Macallin adigaa cayriyey shimbirihii.
carruureey, Arday iskuulley ah ayaa lahaa imtixaan maaddada ARTS ka ah, macallinkii ayaa sawiray geed ay shinbiro dhowr ah saaran yihiin, wuxuuna ardaydii ku yir sawira dhaqsada, 5 daqiiqo ayuu u qabtay ardayda macallinku, way dhammaatay wuxuuna yiri haye! haye! haye! keena intuu gacmaha isku dhuftay (sacbiyey), markii uu ardaydii waraaqihii ka uruuriyey ayuu arkay Arday waraaqdiisa ku sawiray geed aysan shinbiro saarrayn, macallinkii ayaa weydiiyey ardaygii aaway shinbirihii maxaad ugu sawiri weyday? Ardaygii ayaa ugu jawaabay: macallin adigaa cayriyey markaad sacbinaysey.