Quduro

Cabdi Aadan Qaysow,  qoffi soconayaan ahay
qaro iyo laxaad iyo,  qoton waa halkoodii
Ul qallalan umaan dhalan,  qurux kama marnaan jirin
hana qaad filkaygiyo,  ka da'weyni qayrkay.

Hilbahayga qoonmiyo,  qayaxnaanta jaahiyo
sida qaansadii godan,  jooggan soo qandoodsadey
qurubsiga tallaabada,  qalqalloocan igu dhacay
ma lahayn qallaafee,  qoontayda hoosiyo
waxa qaabkan iga dhigay,  Qisadaas ma haysaa? 

Maxaa iga qabyo ah hawl,  wax ka qabashadeeduna
qayrkay ku xiran tahay  

Maxaa qalinku sheekiyo,  qubanaha dharaartiyo
kolba qodob la yaabliyo,  mahadhooyin qorayaa!

Maxaa Feero qaaxiyo,  qulub kala kexeeyeen
qoomammadu damqaysaa

Maxaa ciin la qooshiyo,  Waabay qaraaroo
Dacar lagu qasaasiley,  iyo quursi daba yaal
Afar aan is qabannoo,  Cabsi loogu qumayaa 

Qamuunyada dibnaha iyo,  Qacda labada fool iyo
maxay qaawinta ilkuhu,  Qanja-barar isku hayaan

Maxaa qiiro hoosiyo,  ilmo qubatay gocashadu
ha i qarin ku leedahay,  isaguna qabaal iyo
Qaba dheer ku shubayaa

Maxaa ruux qaldhebayoo,  Qormadii rugtiisiyo
Qudha laga toleeyoo,  misna quusan waayoo
Nafta quuri waayoo,  Qarandida sideedii
Qodanaaya Booraan

Godka meel qarkiisaa, Qoobley ordaysiyo
Fardo qaxay ku jiireen

Maxaa seefo qawliyo,  Gudmo lagu qaraabtaa
Damal adag qarqooreen  

Dadku dhagar qaboobaa,  Qaantoodu fududaa
Qarqarsigu ku adakaa,  Ninka qoofashee yiri
Qoorta hoos u wada rogaa,  Qoontooda badiyee

iyagoo qiyaamiyo,  Bad qaloonbineysiyo
ku dhex jira tog qawlay,  Qoyanaanta diidaan 

iyagoo qaldhebayoo,  Qatanoo arradanoo
Gabaddano qarqarayoo,  Nolol qaawan joogey
Burka qaraf ka dhawraan

Qawdan waa nin keliyee,  Haddaan qaybta loo burin
Wiyil qoora laga dhigin,  Qaran kuma hoggaansheen
Qaaraan gumaystiyo,  Qalle lagu hungoobiyo
Qalam jalam hadoodilan.

Ma lafaha qandoodiyo,  Saadaal qallalanoo
lagu qiil banaystiyo,  Riyo qabaxtankeediyo
Qaadaa dhiggeediyo,  Qashar iyo salool baan
Qalalaasahaan gebay,  ii qumiya leeyahay

Ma quruumo ciiddiyo,  Qawlallada Aboorkiyo
inta dulin qaraabtiyo,  Qablantadu ku kulantee
Canka lagu qariidiyo,  Qabri lagu ducaystay
Qabyaday ku xidhan tahay ?  

Ma qorshaha Bareerkiyo,  Quxub lagu hirgeliyee
Qori tuurka Saadooy,  lagu kala sed qaatey
Qaddar dhacay u haystaan ?  

Jidku Qarar xiriiriyo,  Qodax iyo dhib badanaa
Qarnigaynu joogniyo,  Qarda jeexa yays baray?  

Dadka yaa Qareenkiyo,  Qolo qolo u kala raray?
Qoqobada dhex taalliyo,  Tolow Qalada yaa baray?

Qorannimada waa tii,  Qoor-gooyo laqan iyo
Qaryad weer cad xiratiyo,  lagu helay qisaastee

Hadmaa qaabkan loo roggey?,  Bulsho qura la saanyadey
Qaydar iyo galool iyo,  Qansax miiran laga dhigay?

Qandigiyo mareegtaay,  Qalwadiyo sursuurtaay
iyadoo qaskaagiyo,  Raggii aad qalqalatee
Qawlaha u loogtee,  tiri qaybi dawacada
Qoyantahay raqdoodii,

Qummanihi degaankiyo, Qarareytidiisii
Qummayada dabkeediyo,   lagu shiilay qaxankee
Qunbeyaasha lagu shubay

adigoo qurquriyoo,  ku qubeystey dhiiggii
iyadoo qalfoofkiyo,  Haradoodu qubantahay

haddaad soo quturantahay,  ama weli Qor kuu haray
Qoysku waa hadhiinoo,  Qabku maaha Beentaa

Qudha loo kal tiriyaa,  Qusur kama fogaatee
inaQayte yeelkii,  ha qurquriyo caanaha
Qadda ruuxna haw dhamo,  haddaan qaamudkay gelin
Anigiyo rag ila qaba,  Qoomaasha murugada
Qodkaan bixiyey laamaha,  Dabna wuu u qolof dhici     

Qaybdiid haddii uu,  Qado wadari leedahay
Qoondaystay keligii

Gaarriyow nin qaddanaa, Qiimeeya noloshoo
weligii qaddariyee

Qaska iyo colaaddiyo,  kama naxo qulquladaha
Qarfihiyo Abaaraha,  Rati qooqan baan ahay

Maskaxdaydu qayliyo,  qiiq baa ka baxayoo
Bulsho qawqab diiddaan,  bal inay qamaamaan
Qab-qabaha u tumayaa

Nin qab ii dhigaayaan, anna qool u xirayaa

qoortaydu waa iib,  wax ka qaaya weynoo
u qalmaan u hurayaa.  

--- D H A M M A A D ---