Ka rog oo haddana saar!
Ka rog oo haddana saar, Sabkax oo haddana seed
Seemman oo haddana sulan, Sidkan oo haddana sagan
Sahlan oo haddana sudan, Sal leh oo haddana sigan
Sillan oo haddana sugan, Subkan oo haddana solan
Af Somaligaygow, Wax sawaaban noqotee
Maxay kuu sameeyaa?
Ka rog oo haddana saar
Waa lagu sugayoo, Lagu saadinaayee
Cabdiyow ma socotaa?, Xeebaha sintoodiyo
Ninka Saylac joogow, Sagalkiyo daruuraha
Wararkaagi saaraa, Xamar bay bishii soon
Saxal-qaaddu keentoo, Sahankaagi noo yimi
Sahaydiina noo keen, Xagayaga sareediyo
Waa Seer-ma weydee, Maxaad saaka joogtaa?
Ka rog oo haddana saar
Tiro siman sagaal tuur, Soddon keen sided hoo
Waxa hadhay bal suuree, Ma so'baa ma saan baa
Saddex iyo shan waa kee, Sakalaha ha laga guro
Laba sulub ha lagu daro, Guryo samo ha lagu furo
Ka rog oo haddana saar
Siinleyda maansada, Haddii saami loo dhigo
Dadku uma sinaadoo, Suuganta hadalkiyo
Cabdiyow sargooyada, Lagu kala sed roonoo
Rabbi wuxu ka siiyiyo, Sida ay la noqotuu
Ninba seylad keennee, Ha saluugin Riiraash
Ina Saalax haw dudin, Af-qallooc ha saamayn
Soomaali weyn baa, Xaajada la socotoo
Iyagaa ka seegiyo, Ka sugaaya garanoo
Kala sooci doonee, Laba seeble yeelkii
Ha ku lumo sursuuraha, Sixirkiyo shan xuubluhu
Ha ka dhaco sallaankee, Xidho saanadaadoo
Sulufkiyo colaadaha, Samaydaadu yay jabin
Ka rog oo haddana saar
Gadadheena Saaqiyo, Samawada ku magac dheer ------------
Rag Saluugla ula baxay, Marna Suuban lagu yidhi
Sumaddeedu waa caan, Kula siistay Baaruud
Adna haygu sara tegin, Waa Saxarla sheekadu
Ka rog oo haddana saar
HaraYada sal iyo baar, Lagu taxay sitaacee -----------
Loo soohay baarkiyo, Saddexlaha ujeedaa
Dhigta loogu saabboo, Marti sama falkeedaa
Koramada sagaal jirey, loo sudhay hoggaankoo
Sooryaa la hurayaa, Safar baa la furayaa
Sumallaa la qalayaa, Xididkiyo sokeeyaha
Laga seexan maayee, Salliyada xariirta ah
Socotada u kala roga.
Ruuxii saboolow, Xilku saari maayee
Saca maatada u godol, Saadaal ku noolow
Samirkana ha moogaan, Ruuxaan wax sidinoo
Shirka soo salaamow, Adigaa wax sugayee
Sarar iyo leg iyo badhi, Kee baan ku siiyaa
Sacabkaagu qaadaa?, Iimaan sed weeyee
mid haddaad saluugtana, saddexdaba bal iga hoo.
Ka rog oo haddana saar
Sidig maqan ninkeedii, Talo waw sar go'ay tahay
Jid-Siraad korkiisiyo, Suudaa la marayaa
Sanadaa la dhaxayaa, Sahay lagama maarmee
Ha la jiro sibraarada.
Ka rog oo haddana saar
Saanteena guudkiyo, Suntu hilibka dhaaftoo
Sal waxay ku leedahay, Saableyda uurkiyo
Sambabada dhexdoodoo, Maal baa la sarayaa
Selel looma baahnee, Kii seedayow toos.
Ka rog oo haddana saar
Soodhkiyo billaawaha, Sinta midig ha lagu xidho
Faraskana silsiladdiyo, Seetada ha lagu furo
Seefaha ha lala baxo, Seeraa la furayaa
Saryan baa la dabayaa, Wiyil baa la sabayaa
Xaajada sal fudud iyo, Sakatiga ha laga jiro
Sahwi yaanu kala ridin, Sahal yaan wax loo odhan
Dhulku waa sanqadhayaa, Cagta saari maynee
Socodkeenu xeel iyo, Ha ahaado laba suul
Sirna yaan la faallayn, Murtidana ha saafina
Ka rog oo haddana saar
Maansadu ha socotoo, Sida daad mahiigaan
Dhulka haw sabbaysoo, Kolba sabo ha gaadhoo
Culimada salaaxdaa, Senge hawgu joogtoo
Ninba subax ha maalee, Ruuxii suldaarow
Garo inad sabool tahay
Soddoh weeye xeedhadu, Ragna waa u siman tahay
Ninka suunka taabtee, Ka sal gaadhi waayow
Garo inaad sabool tahay, Waa gabadh su'aal iyo
Halxidhaale sidatee, Ninka Abu sarnaantiyo
Saddex qayda boqorka leh, Kaga fura si-dalagtee
Male kaga sinaystow, Garo inaad sabool tahay.
|