Weriye
Weriyaha socdaalkaan, ka hayaa war subaglee
weeye weeye ii dhaha, wanankii mid baa jaban
mid kalaa wad-wadataa
la walwaal Siyaadoo, shan wasiir la socotaa
laga wacay xabaashoo, wefdi baa baxaayoo
waaleed u kacayee, ku dhakhsada waraaqaha
wararkiyo farriimaha
Dogobyohow walhanayaa, malaa saaka waayuhu
ma sitaan wanaaggii, shalay iyo wacnaantii
wakhtigaaga buuxsamey, haddii weel ceshaa jiro
weynayso xeedhada
wadhidaada dib u dhigo, dawliskii Walwaleed
inaan waarna kuu hadhin, bal dadkoo dhan weydii
wir haddaad sal adag tahay, iska waabi geerida
wedka adiga kuu qoran, ku wareeji qayrkaa
inaad waarto goormaa, waxyi kuugu soo degey
haye dee wadaadkow, xil wareejintii hoo
iga qabo waliinjada, anba waalli heensaday
wadwadkeeda geeddee, adna sii walaandee
In Wilwilo ciyaar tahay, is waraari badan tahay
Wiglo iyo hab leedahay, marna walax dagaal tahay
warmo iyo hub leedahay, wejigeedu laba yahay
waayeelba noo sheeg
Wallee iyo Billaan maray, iyo wacad Illaahay
Wershadaa saboolkiyo, waratada la qaybsaday
Wiil ay dhashaan ahay
Weeraarta hoosiyo, waaheel rug sare furan
marka laysu kala waco, ninka labada waaxood
danyar weheshadaan ahay
Waayo waayadeed dee, sow geel ma wadi jirin
Weris caano kama dhamin, walacsiga nin hodaniyo
sow wiirsi kuma korin
Sow aabbe weydiyo, waxma hayste ima dhalin
ina Walanwal maan ihi, Hurre lama walaal ihi
Derejooy wid lagu yidhi, wid-widaanwid lagu yidhi
wallahaana kugu raran, hantiyeyna kuma waco
woohowna kuma dhaho, weligeyna kuma sugo
Wed haddaanad celinayn, nin ku sheegtay waarayn
maxaan kuu warsanayaa?
Waxaad aniga ii huri, kuwa kugu werdiyayee
sida weli ku caabuda, ku wanaaji qayrkay
Is wanneehintaadiyo, warta hayla soo gelin
weysada ha iga jabin
Alle weger haddana weger, weger iyo ka waaweyn
weger iyo ka waasacan
Ma wadiiqo lulatiyo, waaqlaan ku dhabar jabay
ma wartaan jidka ahayn, ma lugtaa wakala jedan
ma warkaan tilmaanayn, ma dhegtaan wax shubanayn
waar hooydu badatee, xaajadu wajaqanaa
ma waraabihii baa, wadhan iyo ka ciyey Togan
Walbahaarka gocashada, iyadoo wash iga tidhi
waxa dhacay Cabbaasow, ila wabax tarareen
duni iyo wacaasheed, iyo werinta dhiilladu
wadnahayga shidayaan, ku wahsadey su'shaas
weydiinna kuma maqan --------
Garashiyo war-celinteed, ayaa waaya waayaha
webiyada aqoontiyo, wacdaraha adduunyada
wixii laysla soo maray
waayaale hagar baxay, wacyigayga koriyaan
waddo ii jideeyaan
Waayahay Diktoorkow, hadday weedhu muuniyo
walanqiyo dux leedahay, anba sow walaalow
wadar kale ma kaashado
Sow wawga jiiftada, dadka waayahoodiyo
wejigooda kama qoro
Anigoo werwerayoo, talo iga wansiixdoo
wana waani lulatoo, wiswis leexadiisii
igu weehanaysoon, warta reer galbeedkiyo
weysaaqa Naatoo, la walaac asqooboo
welwel jiifi waayoon
sida wiira wiirada, warwareeg ku lumay oo
hadba wey ku kacayaa, warac meel ka ciidmoo
wax la yaable geystaa, wahad leyro keenaa
walwal soo afyeeshaa, waaceeni dhalataa
