaaladdaydu xuntahay, haddii ay tii Rabbi ii timaado waxan idinkaga tegay Bac Dahab ah iyo Dhul ee kala doorta oo mid dahabka ha qaato midna dhulka.

wiilkii yaraa wuxuu qaatay Dahabkii, wiilkii weynaana wuxuu qaatay dhulkii. maalmo kaddib odaygii wuu dhintay
wiilshiina waxay kala qaateen mid waliba wixii uu lahaa.

wilkii weynaa dhulkii ayuu wuxuu ku abuuray Galleey Ilaahayna wuu u barakeeyey,
wiilkii yaraaa ayaa isna Dahabkiisa maalinba kis ayuu ka goostaa oo suuqa geeyaa ilaa uu ka arkay bacdii oo eber ah,

wiilki yaraa wuu soo baxay wuxuuna soo aaday walalkiisa ka weyn wuxuuna u sheegay in dahabkii uu ka dhammaday uusanna waxba heysan, walalkii weynaa wuxuu yiri aniga waxaan dhaxalka u helay weligay igama dhammaanayaan, wuxuuna soo saaray bac dahab ah,  wuxuu yiri: Ciiddaydii ayaa i siisay dahabkan, wiilkii yaraa fajac ayey ku noqotay
oo sidee Ciid Dahab kuu siinaysaa? wiilka waynaa wuxuu yiri: ciidda waan abuurtay wixii ka soo baxay ayaan dahabkaan ka helay, haddana na keen aan ku soo tuso sida aan u abuuray, wax waliba dhulkaa laga helaa xataa dahabka.

way is raaceen waxayna tageen Beertii oo maasha, allaah suuf wax waliba ka baxayaan.

walaalkiisii yaraa dhulkii ayuu wax ka siiyey waxayna noqdeen walaalo is garabsada.

Ardayeey, keebaa wanaagsan hadda dhulka iyo ciidda?

Macallin waxaa wanaaagsan ciidda.
macallin,.... haddana xiisaddu halkaas ayey noogu egtahay.