Shimbir Dab qaadday
Beri baa waxaa deris ahaa laba Shinbirood, Waxay lahaayeen laba buul oo waaweyn, iyagoo doonaya in ay ka ilaaliyaan carruurtooda dhaxanta, roobka iyo Cadceedda (qorraxda).

Si wanaagsan ayey u wada noolaan jireen, Waxaa nafta u keenay galayr, oo mar kasta oo ay cunto carruurta u doonaanba u soo daba mara, oo cuna ugxanta iyo carruurta yar yar ee aan duuli karin.

Shinbirhii mid ka mida ayaa fikirtay, waxay samaysana way garan weyday, Shinbirtu waligeed dagaal ma gelin mana jecla in ay dagaal gasho. Hase yeeshee waxay go'aan ku gaartay in ay la dagaallanto gallayrka oo ay ilmaheeda ka ceshato.

Shinbirtii waxay ogaatay in gallayrku ka xoog badan yahay, markaa waxay doonatay dab si ay gallayrka isaga celiso ugana aar goosato.

Waxay soo qaadday, dab olol badan, markaas ayey gurigeedii la timid iyada oo doonaysa in ay gallayrka ku gubto dabka, hase ahaatee wuxuu dabkii gubay buulkeedii, kii Shinbirta kale iyo wixii u dhawaa oo dhan. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraahda, "Shinbiri maalin bay dab qaadday, maalintiina Min Alley gubtay, dadka qaar ayaa maahmaahdaan u yaqaan, "shimbir maalin ayey dab qaaday oo buulkeedii ayey ku gubtay" labada maahmahoodba waa la isticmaalaa"


Ujeeddadda sheekada:-

U jeedadu sheekadu waa in haddii aad samayso waxa aadan aqoon ama aadan waayo aragnimo u lahayn dhibaato ayaa kaa soo gaari karta.


Qore:
Deeq Cabdiyare