Sirta nolosha
Gabdhayahow sidee waaye, Ilbaxnimadu saas maaha
Saaxiibkayow heedhe, Safar baan ka imi dheere
Marka hore salaan diirrran, Marka xiga samow heedhe
Ha ka nixin si-dalagtayda, Sacab fara-madhnaantayda
Suugaanta yaabkeeda, Salka iyo fadhaa keena
Marka xiga sugnaanteeda, Socodkiyo falkaa sheega
Xeerkeedu waa saase.
Saaxiibkayow heedhe, Anba saaka qaybteeda
Sirsirraan ka joogaaye, Xadhiggiyo bal eeg suunka
Iyo sabarka gaadiidey, Iyo salabka ii qaaran
Iyo suudha guudkayga
Hilaygiyo waxaan saabka, U gilgiley Samaw haanta
Subag inay ku dhiiqdaaye, Saasay ku badisaaye
Sannad weliba xeeshiiye, Kol hadday silloonaato
Samaheedu waa dhiige, Sumuc talada loo dhiibye
Sida sida sidaas weeye, Si la yeeli jirey weeye
Marka xiga Samaw heedhe, Talo sibiq dhaqaaqeeda
Soof-daran habawgeeda, Sal-fudaydka hooggiisa
Bal sallaankan fuul laalan, Iyo sagabtan heensaysan
Dhulka saas u jeedaali, Sidan iyo sidaas fiiri
Sidan iyo gadaal dheeho
Raqda solan lafaa soogan, Bal su'aal u celi meydkan
Sababtuu u go'ay raadi, Bal dhegeyso saylaanka
Iyo salowga beer-qaadka, Iyo sebiga yeedhiisa
Waxaad aragtay oo saasa, Waxaad maqashayoo saasa
Maxaad odhan lahayd Suudi?
Samalaho furfuriddooda, Godka seer-ma weydaanka
Marka ay sabbuux gaadho, Si kalaan u dhigi taase
Saaxiibkay Waayaale, Suurtuu dhalaay heedhe
Heedhee Sahraay heedhe., Waxaan adiga kuu saantay
Dadka kaaga soo soocay, Sahra kuugu yeedh-yeedhay
Siduu aabbahaa heedhe, Samo ii faraan heedhe
Kuu siinayaa heedhe, Sooyaalka taariikhdu
Iyadaan salguurayne, Murtidaan Sahraay heedhe
Sadar kuugu qorayaaye, Heedhee Sahraay heedhe
Curad suubbaneey heedhe, Summadii Rashiid yeelo
Iyo weynidii Saado, Iyo sawracii hooyo
Sinjigii hablaa geeska
Subaxdii indhaa kuulo, Tintu saqafta yay waayin
Iyo diibka loo saaro, Subko oo xayaabayso
Korka siigo yey taaban, Ku illaali saabuunta
Dharku siifad yuu yeelan, Suyac iyo bar gaasheysan
Ku ilaali saahoodka
Garashadu Sahraay ruuxa, Sed u gaara weeyaane
Hadduu saamigaas yeeshay, Qurux ma leh saluuggeedu
Dadku siigga dida maaha, Sogob iyo ri'weyn maaha
Sumal iyo laxdiis maaha, Rati iyo sabeen maaha
Falka iyo sugnaantiisa, Socodkiyo abbaaartiisa
Dhaqan sida xishoodkiisa, Dabar iyo silsilad haysa
Iyo suun ma dhaafaan ah, Wuxuu soofka xoolaaba
Kaga soocan yahay weeye
Waxan uga socdaa heedhe, Naftu seeto yey waayin
Hana falin sidaad doonto
Hadalkana sar weedhiisa, Una saaf qofkii waaya
Ha ka tegin sarbeebtiisa, Hana gelin sursuur oodan
Hana lumin sargoyntiisa, Hana liqin sangaabtiisa
Ha ku saxan badheedhkiisa, Runta sogordoh haw yeelin
Ha suldaarin dooddiisa, Sisibaa wadaaggiisa
Sababee abbaartaada, Hana badin su'aashiisa
Sarrifkiyo tilmaantiisa, Saddex erey halkii dooni
Soddon yaanay kaa qaadan, Siddi-qabaxi yay raacin
Sare haw dhig-dhigin luuqda, Gacantana ha saydh-saydhin
Hana oran wax sawliila
Heedhee Sahraay heedhe, Sarta hilibka dheehaaga
Samaydaada dhererkaaga, Sarajooga muuqaaga
Sanqaroorka jaahaaga, Dahab iyo xariir saran
Uma baahna saantaadu, Hadda silis ha xidhan maaha
Luquntana ha sudhin mahaa, Waxan uga socdaa heedhe
Marka aad sunuud hayso, Waxa suuq mug-weyn yaalla
Ha la simin kitaab weeye
Hurdo iyo Sahraay jiifka, Marka hore sariir raadi
Salli iyo furaash dayday, Saddexdaba hadaad weydo
Lama seexan kari waayo, Hadda saantu qodox maaha
Suugaantu gogol weeye.
