Jeegaan
Jeegaanta dhalatee, Cirka lagu dhex roore
Dayaxoo dhammaysoo, Dhulka dacal ku haystiyo
Qorraxdoo dhacaysoo, Dhiganaysa baallaha
midba dhool ku mudataay
Weli waxaan dhafoorkiyo, Dhabannnada la haystaa
Heegadan dhaqaaq-joog, Waxay dheelli-socotaba ------
Soo caana dhuratee, Kugu qabatay dheeggee
Dhammidaa tin iyo cirib, Kugu dherersanaysiyo
Ta kalee ku dhaaftee, Dhican kaaga rutatee -----
Dhudhun kaa fogaatee, Ha hillacday dhuuxee
Dhibic iyo mahiigaan, ku dhirbaaxday ciiddee
Dhirta wada ruxaysoo
Waxa dhaygag ii diley, Midabbadan dhinbiilaha
Dharka wada xariirta ah, Dhexda kuugu duubee
Midba dheeha gaarka ah, Xubin kaaga dhiibshoo
Waxa adiga kaa dhigan, ama baro ku sii dheer
Qurux kaaga sii dhow, Middan dhaxanta jiilaal
Dabka iga dhex shidatee, Wadnahayga dhilatee
Dhillow-yahan sidiisii, Dhan kastaba u raacdee
Xididdada u dhaaftee, Dhiiggii ka shubatee
Xinjirtii ka dhuratee, Sida dhaanka jiilaal
Dhabarkayga raratee, Dhoomaha i saartee
Jidka aan dhammaanayn, igu tidhi ku dhererow
Waxba yaan ku dheeraan, Arrintayda dhabaqdiyo
Sunta igu dhalaashiyo, Dhigtan udubka weydiyo
Lurka dhaawacaygee, Dhallinyaro rag iyo dumar
Dhawr baan aqaannaa, Dhugatada kalgacalkiyo
wada qaba dhukaankoo, Dheehashada jalleecada
isu dhaafi waayee
Dhede xidid ahoo qura, Dhaayaha ku wada yaal
Inkastay dhaqmaadkiyo, Dhalashada wadaagaan
Dhayal iyo fudayd baa, Wed u kala dhaqaajaa
mid dhacdaa halkeedii, ta kaleeto dhaxashaa
nafta laba dharaar qura, isu dhiibi laayoo
sida dhegaha oo kale, isu dhiman lahaa bay
dantu oodo dhacameed, midba dhinac u saartoo
arrintoodu dhiif iyo, dhul ku foorar joogtaa
kala dhiman adduunyooy, ninkaad dheriga siisaa
intuu dhuxusha hoosiyo, dhardhaarrada ku maqanyaa
dhagarta iyo geeridu, dhoobada u qooyaan
dadba wuxu dhammadaa, intuu dharabka doogga leh
dhutis ugu tukubayee, hadba meel ku dhaxayee
maxaan kaaga dhololaa?
|