Isa suran


Garan waayey sheekada,   Waxay gacallayaashay
Geed iigu bixiyeen,   Dhirtu waysku gogol qura
Mase wada gudboonee,   Giddi maysku qaad baa
Kay gaar u jeedaan,   may goonni sheegaan
Maxay uga gabbanayaan?

Gudub magacu waa hore,   Gelbay oo la wada maqal
Dunidoo dhan wada gaar,   Gabdhihiina loo sheeg
iyadaan god loo deyn

Gibishay i saareen,   Geestee u duubaa?
Go'a lay huwinayaa,   ma dhaliil gurracan baa?
Gumar iyo ma Ciin baa?,   Ma ganboor sunaan ahay?  ------------
Gaagaabka cilinkaa,   Ma gadaal bax baan ahay?
Mise gocondhadaan ahay?,   Mise gawlallaan ahay?

Ma ammaan gayaxan baa?,   Gabre iyo mareedh iyo
Ma galool muraan ahay?,   Mise tolow gobkaan ahay?
iyo lama garaacaan?

Ha ka guban mar baan iri,   Gacan baaban u holladay
inaan geysto dhawr jeer,   Misna waxaan gudoonsadey
Horta inaan u kuur-galo,   Halka loo gol-leeyahay
waa goorma goorteed,   Gef dhacaan u haystoo
Godob baan tirsanayee,   show waa gartoodee
Garas jilif leh baan ahay.

Guudkayga boqorrada,   Garaareeya heesaha
Gallad qurux cod iyo luuq,   Shimbiraha u gaarkaa
Gashan labada qaybood,   Haddii ay galayrkiyo
Galgalkiyo fadhiistaan,   Geesigooda caan baxay
Gunta iyo salkaygana,   Goodaaddo nacab iyo
Maska goodka halistaa,   inta bahal gurguurtiyo
Gugummaa ku shiri kara

Waxaan ahay ma guuraan,   Gantadaydu adakaa
Gaashaan biraan ahay,   Goblan tala adduunyooy
Gabay jaaba-jaaba ah,   Jajab iyo guraangura
Geel-kiiska maansada,   Suugaanta gocorka ah
Xulka inan gumeedka ah,   Ninka maalin gelinkeed
Moorkoos ka gurayee,   Garcan waayey baan ahay
Alle gaarrisaniyaa,   Oo maxaase iga galay
Intuu Gaasir ii wadey,   Googaalihiisii
Anba ways gujinayoo,   Markuu gooddi meershaba
Garashaan ku dirayee

Ninku ways galaalee,   Murti wax ka soo go'ay
Bal aan soo godlee qabo

Isagoo galgaladkii,   La hadlaaya gabadhii
wuxuu yidhi guddoonshuhu:-

"Samirkiyo dulqaadkiyo,   naxariista badan bay
dadku igu ogaadeen,   nafta aad sugaysaan
ma awoodahaygaa,   Yamyam iyo Qadaad weyn
xataa caanaleydii,   booc uga tukubayaan
markaan diiri waayaa,   laysii qodqodayaa"

"Doofaarka ficil li'i,   naar loogu daayimi
kol haddii dubbiyo waran,   duunkayga lala dhacay
yaa dabarka igu xiray,   horta maan dagaallamo
anigu maan is daafaco"

"Sow duruustu maahayn,   mudankiyo hal-doorkiyo
marka geesi laga dilo,   dadku inay fariistaan
waatan geenyadii Diran,   iska soo durdurisee
duufaanka wadatee,   ma la waayey dabar adag
iyo wiil dardara qaba,   ma inaan dumaaley
dantu igu khasbaysaa?

Duqu wuxuu u haystaa,   Dilku inu qardhaas yahay
Dulmi lagu adkayn karo,   Duqu waxaanu garanayn
inuu dhiigga daataa,   yahay dogobbo waaweyn
iyo xaabo lagu daro,   Dabka qoran kulaalee
lagu shido dareen guud

Isagoo galgalad kale,   La hadlaaya gabadhii
wuxuu yidhi guddoonshuhu:-

"Soddoh yahay la duufsaday,   sowdigaan bannaankiyo
dibadaha u bixi jirin,   sowdigii dusuuddiyo
weelkaaga xalan jirey,   yaa ciyaarta kugu daray
kugu yiri ku soo bood,   yaase kuu cimaamaday?

Ma Rashiid Gadh-weynaa,   kugu yidhi ganbooley
iyo guuri waayeel,   Garta way u simanyiin?
Ma ogtahay xilkaan sido,   Ruuxa soo damaaciya
inuu kiis bileys yahay,   Meesha yaan habaaskiyo
Gabayooxu kugu dilin 

"haddaan doonto gaarsii,   gaarriyiyo Hadraawiyo
Gunxan iyo Burhaan iyo,   Ninkay Guush yidhaahdaan
Ama Boobe ugu gee,   Gurigii Taywaan
Bal aniga wax iga gura,   Horta garanba maynee
Fara geliya yaa yidhi,   Arrimaha gudahayaga
Xaggee bay ka kululyiin,   May shaqaalahaygiyo
Xaajiyo khamsiintiyo,   Caasi waalideyntiyo
Jinka naagihiisiyo,   Anigiyo darmaanaha
Isu kaaya daayaan,   Jaas aanu dheellee
Nin la soo kiraystoo,   Lacag doona baan nacay"

Duqu wuxu jeclaan laa,   Ninkuu doono mooyee
Dar kaloo ka geesii,   Daf inaanay soo odhan
Dalan doolka Filibbiin

