Taawilo
Sida ka muuqata maansada waa burburkii horjoogihii millaterigii, is-haaraan & is hiifad isagiyo kooxdiisii, & baabuurkuu ku qaxayoo taayar ka banjaray, haddana demay ee meel taag ah dib uga soo taraaraxay, iyo shallay badan.
Takri fale ma maqasheen, Afkii toorri dhooblaha
markuu Gacan togaalaha, ku marsaday tigaaddii
Tusmadiisa gogashiyo, Tuugeysi kaga baxay
Xagashada tammuuxdii, Gujadiyo tantoomada
kaga tuujey mililkee, Sida qalin tahliileed
Tutuwaha cantuugee, Yiri "toojo wiilkaa
Toogadiisa kaa waa, isna tuurin kuu qorey
hadba tiisa kugu maal, Taana waa naqaannaa
Toobaddayna yeelkaa"
Isagoo tigtiganoo, Tawan oo werwerayaa
Teelifoon ku soo dhacay, Wahan tooxan loo dhiib
Teneg iyo qabqaba maqal, Taammilooyinkii dhawr
ka taweli astaamaha, wuxuu yidhi "tartiib hoos
igu timi cadceeddaan, Toban guuraheedii
iyo weliba taartaar, u tumaayey saantoo
waanigan tin iyo cirib, Tifta dhididka hooree
Alleylehe tus baa jira"
Wuxuu taa ku sii daray, Weedhaydi tooxnayd
Warankaygi toosnaa, Tubihii qorshaysnaa
u tallaabi waayoo, Tabahaygi maalmahan
Togog soo rogmadey baa, Dib u soo tufaayee
maxaa toobiyii helay?
Wuxuu taa ku sii daray, Tarmi weydey beentaan
Taabba geli is iriyoo, Tiradaydu meel bay
ka takoorantahayoo, marka aan toddoba jeer
Toban-Toban u geeyaba, Taf kalaa furmaysoo
Wadar aanan filan bay, iska kay tusaysee
bal tabaalahaa daya!
Wuxuu taa ku sii daray, Tahar aan liq iri baa -----------
igu turunturrootoo, waxay taagan tahay meel
Taladeedu dhimatee, Tolow yaa fareeya ah
Wuxuu taa ku sii daray, Wakhtigii tin laga goo
wax tashiilo igu yiri, anna taawintaydii
iri hay tafaafulin, isagayga toosnaa!
Gaarriyow Tareenkii, Lugu tacab khasaaree
Taabka riixi waayee, Tamartiisu guuxiyo
Tallan qura ku koobnayd, mar horuu tolweynihi
Guradiisa tuurraa, Tarab tarab u daadshee
Tun ku shaashlayaashay, Hasha wada tadcaarteen
Ninba toogti garangari
Tawstii bacaadkaa, Teedkii hoggaankiyo
Taxanaha wereegiyo, Tolommada burbirsoo
Tayo socod ka dhimatee, Biro wada tafiir go'ay
wuxu soo tukubiyaba, markuu taaggi hoos yimid
Toolmoonayaashiii, Tuugna anu xadi jirin
inuu Daafta kaga tago, ayay sheekadii timi
Waxay ugu tiraabeen, dhaaxaannu tiirkiyo
Tiska culus Samaalow, kaa tiirinaynee
hanna tuurin jaallow
Wuxu yidhi "maxaan tari, ama idinku taakulin
iyadaygu tumatoo, ina kala taxaabtee" --------------
Wuxuu taa ku sii daray, waxaa toogta feleggiyo
Toommantiyo Guhaankiyo, Tusbaxaygu igu yiri
Xiddiggaagu tuuxee, Toommo oodan buu galay
Galbashada ku tiigaal, kula dhacan taraarkii
waad is tukhun-tukhaysee, ama taarka kala goo
ama tab iyo xeeshaa, ka tallaabso Oodaha
Taxanaha awaalkiyo, Toyashada ayaamaha
Taawilooyinkaygii, Runta iiga turi jirey ----------
Toddobaad ma gaadhay, Tafta iigu laabeen
Wuxuu taa ku sii daray, Haddii yoolka lays tubo
NaAïf taada weeyee, anba waxan hor taagnahay -------- --------- ---------
Taariikh i neceboo, Qayrkayba taajkiyo
Billadaha u tirisee, haddii aad tasawdeen
anba tegey sidiinnee, maxaad igu tuhmaysaan?
bal tafeenahaygiyo, Taagtayda milicsada
Aniguba tib culus iyo, Tukubaan cuskanayaa
kuma taagni lugahee, haygu tiirsan Laangare
Dhan kalay ka taabteen
Ninkii taarta Liibaan, Uma tooggo qumiyee ------
Ma tix gelin dhegoolee, Talan taali laafyaha
Caga jiidka taran tari
Wax la yiri tin caarrow, Looxa waad ku taallaye
haddii Alifki kaa tiray, Ta'da yaa u magac dhaban?
Wuxu yiri Sir baa taxan, Tartankay ka mudan tahay
Taban-taabshaheeduna, Nin tar sheegta ma oggola
WaxSE teeyo lagu dhaqay, Halaan Awrba loo tu'in
Ninkii tuudiyaa falan
Wax la yiri "Tinniixow, Tu Allaba ku biirsoo
xaggee taadu suran tahay, Warka nooga tibix sii?
Wuxu yiri "tibaaxdiyo, Toyashadu Gar weeyee
Hadday tuludi aadkeed, Takar dhabasho badan tahay -----------
Nin turxaan ka filayaa, ka tabaabushaystee
miyaan laba tagoogood, Garashada u taba baray?
Boqorkii tilmaannaa, Mar labaad tareenkii
Tooc tooci keligii, hadba dhinac u tooree
Tabca saar Qalfoofkii
Markuu tiiradii hoLay, ayaa Taayar boodoo ----------
Tafan toofe waa kaas, dib u soo taaraaree
Alla Taako yaw dhiga.
Isagoo tarwarayoo, Tarshaduhu sitaan buu
Tan-tannida ka soo degey, Tacsidii dad baa yimi
Tiiq tiiqsi digashada, Turqe Meydka weli nool
Wax la yiri "Gol taah iyo, Tiic tiica Murugada
Adigaa tallaashoo, Tiiraaanyo beeree
ka cantuug Tif iyo daran
Adigays taftaafee, ha ku taamin shaalkii
Taabka aad ku haysee, siduu kaaga tegey sheeg?
Tub hayowna aashaa, ha is taawin keligaa
waannu kaa tab haynaa, Bulshadaa tixraaciyo
Taladiyo guddoonka leh
Wuxu yiri " tawaawacay, Turubkana sokaan degey
Wax kaloon tammadiyoon, Tobanlaha ku waabshaa
Taabkayga kuma harin, Tuur-tuurka geba gebo
Toddobaale igu dhiga, Lixle dhiirran igu tuma"
Boqorkii tilmaannaa, Taagtiisa kibir oo
Qayrkii ku tanaxwee, Tagganaan ku raacdee
inay tiisa noqotee, Tartankaa ku dheeraa
Wuxuu tiigsanaayiyo, Tuun-tuunsigiisii
Taabba qaadi waayoo, Tafa xaydadkiisii
Labadaba tukaa cunay.
Duni toocsi mooyee, ninna Taab ku qaban waa
Qofba wuxuu ka taransaday, Teel teel ku noqotoo
inkastuu ku talax tago, wuxuu tabanayaa badan
Tagtadiisa xiise, Tiisa joogta haaraan
kaga daran timaaddadu, Tixdu waa abbaartaas.
|