Muliya
Muliya saaseey, Hay saasey
Muliyaa saasey, Hay saasey
Muliyay saasaa, Hay saasaa
Mulliyay saasaa, Hay saasaa
Yaa mullaaxda galool, Maydhax looga jaraa?
Yaa masaarriyo Hawd, Maadha looga guraa?
Yaa mageyno irmaan, Dhasha looga maraa?
Yaa hadhuub madaleed, Moroh looga tolaa?
Yaa maraa hadh qabow, Maydal loogu xidhaa?
Yaa marleyda haween, Taan maqaarka lahayn
Looga maarmi karaa?, Qurux aan masanuun
Male loogu tegeyn, Yaa macnaysan yaqaan?
Miyireey dhibtaydiyo, Meeraysigaygii
Dhegahaad ka maratoo, Hadal mooyi keliyaad
Ma huraan ka dhigatoo, Maya baad ku koobtoo
il muggeed wax joogiyo, Midig baad ka talisee
Hawraar magooshoo, Ubax iyo man bixisaan
kugu meherin laayoo, Marriinkaaga hees iyo
Maahmaaho yaab loo, Nin magtii ka culus iyo
Murti baan ka dhigi laa
Mudan baaD u noqon layd, Dumarkiyo marleydoo ----
Masallaha jacaylkaad, Maamuli lahaydoo
Gabaygaan marxinayee, Hore ugA masuugaan ----
KuU madhin lahaayoo, Cidi kulama maasheen ----
Maskaxdaydan curatoo, Malyan kula gudboonoo
Muuqaaga aragoo, Maqlay sheekadaadaa
ku majeeran-laayoo, inta gabar is mooddaa
Masayr kuugu iman layd
Murankaagu duniduu, Maan dhaaf ku ridi-laa
kuwa maqasha raaciyo, Ma-kastaa ku baran layd
Jidka waxad ku marilayd, Sacab iyo mashxaradoo
Miyi iyo magaalaad, Maamus ka heli-layd
Midabbada dhabeesha ah, Qurux daadan maydhee
Rabbi kugu manaystaan, Hadba meel ka sari laa
Madaxuu ku socon laa, Mar qofkii dhegeystaa
meexaanahaygoo, Midho laysku baantaan
Kuu marin lahaayoo, Muqdishiyo Hargaysaan
Madadaalo waayeen
Hadba mahadnaqaagaan, Mirta dhexe la kicl laa
Gacalkiyo mataanaha, Wedka kala muquunshiyo
Haddii mawdka geeridu, Iga kaa hor mariyaan
Kama aad maqnaateen, Maankayga gelinoo
Magic baad ka dhiman layd, Marti soorka Eebbiyo
Inta melg ag-joogtiyo, Marwadii Rasuulkaad (S.C.W. )
Magan kaaga dhigi laa
Qabrigaaga maansiyo, Murugiyo xasuus iyo
Mahadhaan ku qori laa, Maka iyo Madiiniyo
Halka Maxamed yaallaan. (S.C.W.), Calan kuugu mudi laa
Muliyaa saasey, Hay saasey
Cishqi baan miraayoo, kolba mayracaayoo
Muddo dheer isagaan, Majaraa u hayoo
Guntii soo murdiyoo, Kal gacaylkan madow
Aan murwaadka lahayn, Ninkii meel u hayee
Ku muraadsanayow, Hoo muftaaxa jacayl.
|