Ninku qaday Sahraay tiisa, Hadduu seed liqliqiddeeda
Ku saruurad goyn waayo, Subag iyo baruur doono
Sidu jecelyahaa been ah
Dhadhan iyo sibraar kayda, Sidig caanaheedaa leh
Badar iy sarreen shiidan, Iyo sixin ku iidaaman
Wax la cuno sabiib baa ah, Nin samaystay baa faan leh
Waxaad haysataa saasa ah, Ka sokow intaan sheegay
Hadda soortu dacar maaha
Dharku Saadhi qudha maaha, Saylooni garan maaha
Iyo sabarandaa giiran, Mana aha surwaal biid ah
Haddaan saarku kuu diidin, Saddex-qaydu ceeb maaha.
Heedhee Sahraay heedhe, Sar daruuran oo maasa
Mar Abu Sarmaantiiya, Dhacle baarka loo seesay
Boqor wada xiyaakhaysan, Sildiyaal jiljila dhiibsan
Tusbax dhawr sagaal laaba, Iyo qool sunaar dheehan
Subeciyad xiddiyo laaf leh, Adigoo siddeeddaas hal
Iyo timaha oo soohan, Ku darsaday sifaa guudka
Garashiyo sarriig sheegtay, Ma qofkaa sitaa jooga.
Hadda salamadhlow gaabi, Ha ku jabin saqlaa waalan
Sallow ololka hoy jooji, Ha saloolan xayndaabka
Ha ku bixin saloognaanta, Ha sarriiran waayeelka
Sakatiga ka daa beesha, Saha iyo af kala qaadka
Ha ka nixin hiddaa suubban.
Gabdhayahow sidee waaye, Ilbaxnimadu saas maaha
Hadba suf karkaro maaha, Sararaha bannee maaha
Qorqor suunniyaa maaha, Dhabanada sibbaaq maaha
Sanka oo la mudo maaha, Sakhrad iyo xashiish maaha
Sawir iyo riyaaq maaha, Filin iyo sarcaad maaha
Saxan reer galbeed maaha, Kabo sookal dheer maaha
Suuriyo durduro maaha, Salsalaw cid kale maaha
Qof silloon ku dayo maaha, Wax sawaaban noqo maaha
Sinta iyo lafaa duudka, Saddex goor jejebi maaha
Dhaqankaaga saydh maaha, Soomaali diid maaha
Sidaad doonto yeel maaha, Dhulka oon ku sidi waayin
Samadoo la koro maaha
Xilliyada wax saareenka, Iyo saacadaa reebban
Sabbadiyo rugtay joogtey, Gabadh timi ma saalloona
Ku salliya Rasuulkiina (C.S.W), Salka dhiga guryaa seexda.
Sunsun falan siddaha feyda, Sati fudud salaan sheegan
Indha suhub af geed saarrey, Hadba surin ka sheekeeya
Sidan iyo sibaas yeela, Ereyada saluuuggoo dhan
Kuma lihid Sahraay meella.
