Jacayl dhiig ma lagu qoray ?

Jacayl dhiig ma lagu qoray,   weli dhuux ma loo shubay
qofna saanta dhabarkiyo,   ma u dheegay feedhaha
dhabannada cad laga jaray,   hadalkii ma lagu dhigay

xinjir aan is dhalan rogin,   midabkeedu dhiin yahay
laga dhuray halbowlaha,   weli dhiil ma lagu shubay

laba mays dhansiiyeen,   sida dhayda xoolaha
dhag dhag maw wadaageen

Weli laba is dhaarsaday,   beryo dhacan nasiib iyo
dhul ku-kala cillaallaa,   subax dharabku kowsaday
dhedaduna cuddoontahay,   cidla aan dhir mooyee
wax dhaqaaqayaa jirin,   jabaq maysku dhaadeen.

Kulankii dhabta ahaa,   riyo dhiifi keentiyo
dhalanteed ma moodeen

sida ay dhadhabayaan,   dhawr jeer ma seleleen

af dhabaandhab jamashada,   ma ka dhoofay hadalkiii

bal dhaqaaqna kay tahay,   dhihidii ma waayeen
ma ka dhabaqday xaajadu

ilma dhalatay xiisaha,   sida dhibic mahiigaan
ma ka qubatay dhaayaha

ma ku qoyey dharkoodii,   naxariis ma dhidideen

iyagoo dhanqalankii,   dheel-dheelli mooyee
dhegna aanay kaga jirin,   kolba erey dhex-roorkiyo
dhumucdii ka maqantahay,   dhitinaaye keligii

ka dib tooban dharaarood,   carrabkiyo dhanxanaggii
dhirindhirid ma ku helen

Laba guul u dhalatoo,   isu dhiganta weeyee
dabadeed dhabeeshii,   hanadkii ku dheeraa
dhudi mays bariidsheen

dhubbad-qaadka sheekada,   qofba dhagarta caashaqa
wixii dhaaxo soo maray,   ma dhex galay kalkiisii

ma akhriyey dhambaalkii,   warka maysu dhiibeen.

Kalgacayl dhito ahaa,   dhamac iyo dab huriyeen

dhuxuliyo lar soo kacay,   hadba dhoon ma buuxsheen
kolba dhacan ma jiideen

dhacdadiyo ujeeddada,   qofba dhaadashada guud
qofka kale dhankiisii,   inaan looga soo dhicin
ma ku dhaabadeeyeen,   sannad mays dhegeysteen

Ma dhalaalay waagii,   dhag ma tidhi cadceeddii

intay soo dhaqaaqeen,   iyagoon ka dheeraan
dhaqankiyo xishoodkii,   dhaymana u jeel qaba
iyadoo dhexdoodii,   dhulka suxul bannaanyahay
dhibta maysla taageen

wax intaa ka sii dhow,   ma ku dhiiran waayeen

dhayal laysu taabtiyo,   dhallinyaro habkeedii
ma ka dhega adaygeen

dhadhansiga miliilica,   isha mayska dhawreen

Dhabbaday is taageen,   qofba dhaabaddiisii
sara joog dhankiisii,   kun habeen ma dhererraa

Dhudhummada aboorkii,   dhulka hoose kaga baxay
dhilashada jirkoodii,   ma dhanbalay sartii guud
ma dhammeeyey hilibkii

xidididada ma dhaawacay,   ma u dhaafay seedaha
lafta hoose maw dhacay

Dhiilluu ku geliyaa,   ama waad dhalliishaa
dhagartiyo wedkaagee

dhimashada kal iyo laab,   ma ku soo dhaweeyeen
dhoosha ma ka qoslaayeen (dhoollaha ma ka qosleen)

Ubax dheelka subaxdii,   naxariis ku dhaashtoo
afka dhiin cas mariyoo,   dhaddigiyo labkisii
laba dhude isugu maran

ma is dhaafsadeen oo,   dhaxal maysu siiyeen

dhuuni-kawlka caashaqa,   maysu sii dhadhamiyeen
ereygii dhinnaa hadal,   dhegta maysu saareen

Dhafan dhaaf aboorkii,   ma dhufsaday cammuudii
ma u qaatay dhoobada  ,   dhab-dhabkiyo kab-kabiddii
labadaba ma dhalan rogey,   dhismo kale ma soo baxay
ma ka dhigay wax yaabliyo,   duddun dherer ku caanoo
dhumuc iyo laxaad weyn 

Dhalan dhoolka maantii,   dadku dhacarta jiilaal
ma dhegsaday dharaartii  --,   ma ka dheelmay galabtii

iyadoon la dhaadeyn,   sheekada dhabteediyo
dhabar weyntan hooska leh,   in dhexdeedan laba ruux
runta kaga dhur sugayaan

Haddaan laysu dhimanayn,   nafta laysu dhiibayn

ama dhaxal tis qaaddiyo,   dhismo aqal la taagiyo
ubad iyo dhaqaaliyo,   dhaqan reer la kala sugin

dhunkashiyo ujeeddadu,   tahay dhaayo guudkood
waabay la dhabaqsado   ,   dhereg iyo markaas qudha
ama sida dhurwaayada,   Hilbo gabar dheg roon oo
higlo loogu dhuuntoo,   dhakhso loogu kala baxo 

Ninba waxa dhabbacashada,   dabinkiisa ugu dhaca
dhidar iyo xabaashii,   sharaf lagu dhabcaaliyo
dhawrsooni laga tegey

dhalanteedka beentaa,   bulshadaa u dhaawacan

 -00--------------------------00-

152- Hab jacayl u dhaqan galo
153- ma holladay kan ugu dheer
154- maamuusna ugu dhow
155- mise weli wax baa dhiman.