Anigoo wadeecada, wantataca gumeystaha
wakinaaya socodkoo, wiiwiida dumarkiyo
weehaadka maatada, la wareer sahsahayaa
Dhulka waax madoobeyd, inta waa ku sara kaco
Qorrax Gaandi weheshaa, wac ku soo tidhaahdaa
Bulsho weerka xoortaa, aniguna wajiiniyo
waqal igu gadoodaa, wahabkii i saarraa
waanwaani dhaxashaa
Dunidoo wajaqantoo, cagta lagu walaaqoo
inta weerayaal iyo, bahal iyo wareentiyo
kun waraabe boobeen, shan walleys u taliyeen
Dad wanaag ku ledey xalay, inta weerar lagu furay
lagu galay war ma-qabtada, shil ku waabariistoo
warantooda haaddii, Ku wishiiriyeysoon
Anna warida dhiillada, murugada wahwahayaa
weyrax meel ka toosaa, senge waalan fuulaa
isticmaar la wiiqaa, wabar lagula ciiraa
way-diisa taahaa, anigana wajaaf iyo
warmo layga siibaa
Hadba laba is weydoo, kala weecanaysoo
nacab kala wareejoo, weji dadab is dhaaftiyo
sac warraaqa jiilaal, weyshiisa diidoo
weydaartey xeradaan, waanwaan dhex dhigayaa
Hadba duul wahsanayoo, inta waayir lagu xiray
waraf lala hor joogoo, wanshax meel la jiifaa
wacdigaygu sooraa
Hadba wadar la dhacayoo, inta ay wisiisidey
warmaheeda gurataan, ina wadiya leeyahay
Hadba wiilal baxayoo, wacad qabe bahdiisii
wallihii ku baajoo, waddadiii ka leexdiyo
nin wabiina doontoo, wisin maqan ku duuliyo
waqle jiibka saaraan, wararkooda sugayaa
walamsade la tuuriyo, wadal lagu gadoodiyo
hadba meyd la wacay baan, digashada waddaacayaa
Hadba wacal la toogtiyo, dadqal cayn wareegoo
inta wegeradkii go'ay, waabay kabbaday baan
warqaddiisa jarayaa
Hadba waaq la ridey baan, weylaalistiisii
wilgaduu fadhiyi jirey, wasakhdii ka dhaqayaa
Hadba damal wacnaayoo, webigii Ganaaniyo
salka gacanka Waaheen, waraqyada ku fidiyoo
inta wahan ka daba yimi, wiriqyada u bixiyoo
wakhti soo qandoodshoo, walcan go'a lalmanayoo
wegdihiisa laabtaan, ubaxii ku waabnaa
maqal weyd la togantiyo, waxaraha u tumayaa
Hadba Shaah la waayiyo, boqor weer cad goostoo
inta wish la sara tegey, waaq waaq ka ridey baan
taajkiisa warasiyo, hanti shacab wadaagiyo
waqaf guud ka dhigayaa
Hadba Janan wanjalanoo, dhulka laga wandaafshoo
cirka looga webiyoo, cidla dhex walhanayoo
wedku deydeyaayaan, waxa lumay ku darayaa
Hadba feleg wareegiyo, yididiilo walacliyo
saadaal wil furatiyo, waaleeyo curataan
weelkeeda culayaa
wiyil dabarka goysiyo, hadba umal wallacay baan
werdigooda rogayaa, libin fool waliishiyo
hadba maalin weyn baan, wanankeeda loogaa
Xinjir wararacdeediyo, hadba guul washiranoo
war wareeg ku dhalataan, walqasheeda tiriyaa
Onkodkiyo wannaaniga, iyo dhibicda weedhka leh
walanwalinta maansada
Walwallaynta geenyada, wanqaraarka jiiftada
waxa looga jeedaa, ama loo wacwacayaa
wacdaruhu u dhacayaan, lugta waarrinaysiyo
isha waabanaysaa, ha ku waano qaateen
wegenkiyo colaadaha, nin dulmani ha weheshado
Waddammada adduunyada, afarteeda waaxood
dhibta iyo wax yeellada, inta ila wadaagtaay
aan heeso weriyee, kici weerarkaagii
i waraabsha geedkii, waxyigaygu saarraa.
|