Toddobaatan midabley

 
Dadka muuqa guud iyo,  Magac kala sinnaadaay
Marwo dumar Garays iyo,  Marya kala sinnaadaay
doqontana masayrkiyo,  Munkar kala sinnaadaay
Miidaamo dhega laay,  Badda mawjadeedaay
kolba maayad keenaay,  ruuxaan malaynayn
dhiigiisa miirtaay,  Masaartii afweynay
Mindi lagu qaraabtaay,  Marti uma shireeyaay
Magan kuma hagoogtaay,  Mahadhooyin reebaay
Maahmaahda yaabkaay.

Maandeeq irmaan oo,  Maraqeeda xoortoo
Nacabkeedu maaloon,  Maqasheeda korineey 

Mayey iyo hillaaceey,  Miiraale Roobaan
Majaroor biyeyneey.

Maydali fardoodeey,  Ashkiraan murgucanneey
Madow iyo casaaneey,  Maarriin dhallaalaay
Magarkii la sheegaay,  Toddobaatan midabey

Geed aan Magool iyo,  Miro iyo caleen iyo
Ubax iyo man dhalinoo,  aan mayrax laynoo
lagu oodan maalkoo,  Milic laga har gelinay

Maartii dhalaashee,  aan moodey Dahabkee
Milantee caddaatee,  isku miir dillaacdaay

Maydyohow qoslaayee, Milgihiyo xishoodkiyo
Maamuuska weydaay,  Majihii ku daaloo
Madaxaad ku socotaa,  Meelaad ku nooshiyo
Muslinka iyo Gaalada,  Midka aad la dhaqantahay
Mooyaan adduunkoo,  Ma huraanka aakhiro
Marax kuuma yaalloo,  Maantay xisaabtiyo
Miisaanka joogtee,  Naftu kugu muddici tahay
Maanlay afkaagaa,  Kugu marag furaayee

sawtaad i mudatee,   igu muusannawdaan
Fartan malabka kuu daray,

Sawtaad melmelateed,  Murdisada ka leefteed
Mahad iigu celiseed,  igu tidhi macaannaa

Ma filayn abaal laay,  Maxrashoon kaliileed
ama maangad iyo Hawd,  Waxa kuu maleegtee
Danahaaga maamulay,  Muran inaad ka keentoo
Midigeys u bayrtood,  Moqoraysi baratee

Mugdigaan u heesaay,  Gudcurkaan majeertaay
Maansooyinkaygiyo,  Murtidayda lumiyaay
Madadaalo beeneey,  Maaweeladaaddii
Meexaanahaagii,  iyo muhashadaydii
Maankaan ka saaroo,  Kaa mayray laabtoo
Masallihi jacaylkiyo,  kuu dhigay maqaarkaad
Maydhaamanaysoo,  Nafta kaa muquunshee  

Ruuxii merganayaa,  Miyir qaata soortee
laba midig ku daaqaay,  Kolley miigan mayside
Caawa yaad miraysaa,  Tolow yaad ku maqan tahay
Cidhibtee ku mudan tahay, Miciyaha ku haysaan.