rag siyaasi wada noqoy !
Suugaan ka hadalkiyo, suradiyo murida culus
hadalada sadexa maran, halka laga sameeyaa
kolba laga salaamaa
Duniyahay sabool diid, siyayaaba badanleey
majaray ku socotaa, xumo lagaga saahiro
suBax noolba waa guul, laga helo sax iyo maan ----------
qofka xiga samaantay, agihiisa surantahay
ma ogola suldaameyn, iyo diro ku sabashada
hadba sara kaceediyo, sababaha ka dhacayaa
nafta lagu sargooyaa, labadeeda saanqaad
marba kii sokeeyaa, nafta lagula seexdaa
dadku sogordaheediyo, siraheeda culus buu
u su'aalo badanyahay
sariddiyo rog-rogiddiyo, marba saab ka bixintaa
hanku ugu sid tiriyaa
sugiddaa leh maahmaah, iyo sawrac gobannimo
hiyi baa leh saadaal, iyo saami lagu qado
marba sadadu waa meel, samirkaa la qaataa
barna qaybtu waa sarar, inaan suuska digashada
marka saacu guranyahay, waxa seeto laga dhigay
dadku inay ku soomaan, xilka sabanku leeyahay
iyo weedha saaloon, sacab maranba loo hayn
Sadarrada la qaybka ah.
qof saluuga mooyee, hadda cadaygu waa soor
sirtu waa ka dhigashada---, marka aan si kale jirin.
senge orod la dabo galo, salyar buu u necebyahay
codka salalka bayrtiyo, dadka qaar sacsacanoo
sirqa ba'an ku noqotoo, marba suuf ku dedayuu
sawirkeeda necebyahay.
Rag siyaasi wada noqoy, wada furay silsiladaha
hadba taanu suurayn, yidhi anigu aan saxo
Sarrif hadal ku daaldaal, marwo dumar ku noqoy saxal
subkay heeganteedii, silicana ku keli yeel
suxullada habaaska leh, sabadiyo rugtiisii
sarajoog ku laablaab, ama jiif ku sii gee
ninna seeg ku noqon waa, xil sariirta kaligeed
adna hooyo saxarlaay, surin kugu bannaanaa
aqallada ximraa suran, sigashay ku baridaa
dadku sabanka maantii, sahwi bay ku joogaan
saqda dhexe habeenkii, sardhadii ku lulanyahay
surmi bay ku huruddaa
ama ciil la kala socoy, ama cadho la kala suur
dhasha saxalku hayn waa , surbacaadka raacraac
lagu qaad far iyo suul
Mar salaadda jiir-jiir, marna umalka seeraar
si sawaaban yeel yeel, dadku segeger mood-mood
Sunbo loogu yeer-yeer, dulucduna ka samarkiyo
nin wax saaray maahee, sinji hirashadiisiyo
saameynta wadartiyo, xogta garasha aan sulin
summad baanay weli hayn, cidna lagula saayido
Mar hadday sirgaxantahay, dadku saangab wada yahay
sannadaha ku kala weyn, lixdan iyo sagaal kulul
kuma kala sarreeyaan
kulammada sawaxanka leh, suti muranka yaalliyo
salowggooda baxayaa, suruq buu dugsanayaa
derejaan la kala sidan, ala soocda laba ruux ----
haki iyo sed baan jirin.
Dhulka suur ku yeedh-yeedh, bulsho loo sanqadho badi
sac-sac raaca loo diid, sakaraad la wada noqooy.
Dhaqan lagu sariigtiyo, berigii soddohaleey
saranseer kadaba yimi, dadku wada salfududaa
Sanifaadda wada baray, iyo saarka tumashada
baday seef la boodkii, sunta qoosh la kala dhaxal
Sahan iyo baxnaaniyo, noloshuba sansaan ---------------
ma dhex yaal sureerkii, haddaan soohdin kale jirin
Waxan suuragalin karin, dadku inuu sidalagtiyo ------------ ?????
afka suuq ku kala baxo.
Rabbi sama falkiisiyo, saka weeye garashadu
lagu saanto xigatada, satiyada aqoontiyo
noloshana sal iyo baar
waxaa looga simanyahay, waa siraad kadhigashada
hadba tii ku seegtoo, waxa laysu siiyaa
salka lagu fadhiistiyo, inaan seesku dheeliyin
hadday saancad dunidii, adoo sayn cad kugu tahay
saymaheedu meel buu, ilaa saaka kuu yiil
haddaan sooryo waayeel, sanku neefle kuu hayn
cid baan saaf la dheegtiyo, xarig soohan kaa hayn.
haddii duul ku sahashado, ama sebi xaq kugu luro
sed ka maqan tirsanayaa, sumal-haadka shidayaa
waa saruurad haysee, selel yaanay kugu ridin.
|