Sunbo iyo maraadaa leh, Inta sibiq dhaqaaqdaa leh
Sagan daaqa jiitaa leh, Inta marinka seegtaa leh
Waxba aan sugeyn baa leh, Inta sharafta saydhaa leh
Suuraafta maqan baa leh, Xadhig lama sitaan baa leh
Saca Faarsa nacay baa leh, Barni sumal xadkeedaa leh
Heedhe Sahraay heedhe, Suugaantu iib maaha
Erey iyo sunnee maaha, Hugun iyo sitaad maaha
Siddi iyo I daya maaha, Sadho iyo xajiin maaha
Laba saaq ku gado maaha, Waxan seylad gelin weeye
Sahdi iyo dareen weeye, Bulsho saaasaheed weeye
Samaheeda mudan weeye, Sawdkeeda diga weeye
Sacabkeeda kulul weeeye, Marna baadi sooc weeye
Sahan iyo tilmaan weeye, Dhaxal soo jireen weeye
Wax ku saabsan meel weeye, So'da iyo ka guro dhuuxa.
Heedhee Sahraay heedhe, Sirta noloshu xoog maaha
Dhagar iyo suryee mahaa, Surma seegto dedan maaha
Sibqi iyo hunguri maaha, Sacab iyo ka leef maaha
Sukhrad iyo fal xumo maaha, Hadba seeb u rogo maaha
Salfo iyo ku faan maaha, Damac iyo sandaho maaha
Derejiyo saldano maaha, Saro io dhalaal maaha
Sidan iyo sidaas maaha, Hadda sadadu lacag maaha
Heedhee Sahraay heedhe, Bulsho saami loo tuurtay
Shan siyood wax loo yeelay, Samir inay xigtaan maaha
Surka inay dhigtaan maaha, Sas inay didaan maaha
Inay suudalaan maaha, Sardho inay galaan maaha
Sixir inay dirtaan maaha, Inay kala saftaan maaha
Nin I sugayayow heedhe, Anigoo ku sugey heedhe
Maxaad ii sugtaa heedhe?
Heedhee Sahraay heedhe, Marka haaddu socod deyso
Dhirta sare tukuu fuulo, Gorayadu sanqadha reebto
Adna soonka xidho maaha, Mugdi talada sii maaha
Berri iyo siday doonto, Sug cadceedda maqan maaha
Saqda dhexe habeen soocan, Gudcur simay adduunkeenna
Wax siraata noqo weeye
Heedhee Sahraay heedhe, Saran seerka jiilaalka
Surbacaadka jaahweynta, Sumal-haadka roob waaga
Iyo solanka daaduunka, Cirka oo sabaad guurey
Dhulka oo huwadey siigo, Iyo dogobbo soogsoogan
Marka beladu sooyaanto, Saadaashu beenowdo
Saca nuguli kaa leexdo, Adna sebenka raac maaha
Inan sabadu duugoobin, Sayax iyo ugbaad waayin
Sudda iyo degaankaagu, Surmi iyo harraad leeyan
Ama saacu guur-guurin, Sohda ceelku dheeraannin
Adaa yeeli kara saasba.
