Saxarla (SAXARLAY HA FUDUDAAN)

 
Ku sinaan dharaartii, la sargooyey dunidee   ------------
Rabigaay sameeyee,   cirka sare u taagee
xiddigaha siraatiyo,    dayax suudi meeriyo
lagu sugay cadceeddee,   sagalkiyo daruurtiyo
lagu xiray sitaacee.

Dhulka gogol la seexdiyo,   sabo lagu negaadiyo
laga dhigay sin-dadabkee,   buuraha la saaree
Dhirta samayda ciiddiyo,   salka loogu joojee
saddex laab Bad iyo webi, lagu yidhi sabbeeyee
Dabadeed la saanyee, qofba meel la siiyee
saldhiggeedu qaydnaa.

Cidi uma sinnaynoo, dadku ruux sabooloo
saranseer ku raagiyo, guryosamo nin yaalloo
sidka dhalay ku haystoo, heley seermawaydiyo
laba kala sadroonbaa, subax noolba joogee.

Waan soo socdaa kowdhe, waxna waan sidaa labo dheh
samir yeelo weligaa, Saxarlaay ha fududaan
Salfudaydku Xaawuu, jannadii ka saaree
ruuxaad sugaysoo, maqan waa la saadshaa
sahan waa la dhowraa.  

Ha sahwiyin ha salelin,   sarka-dhaban ha noqonnin
ha saluugin qaybaha,   qalin baa saxiixee
waxan Saatir kuu qorin,   ha u suul-dhabaalayn.

Kala saar run iyo been,   kala garo sir iyo caad.
in salaaddu weligeed,    kala tahay sunniyo faral
u ogow sax iyo maan.

Inaad saamo jiiddiyo,  sanqar tirasho kala daa
Naf jacayl sawaaboo,   sanka kuu daloolshoo
kuu suray Hoggaan baad,   u siddaa maqaarkee,
haku daba-saqlaysee, ha KA gaabin seetada     -----------
sogsogtiyo cadaaddiyo, ha ku sayrin laamaha.

Waan soo socdaa kowdhe, waxna waan sidaa labo dheh
samir yeelo weligaa, Saxarlaay ha fududaan.