Shan Ubaxley
Ugubey ma seexdoo, iintaada hoosaan
Uur-baarayaayoo, Toddobada ayaamood
Kolba ood ka rogayaa.
Meel uurku tebayoo, Ergo kuugu maqantahay
indhahaagan haystaad, Ku illowdey ruuxaan
Cidi kula arkayn iyo, Eegmadan jacalkiyo
ilmadaadan qubatee, Dhabannada ordaysiyo
Dhirtanaad arradisee, Ubaxii ka marisiyo
Waxan kaa ambaday baan, indhashooda waayee,
Arrintaada gabaryahay, Udubkeedu dheeraa !
Waxaad tahay qof uguboo, Iimaanku buuxoo
sidan qabo Allaylehe, Aqalkaad ku dhalatiyo
Gurigaad ku ababtaa, Alla lagu xusaayoo
Awliyadu ku kulantaa.
Badi wuxuu arooraa, Arday macallinkiisee
Edebtiyo xishoodkana, Idil hooyadaa baa
kugu tidhi adkeeyoo, Malaa aammusnaantana
iyadaad ka wadataa.
Sida ruux abwaaniyo, Waaya-arag Da'weyn baad
Arartiyo tilmaamaha, kolba madax unkaysaa
Hadba dhinac abyeysaa, Malaa aabbahaa baa
Taliyoo arrimiyoo, Gabaryahay af-tahamada
isagaad ka wadataa.
Timahaagan araxdiyo, ka arooray dhabarkee
Garbahaaga ootaan, Erey lagu tilmaamiyo
Hadal lagu ammaaniyo, wax asteeya waayoo
Afartaada waaxood, indhal baysu haysoo
Luquntaadu inanyahay, waa aaran Geriyoo,
Sanku waa abuurtii, Fardo Adari joogiyo
Ashkirkii Nugaashoo, indhahaagu ruuxii
Sal-fudayd ku eegay, Ashqaraar ku ridayaan.
Afkaan midabka luulka leh, Mahadhada ilkaha furan -----------
Labadaba Allaylehe, Ninka eeday waa ani.
Dadkan uu Ilaahay, Ka abuuray ciiddee
Gablantada adduunyadu, ka idlaysay dheehee
Dhaxantiyo awaaruhu, Araggooda doorsheen
Oday lama wadaagtide, Ma cadceed arooryoo
Sagal oogadeediyo, agagaarka geesaha
kaga taxay aleelaad, uur wada gasheenoo
ma cir-jiidha oogtiyo, xiddigaha iftiimaad
dhalad kula aroortaa.
Ma hadlaa af-saarkiyo, indha saabka qaatiyo
Amran xuural-cayntaad, Isir hilib wadaagtaan?
Ubaxley shan ubaxley, Magacaagu waa udub
Gacmahaagu eegmada, waa laba ulooddoo
N.F.D ku yaalloo, Unuunkaagu waa Xamar
Adhaxdaadu Hargeysiyo, Obokh bay ku beermeen
Abtirsiimadaaduna, Afrikoo dhan weeyaan.
|