siddi qabax

Saaxiibkay Qaysow,   Marka hore salaan guud
Marka xiga sedkaagiyo,   Waxa aad ku sugan tahay
Waa inaad na siisaa,   Marka xiga silsiladii
Murtidaadi soocnayd,   Subciyoo dhameeyoo
Solayoo bisleeyoo,   Dabadeedna siistee
Saaxiib ma nabad baa?

Sumaddeedu waxay tahay,   Roob saaka da'ay baa
Sar-ka dhaban la yimidoo,   Anna seexan maayee
Saaxiib ma nabad baa?

Summadeedu waxay tahay,   Heestaydu waa siin
Sidig weeye dihinoo,   waxa loo saddexa maray
Dadka haw sinnaatoo,   Ruuxii saboolihi
Caanaha ha sayree,   Saaxiib ma nabad baa?

Heestaydu waa siin,   Waa sooryo xididoo
Saxar laga ilaashoo,   LaGAa sugay bidhiiqoo    ---------
La saluugi maayee,   Saaxiib ma nabad baa?     

Sumaddeedu waxay tahay,   Saxan-saxo ma roob baa?
Seed geel ma hilib baa?,   Seko Ari ma xoolaa?
Far-dhexaad ma suul baa?,   Sakaraad ma lool baa? 

Biyo sare u jeedaa,   Halka ay sal-dhigayaan
Sahan raacay weydii        

Sumaddeedu waxay tahay,   Cabdiyow sabeenihi 
way sumal-xadeenoo,   Midi haysa sidatee
Saddex dhalay warkoodiyo,   waxay saaka joogaan
Xogta aan ku siiyoo,   Sarta kaaga jeexee
Saaxiib ma nabad baa?

Sumadeedu waxay tahay,   Sheekadu sal-fududaan
Ama socodka qaarkiis,   kuma sama-falaysoo
Cabdiyow ka Saan weyn,   Suxullada la gaaroo
Sinta waxay ku haysaa,   Subulaha galbeedoo
Ninka saylac joogaa,   Sanqadheeda mooyee
Ma yaqaan sirteedoo,   Orgi sarara weynoo
Sogoboo dhufaaniyo,   inay tahay Ri' seenyoon
kala saari maayoo,   Haddii looga sacab tumo
Salmihii Gurracaneed,   Selel kama baxaysee
ha la boodin seeftee,   Saaxiib ma nabad baa?

Sumadeedu waxay tahay,   inta Waranka sooyaan
Samaydii ka maqan tahay,   inta laba su'aalood
Sakaluhu dhex yaalliin,   inan Dunida saabkiyo
laga saarin tiirkoo,   Qorraxdana siraadkiyo
laga siibin nuurkoo,   La afuufin suurkaan
Rabbigay ka sugayaa 

Sumadeedu waxay tahay,   Ninka ootay seeraha
Saxarlana ku guursaday,   haddii uu nin sare yahay
aan laga sed qaadayn,   Saadaasha mooyee
si kalaan ka yeelaa,   Suuroobi maysee
Aniguna sidaydaba,   Soddohaa Rag kale qabo
kuma toobbad seegee

Sumaddeedu waxay tahay,   Sidi-qabax shan maalmood
Sahay loogu talo galay,   Soddon laguma gaaree
Hadal lama surnaadee,   Saaxiibkay Qaysow
waxaad Suuban leedahay,   Saca Faarso nacayow
Sagaal beri adoo qaday,   Samsam iyo Bullaalaa
Saarkaagu kaa hayn,   Saxarlaay ma kula tahay?