Immisa Shimbira ayaa hartay?
Carruureey, Macallin xisaabta dhiga ayaa ardaydiisa mid ka mid ah ku daalay sidii uu u fahamsiin lahaa xisaabta kala goynta, maalintii dambe ayuu macallinkii isku dayey inuu tusaale usoo qaado shimbir geed saaran, macallinkii ayaa ardaygii ku yiri " Cali dhageyso, haddii aad shan shinbirood oo geed saaran mid ka disho immisa ayaa soo haraysa? Cali wuxuu ku jawaabay hal shinbir ayaa soo haraysa!, Macallinkii oo xanaaqay ayaa cali ku yiri "Cali waad khaldan tahay Afar ayaa soo haraysa.
Cali ayaa isna ku jawaabay macallin adigaa khaldan afar way duulayaan, halkii shinbir ee aad dishay ayaa soo haraysa !