Heedhee Sahraay heedhe, Saxariirka aafaadka
Saxallada kal-meerkooda, Sambabkuba col weeyaane
Marka saymo loo iisho, Ama soofku jaan qaado
Ushu way sabooshaaye, Ha ku dagan sidsidadkeeda
Qalinkaa wax suureeya, Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye, Sunto fara ku hayntiisa
Weligaa ha sii deynin., Sisin iyo ku beer muufo
Iyo laanta saytuunka, Ku qotomi sungaan waarta
Iyo nabadda seeskeeda, Samo iyo ku doon heedhe
Dunidiyo sinnaanteeda, Ku dawee sawaaceenka
Iyo siica daacuunka, Ku burburi sarbaa mooska
Iyo soohdimaa meersan, Ku midee samuud raaca
Midabada la sooc soocay, Dadkan tobanka saamood leh
Weligaa ha tumin seefo, Iyo sabaradaha mowdka
Dar samaysan baa yaalla, Sancayahan gaboobaa leh
Sahankaynu diranaa leh, Nin sokeeyeheenaa leh
Ninka sida xilkeennaa leh, Ka sarjara heddeennaa leh
Salab ciiddu hayn weydey, Ninka sudhay xiddigahaa leh
Nin sabuul la aayaysto, Dhulka siib ku ridin baa leh
Nin Sahraay adduunkeenna, Sacad gubi karaa haysta
Ninka sigay kun jeer baa leh, Waxa nolosha saameeya
Sako nimaan ka bixin baa leh, Nafta saawa-saawaysan
Santi nimaan ku furan baa leh
Nin aqoonta soorkeeda, Sida kale u rogey baa leh
Ninka sulubka maadhiinka, Ugu roon saboolkaa leh
Nin samaa ku adag baa leh, Sannadkaynu caydhowney
Kaynu suus ka weynaa leh, Naftu waa sir xeel dheere
Nimaan suubin Karin baa leh, Wedka qudha sameeyaa leh
Sulda iyo xanuunkeeda, Shalay iyo sadaaddeeda
Iyo saawihii hoogga, Naxdintii badh baa suuxsan
Selelkii badh baa waashay, Dad sawaaban baa buuxa
Dumar waayey saygooda, Hengashii sidaa muuqda
Ololkii badh baan seexan, Sarihii dumaa jiifa
Qabrigii sinmaa jeexan, Waxa saaka joogow ah
Surrad baa I guud taalla, Salabkii horaa tuuran
Samadiyo dhulkaa buuxa, Baddu waa sakalo miidhan
Qalab suruc leh baa laalan, Sanqadhuhu hub kacay weeye
Sabarkii dadkaa baahan, Saantii dadkaa qaawan
Weli talo ma saalloona, Waxa soo socdaa yaab leh
Wershed suufiyaa daaran, Waxay soo siddaa geeri
Midhaheedu waa saymo, Belo aan fan seeraarka
Saxar loo mar-maran weeye, Waxan ahay qof cayn saaban
Deldelaad u sudhan jeebka!
Allow yaa wax suureeya, Salka dunida yaa dhawra
Iyo seeska jiriddeeda, Wacanaa sansaankeedu
Badanaa sudaaddeedu, Saxanaa hannaankeedu
Allow yaan sugnaanteeda, Saymiyo u rogin duullan
Subax noolba dhiig daata, Xadhig iyo silsilad shiilan
Allow yaan sinnaanteeda, Ku beddelin saraar oodan
Iyo seere wiil qaytey, Dadka saran guudkeeda
Yaan ka dhigin sabool qaawan, Iyo soobir caydh jooga
Erey sami wuxuu gooyo, Allow yaan ku jarin soodhka
Garashada ka dhigan seefo.
Allow yaa su'aashaasi, Sida ay u tahay yeela.
Heedhee Sahraay heedhe, Dhulka iyo wixii saran
Sare iyo wixii laalan, Inta sudan intii seemman
Waxa jira sir iyo caadba, Rabbi qudha sax weedhiisa
Sida uu ku yidhi buuxi, Waxa hadhay salka iyo baarka
Inta sool qarsoon joogta, Inta seel xidhxidhan jiifta
Inta saydha waabayda, Maroodiga siddaa dheer leh
Wiyil iyo sahboodkeeda, Inta laga subxaanaysto
Kolay tahay libaax sayn leh, Marka aad Sahraay meel fog
Uga suul-dhabaaleyso, Deg-deg inay sujuuddaada
Suxullada dhigtaan weeye!, Sidashada awooddaasi
Sahal io wax fudud maaha, Qofba waa si garadkiisa.
