Xamarey ma nabad baa ?
Xayaabkii cir da'ayeey, daruur shalka xayddaay
Xulad geenyo ugubeey, darmaan xoosh u dhalataay
xil-dhibaanka nabaddaay, xajkii Geeska Bariyeey
cadceeddoo xab-bururtaay, marna xabag barsheeddii
nafta xiisa gelisaay
Xudduntii dhulkaygaay, Xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?
Xiddigtii bahdeediyo, xubnaheeda kala maqan
U ahayd xusuustee, sumaddooda xaynkiyo
Shanta gees u xidhataay.
Xudduntii dhulkaygaay, xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?
Laamaha xorriyaddiyo, xayn-daabka calankee
Xejinaaya dhalashada, xididkay ka beermaan
Xinjir laga waraabshaay.
Xudduntii dhulkaygaay, xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?
Carra-edeg xanteediyo, xaska weli dhex-yaalliyo
Xaskulaha in laga guro, danahooda xigashiyo
Xagal-daac in laga jiro, tii loo xil-saaraay.
Xudduntii dhulkaygaay, xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?
Isticmaarku xeel iyo, xanaf iyo wax-yeelliyo
Xanan iyo dhibaatiyo, xadhko miidhan weeyoo
Sida geed xajiinluu, xagxagtaa kor kaagee
Xadantada gumeystaha, xaram lagaga maydhaay
Xudduntii dhulkaygaay, xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?
Danta inay xaraashaan, dembi inay xambaartaan
Ama sharafka xooraan, isticmaar la xididaan
Ama xeer la yeeshaan, nimankii ka xila-furay,
naftu waxay u xilataa, dhegta xeerinteedee,
Nolol aan xarrago wadan, nimankii xanuunkiyo
Xabsiyada ka door-biday, gobannimo xaq weeyee
Inta geesi loo xidhay, ama xawda laga jaray
Geerida xalaasha ah, nimankii xantoobsaday
Halka lagu xormeeyaay
Xudduntii dhulkaygaay, xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?
Shinnida Xumbaaliyo, sida xaydha-weyntii
Nimankay Xawaashiyo, xaab-qaaddu keentee
Xagga sare ka soo degey, dhulka xaabadii tiil
Nimankii xambaartee, dhirta xaalufka u rogey
Dunidaan is-ximinnoo, xasillooni loo yaal
Dadku kala xishoodaan, nimankii xaduurkiyo
Xadaafiirta geliyee, inta ay xifaaliyo
Xumo iyo colaad iyo, xiisadaa ku kiciyeen
Xolad daba ku olosheen, xadhkaheeda kala furay
Xidid iyo tol wada yaal, nimankii hub xoogliyo
Xakamaha ku kala raray, kala xaday walaalaha
Marwadii xanjeerrayd, nimankii xabbaadhee
Xawawaray dhasheedii, kuwa midabka ximiyee
Xaqlahana addoonsada, xistigiyo gumeystaha
Birta looga xiiriyo, halka lagu xabaalay
Xudduntii dhulkaygaay, xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?
Sida xuur wedkeedii, xan ahaa ku maqashaan
Amba xiisahaagii, xamarey la dhuubtoo
Xalay waxan baraarugey, iyadoo xiddayseey
Inta xaysku kuu da'ay, dhulku wada xareed iyo
Xamash iyo ugbaad iyo, xilli yahay barwaaqoo
Dayaxaagu xaynkiyo, xuubkii dillaacshoo
Inta uu xanjaadkiyo, xagal qudha la soo baxay
Dusha sare xinnaystoo, dhallinyaro xariiriyo
Halbo Xuural-caynii, isasoo xusheenoo
Xeebtaada yaabka leh, inta ay xaraaraha
Laba laba u xaadheen, xusullada dhigteenoo
Xeerkii kal-gacalkiyo, lagu jiro xisaaboo
Xantu hoos u socotoon, aniguna Xayaad iyo
Xiddigtii jacaylkee, shanta xaraf mid lagu daray
Xog-waraysanaayoon, kolba xaada cududdiyo
Xaradhkiyo garaaraha, il-badhkeed ku xadayee
Xudduntii dhulkaygaay, xaruntii dadkaygaay
Maxaad aniga oo xidhan, lahashada xanuunka leh
Ii xusuusinaysaa?
|