Suleekha

Idaa subag laga lulaa,  Lo'baa saan laga baxshaa
Geel baa sidig loo ogaa,  Sengaa orod lala ekayn
Sareedo Illaahay baa leh,  Hablaa Soomaaliyeedna
Haddaan quruxdooda saanyo,  Haddaan miisaanka saaro
Sagaal tobankii adaa leh

Suleekhaay araggaagu,  Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye,  Ha ka goynin salaanta

Sansaankaagiyo jaaha,  Sara joogiyo tooska
Dhexda soohane tooxda,  Sayn fardoodda ka dhuuban
Biixiyaa isa saran,  Gaaraara kala soocay
Sanqaroorka la dhiibshaa, Nafta aan sasabaayo
Somal-haad gelinaaya

Suleekhaay araggaagu, Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye, Ha ka goynin salaanta

Saatirkii ku abuuree,  Saluuglaay indhahaaga
Saldhiggooda qorsheeyee,  Saxarkii ka daboolee
Baalashooda ku saabshee,  Suunniyaa ku hadheeyee
Hareeraa kaga seeraa,  Hibo gaara ku siiyoon
Cidna kuula sed qaybin


Suleekhaay araggaagu,  Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye,  Ha ka goynin salaanta

Saatirkii ku abuuree,  Qoortan aad samay mooddo
Cabbaadhyaa ku sargooyiyo,  Sidrigaagiyo laabta
Timahaagan ku seexdee,  Kolka aad doc u saydho
Sararaa ka degaayee,  Sabarkaaga tegaayaan
Samayskooda la yaabay

Suleekhaay araggaagu,  Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye,  Ha ka goynin salaanta

Saaray baanad ahayne,  Saancad weeye jacaylku
Surradaan la dhigaynin,  Heeryo weeye ku saran
Soodh halbowlaha gooya,  Seef ku guud sudhan weeye
Nin ka saahidey oonta,  Aawadaa uga soomay
Saymo looma horseedee

Suleekhaay araggaagu,  Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye, Ha ka goynin salaanta.