Heedhee Sahraay heedhe, Badda iyo sulaaqeeda
Iyo buurta saysaaban, Onkodkiyo sawaxankiisa
Salowgiyo jibaadkiisa, Danabkiyo salsalihiisa
Sarka dhabanka duufaanka, Ha ka didin sawaxankooda
Duni kuu sakhiran weeye, Sayid baad u tahay caana
Suubaali oo layli, Ku sasabo aqoontaada
Senge iyo ka dhigo doonni, Sallo iyo ka dhigo oori
Gabadh weeye caad saran, Badi saayiraadeeda
Iyo laab salaaxeeda, Guro saadka guudkeeda
Iyo sahayda uurkeeda, Kordhi noole soorkeeda
Iyo baahi saarkeeda, Hubi nabad sugnaanteeda
Iyo sabo negaanteeda, Ha ku deyin xannun saaqa
Ha ku badin saqaaf ciiddan, Suluf iyo colaad waarta
Ha ku saaxin naabaalka, Iyo sulubka baaruudda
Ha ku didin sabbeeyaanka, Sabareynka boodbooda
Iyo sukhula naareedka, Ha la dhicin sawaariikhda
Iyo saanadaa miiggan, Ha sumayn macaankeeda
Salabaha ha marin doogga, Ha burburin sansaankeeda
Quruxdiyo sureerkeeda, Ha sadhayn hagoogteeda
Sagalkiyo daruurteeda, Ha sukuumin uunkeeda
Saryankiyo ugaadheeda, Ha furfurin sin-dadabkeeda
Ha ka rogin dul saarkeeda, Udubbada ha siibsiibin
Ha afuufin suurkeeda, Subax qudha ha duuduubin
Sakaraadka taaheeda, Uga xilo samaanteeda
Sacabkiyo mashxaraddeeda, Garashadu mid soofaysa
Ha ka dhign sadqaynteeda, Ha ku solo wanaaggeedu
Ku sin inan-dumaalkeeda, Kuwa saadanbee laalan.
Heedhee Sahraay heedhe, Seben tegey xusuustiisa
Raad raaca Siinleyda, Socod barashadii doodad
Saxarliyo abbaarteeda, Anigaan wax saaraynin
Sannad iyo garaadkiisa, Saadaashu been weeye
Waxba samir ma liileeyo, Ha sarwicin qof kaa jeeda
Hana sugin nin kaa maarmay, Hana sigan mar mooyaane.
Nin ku siray ha faallaynin, Sababana ha weydiinnin
Ha u seeta dheeraynin, Hana sidin culayskiisa
Siriq iyo ku qabo baydo, Hana falin siduu yeelay.
Nin ku yidhi anaa saasa, Ha ku odhan sidaas weeye
Sida uu ku yidhi heedhe, Haddii ay siniin weydo
Ama sarin sanaan weydo, Waxa furan sidaas maaha
Qof saluugey maankiisa, Ama suufay muuqiisa
Ka sal kacay xaqiiqdiisa, Qabku saami ladha maaha
Nin sitaba bar baa saran, Ninka sii sitaa jooga
Raggannimada sooceeda, Adigoo sagaal buuxshey
Hal ku seegay baa yaalla.
Sogotiga qof tegayaa leh, Si hadday u dhici weydo
Si kalaa u waan waan ah, Dunidaa sidaas yeesha.
Sooryana qof yimi baa leh, Si hadday u noqo weydo
Si kalaa u waaceen ah, Dad horaa sidaad yeelay.
Nin salaad u kacay oogan, Sahwi galay xalaaleeye
Adna sahankan beel loogan, Ha ka dhigin socdaal baada
In halkii sal hayn waayo, Laga saba rogtaa doora
In su'aal jawaabteeda leh, Lala sara kacaa fiican
Nin ku yidhi sinnaan mayno, Adna buri sarrayntiisa
Sidka waa wadaagtaane, Ma sagaashan baa tiisu.
Selelkaba hurdaa keenta, Haba seexan goor baas leh
Han sareedo loo waayey, In saraayo loo daayo
Sida aan u idhi weeye, Bela saacaddeed joogta
Sabti nabada haw riixin
Subax dhalatay caadkeeda, Ha ka bogan wax saarkeeda
Adiguba samee maanta, Berritona sargoo heedhe
Noloshaba inaad saafto, Qaabayso saabkeeda
Waxaan suura gelin maaha
Garashiyo sugnaan hoyso, Falka sami ha kuu raaco
Mana jiro sed kaa baaqday, Ilbaxnimadu saas weeye
Sirta noloshu taas weeye.
|