Qodobbada ugu waaweyn ee ay qasab tahay in ay ku socoto Jiiftada soomaaliyeed haddii laga waayana ay iska noqonayso sheeko :

1- Hal Xaraf oo gaar ah.
2- Shaqal tiris uu baytku ka kooban yahay 9 shaqal marna lagu ciriiryo 10 oo 4 ta shaqal oo hore 5 noqdaan.
3- Miisaan ama hab-dhac (Rytyhm) la socda jaan iyo jiib ka kooban 3 god ,
     oo kan hore yahay 4 god, kan xigana na 3 god, kan u dambeeyana 2 god.
4- Micno iyo ujeeddo buuxda.

5- kelmad fudud oo aan carrabka ku cuslayn.
6- waxaa xusid gaar amudan in 4 ta god oo horey ay jirto marar mid 5aad la hoos
     gelin karo, taasi oo qofka aaqrinayaa uu boobsiiyo si uu ula keeno Rytyhm ka.

Riix Halkan amaba boggan qaybtiisa hoose, ee daalaco jiiftada Xalwo Hilaal, kaddibna eeg miisaankan hoose ee la saaray jiiftadaas, waxad arkaysaa in haba yaraatee uunan ku jirin mid qura oo miisaankaa ka baxaya, ogowna waa sidaas oo kale dhammaan gabayada soomaaliyeed ee kalena, haddiise aad aragto qalad ku jira waa qalad ka dhacay daabacaadda, wayna dhacdaa beryahan dambe dad aan suugaan ehel u ahayn oo hadal sheeko ah cinwaan uga dhiga gabay, balse miisaankan ayaa ceebtooda bannaanka soo dhigaya ee ku miisaan.

Halkaa waxaa kaaga soo baxaysa qiimaha iyo qaayaha ay leedahay maansada soomaaliyeed.

EEG MIISAANKA LA SAARAY JIIFTADII XALWO HILAAL EE AAMAGUUL
432
xalwadaanjeclaayeey
xubbigiyokalgacalkeey
tii ahaydxabiibkiyo
xawlmariidka keeygeey
xigtadaanlahaaee
qalbigeeygaxirataay
inantiixishoodkiyo
xaqdhawrkabalahaaydeey
maogtahayxayaadeey
magacaaga xiisihi
xusuustii *saaawgiis
inaan xaa *ji ciisiyo
xalwadiihilaaleeyd
u xareeyo lacagtooy
shilin igaxayuubsheen ?
ma ogtahayxabiibaay
inaan xeeb *ta liidiyo
xaafadoku meeroon
iska eegin xaawliga
baabuurta xiimee ?
aan xoorsho hadalkoon
gunta siixa luulshoon
ka xayuubsho daahee
xalwoy waxan *ku heeybiyey
shan sanaanxaggaagaa
u xagaabaxaayoon
ka xabkeeysanaayee
weli xeesha hoosiyo
maan hayoxogtaadee
xirkan aanku nooliyo
xiddiggaadusheeydaa
midkee baadku xirataa ?
xogta aanogaadee
xalka maayla haaysaa ?
xayyigeenna weeynuhu
xooluhuu *na siiyiyo
xigta caanahoodaa
may la xoordha meeysaa ?
mise xaalallaaoge
anunbaayska xiiqoo
xeeb lagahoyaadaan
keligeeyxadreeyaa ?
Xalwadaan jeclaayey Xubbigiyo kal gacalkaay
tii ahayd Xabiibkiyo Xawl mariidka keeyaay
xigtadaan lahaay ee Qalbigayga xirataay
inantii Xishoodkiyo Xaq dhowrkaba lahaydey

ma ogtahay Xayaadeey Magacaaga xiisihi
xusuustiisa awgiis inan Xaaji Ciisiyo
Xalwadii hilaalahayd u xareeyo Lacagtoy
Shilin iga xayuubsheen ?

ma ogtahay Xabiibaay, inan Xeebta Liidiyo
Xaafado ku meeroon iska eegin Xawliga
Baabuurta xiimee ?

aan xoorsho hadalkoon Gunta sii xaluushoon
ka xanteeyo daahee Xalwoy waxan ku haybiyey
Shan Sanaan xaggaagaa u xagaa baxaayoon
ka xabkaysanaayee, weli Xeesha hoosiyo
maan hayo Xogtaadee ,Xirka aan ku noolliyo
Xiddiggaa dusheydaa midkee baad ku xirataa?
(horta keed ku xi)

Xogta aan ogaadee Xalka mayla haysaa
Xayyigeenna weynuhu Xoolahuu nasiiyiyo
Xigta Caanahoodaa mayla Xoor dhamaysaa?

Mise Xaal Allaa oge anumbays ka xiiqoo
Xeeb laga hoyaadaan keligey xadreeyaa ?