Mayal-dheer Waa maanso cusub oo la magac baxday mayal dheer oo uu curiyey abwaanka caanka ka ah dhulka Somalidu degto Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) Waana maanso aan odhan karo waa dacwad dadka lagu xusuusinayo aakhiro oo qiimo aad u balaadhan xanbaarsan, waxaanay ka turjumaysaa sida uu hadraawi uga qayb qaadanayo wacyi galinta umada islaamka ah gaar ahaan kuwa ku hadla afka Somaliga, waxa kale oo ay wacyi galin ka tahay bahalka dhibka badan ku haya Somalida ee loo yaqaano qaadka iyo sida loo dayacay xaasaskii laga masuulka ahaa, Maansadina waa tan ee u dhugta:-Noloshu way madawdahay, Marin seegan baa yaal Mahadhooyin baa yaal, iyo maado faro badan Maya iyo mayaa taal, Maya iyo wir baa taal Muruq iyo Car baa taal, Mukur iyo Qab baa yaal is maroorin baa taal, Makri iyo Dhac baa yaal Mixnad iyo Shil baa yaal, Makal iyo Dil baa yaal Malaf iyo Dulmaa yaal, Madfac iyo Hub baa yaal Dhagar iyo Mir baa taal, Maryo dhiig leh baa yaal Midib iyo Xin baa yaal, Marre iyo fal baa yaal Musuqmaasuq baa yaal, Marag beena baa yaal Macsi iyo kufraa yaal, Dhir la muudsadaa taal Shar la miisto baa yaal Macaluul cas baa taal, Jahli macalinaa yaal Dadku inay masoobaan, Maskax diidan baa taal Maya dhego la' baa taal Wixii maal la dhaqan jiray, Murugay la tuban tahay Dhirtu wayska mudantahay, Marmaroorku faro baday laga furey marriinkii, Ubixiyo magoolkii Allaylehe marduufkii, Cunay maahirtaydii iyo may cas-kaygii, Macal iyo wankii raas iyo maydalkii raan, Qudhac iyo maraagii Milliqsuu ku shidayaa Cirka mooyi waxa jira, Mayaygiyo gudgudihii Meexaanihii daa. Dadku waxay ka maydheen, Madadkiyo hufnaantii Milgihii dalaysnaa, Malmalbay u shidayaan Ninka maratidiisii, Culustiyo min-weyntii Mijin bay gadaysaa, isna miiladiisii Merfesh buu la joogaa Makastiyo haweenkii, Milic bay harsanayaan Mugdi bay ifsanayaan, Ragna maah ka badin waa iyo meheradii jaan, ku masuug xilkiisii Murti iyo hal hays iyo, Maahmaahyadii daa Marka uu had iyo jeer, ku mergado su'aalaha Dadku ay maldahayaan, Marmarsiiyo doondoon Dayaxiyo maluugaha, Masanuun ku faalee Hadba gaajo fara maran, Markab luula waydii la fogaa mirqaankii, talo waysla maqantahay Rabbi tiisu waa meel, waxay meeris fagantaba waxay meysi ruqantaba, waxay mooro dumisaba waxay moysin debecdaba, waxay muunad rogantaba waxay sii maldahantaba, waxay sii murmurugtaba waxay sii murgacataba, waxay qooq makalantaba waxay maag ku dhimataba, waxay miino jarataba waxay Muumin qalataba, waxay mayd ku orisaba waxay mawd ku durugtaba, miyirkay xasaysee hadaan maanku soo noqon, mucjisaa sugaysee ninka mooganaantaas, ku xasila ismoodsiis malihiisu waa been, inta maalin baqasho leh ta u maan gilgilid badan, muddadeeda shiranta ah mayalkeeda dhaadheer, manjo-daalay fuliyaan Allaheedu madal yahay, nin maqnaaba sugi jiray oo markhaatigeedii, Mursalkiyo Rasuulkii mahad loogu gogol dhigay, dayaxeeda muuqdaa Nabi Muxammad sii yahay marinada la kala xigo, labadeeda kala mudan ninka muumin sheegtaa, dhanka midig ku sugan yahay iyadoo malcuunkii, todobaatan midab lihi macna yare la oran jiray, murtad iyo dhal shaydaan iyo mukhawiyiintii, dhanka bidix u meersaday madal laysu soo baxay, warba mooyi laga yahay mahadhiyo ladh toosiyo, waxa maangad dhacayaa miyir doorsan dhaliyeen mahwi aan la kala hoyan, milic aan har laga galin maro iyo kab loo sidan, mucsur lagu quturanyahay sida malow usoo baxay, maqrib dumay dhir Maygaag naxdin lala madow yahay, ishu dhiilo mudan tahay wajigeedu Milan yahay, marwo iyo dhabeel iyo laga yimi minyaradii, iyo mudanayaashii marta loo furfuri jiray mindi iyo tolaaydii, iyo muusanawgii mirta looga kici jiray, Ma dhantahay docdoodii Mahuraanku kala naxo, Rag ninkii wax miran jiray Miismiisan jiray ciin, iyo mur iyo deebaaq Muhashadu u baaqayn, Dhal magaalo kulushahay Mallayada naftiisa ah, Magac iyo hankiisii Nina maal ku furanayn Qofba meel ku luran yahay, kashu maayad ruxantahay Marmaroortu lurantahay, Garashadu muduci tahay Runtu soo mutuxan tahay, Nin muraad ka xiranyahay Maxarashoonku sugayaa, Danta waw min tiriyaa Muslinow dharaartaas, Amarkiyo mug-weynta ah Nina malab ka dhabaqsaday, Nina dacar ka muudsaday Maqal yaanay kugu noqon, Ha lumin muftaaxii Furi-jiray martabadaha, Mahadoodu badan tahay Naftu macandi weeyee, Male hawgu sahan tegin Ha ku daalin meermeer, weligaa ha muunayn Marantiyo xagxagatada, Jinka ha u muraad qumin Yaan masuuga shaydaan, Milicsiga aduunkiyo Madadaalo kugu hodin Noloshana kas iyo maan, Miyir sugan ku doondoon Muslinow ha xaalayn, in munaafaq jecel yahay Haysku milin shar iyo khayr, Midabada iska ogow lagu naco masuuskiyo, Qofka geed ismariska ah Hana noqon mashkadahaa, Xanankiyo maduunka ah Miro geed ku wada yaal, Madi iyo magayno ah Ha ku ridin ismaandhaaf Madax iyo minjaa sida, Madmadaw ha kala galin Maxastaada waligaa, Mijin hawga roonaan Mitid noqo abaabulan, iyo lagama maarmaan marwadiisu jeceshahay, ubadkiisu meel dheer uga soo mashxaradaan majaraha ha sii dayn, Rabbi loogu maqan yahay inaad muuqa qura tahay, mahad inaad ku nooshahay labadaasna kala miRo. (miyo) Dhamaad Diyaarintii: Siyaad Maxamed Haybe siyaadhaybe@yahoo.com Xigasho: qarannews.com |
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |