Adigu iska dhaadhici in aan lacagtii ku siiyey!
Carruureey, Nin baa maalin dhaqtar u tagay isagoo dhakhtarka u sheegay inuu xanuunsanayo, dhakhtarkii ayaa ninkii baaritaan ku sameeyey su-aalana weydiiyey si uu u ogaado cudurka ninkan haya noociisa.

Dhakhratkii wuxuu dareemay inuu ninkan hayo wax la yiraahdo buufis nafsi ah ee uusan cudur haynin.
Dhakhtarkii ayaa ninkii ku yiri "waxaan ku gula talinayaa inaad iska dhaadhiciso in aadan xanuunsaneyn, markaas ayaad bogsan doontaaye" ninkii ayaa yiri OK dhakhtaroow waan yeelayaa, wuu kacay inuu qolka ka baxo ayuuna isku dayey, waxaase la hadlay dhakhtarkii oo ku yiri "lacagtii baaritaanka isii" hase yeeshee ninkii ayaa dhakhtarkiisii ku yiri "Dhakhtaroow adigu iska dhaadhici inaan lacagtii ku siiyey".