Isba waxa ku dacal jira,   Dubatada dhallaankiyo
Diin laawa-yaashee,   Wuxuu ii durkinayaa
Wuxuu ii arkaa dool,   Nin dabaylo keeneen

Duqu waxaanu garanayn,   Dunidaba sal iyo baar
Inaan deyrku kala xidhin,   Ama diirku kala gurin
In dagaalka joogiyo,   Dadku laba bahood yahay

Isagoo galgalad kale,   Dadka gooni ula shiray
Wuxu yidhi guddoonshuhu:-

" Qarafsiga aroortii,   qadhaab doonashada guud
qofna looma diidee,   haddii aan quwaax helo
dadka kalena wada qado,   maxaa lay qaleeyaa?
Ma wax baan qalloocshoo,   Qarankiyo dalkaan dhacay?
Ma wax qiiro kiciyoo,   Laga qoomamoodaa?

Dalku lacag ma haystee,   Shilimada ka soo baxa
Qof haddaan la wada siin,   Qiyaash maashka ugu weyn
Miyey qaybsamaysaa?,   Haddii laysku wada dilo
Hadhow yaa mas'uul ka ah?

Haddii berrito lay rido,   Ama geeshku igu kaco
Anigaan wax meel dhigan,   Sidaan yeeli doonaa?
Miyaan tuugsan doonnaa?,   Ma waxaydin jeceshiin
Inaan daasad qaatoo,   Ceebeeyo Filibiin?

Intii ay dhul weynaha,   Raggii dhoofay haysteen
Sida awr dhufaanaa,   Usha laygu dhaqayoo
Labadayda dhaban baan,   mid markay dhirbaaxaan
ka labaad u dhigayoo,   intaas waan dhursugayee
inta dhiisha qabada ah,   wuxuun iigu dhacayaan
idinna maa I dhawrtaan?

Wixii roob ku di'I jirey,   Wuxuu doog jilbaha dhigay
Diihaal ma laqanyoon,   Dibnahaa qallalan weli

Duqu wuxu ka marag kacay,   Danni horeba loo qabey
In dorraad gumaystuhu,   Dusha sare ka raran jirey
Duqu waxaanu garanayn,   Kol haddii dabuubtaas
Dibnihiisa laga helay,   Denbi kale inay tahay

Isagoo galgalad kale,   La hadlaaya gabadhii
Dadka guud ahaantii,   Wuxu yidhi guddoonshuhu:-

"Tartan xaashi tiris galay,   xujo socota weeye
xabbad baahan haystaa,   ma xashiish can baan aha
bilaash-xaytayaashiyo,   markaan naag asay xidhan
xilka anigu aan sido,   u xayuubbinaayee
xafiiskayga kuul iyo,   xinne iyo huruud iyo
lala tegayo googarad"

"Danyartay wad-wadatiyo,   naagtan waalaneey maqal
dadka kuu gurmanayaa,   shalay daahir yaa shamis
sawtay I doorteen,   wuxu diino badanaa"

"Doorashadu mar weeyaan,   nin la doortay baan ahay
sidii baan u doorrahay,   doorashoo dhan waan xidhay
dabadayna lama furo,   haddii kale dab baa kacay
imminkana digtoonow,   dib u jeesta oo taga
ka su'aal ka keenow,   magacaaga ii sheeg
ama diiddo weeyee,   anti baan ku qorayaa"

duqu wuxu jeclaan laa,   midho daray had iyo jeer
duuduub in lagu liqo,   waxse aanu kuba darin
in la yidhi ha laga dayo,   dirxi inu ku hoos jiro

isagoo galgalad kale,   la hadlaaya gabadhii
wuxu yidhi guddoonshuhu:-

"Madaxnimada Filibbiin,   ma dadkay u siman tahay
miyaan aniga lay siin,   miyaan Riigan odhan hay
kun miyaanan shay dilin,   kuman kalena dhaawicin
kumanyaal xabsiga dhigin,   duqa iga sarreeyaa
markii uu warkaas helay,   sowkii maqsuudee
hambalyada qoraalka ah,   deg deg iigu soo diray
hubka yidhi ha loo raro,   haddii aanan toosnayn
sow muu cadhoodeen?

Anna ima canaanteen,   Ma duruusihiisaad
igu beeninaysaa?,   Dal hadday ku badan tahay
Deldelaada dhimashadu,   Dabar go'u bannaan yahay
Hub markaaba soo dega,   Dawladiisu waa caan
Inaan doorkan maanta ah,   Deeqdas cid kale bixin
Dunidu way ogsoon tahay.,   Axdiyohow ha lumin
Ugxan yahay ha dhicin,   Ashkiryohow ha jabin
Ubax yohow ha dhiman,   Udub yohow galool
Oggolow dhiggaa

Nin cuskaday Illaahay,   Eebbay ku magan galay
Kuma qado agtaadee,   Arrimaha Rabbow
Soo uruuriyeey,   Adduunyoy hadduu
Nin ku aaminaa,   Helo aayatiin
Ha lagaa arkee,   Ishaarada nin goba
Ha ka eexanneey

Iima badan naftaydaay,   Dadku waaya-arag buu
Hadba awr ku guuraa,   Wax Illaahay kuu qoray
Cidi oolin maysee,   Ukuntii dillaacdoo
Ababoo fogaatoo,   Kambalkiyo ardaagaad
Ku ogeyd ma joogtoo,   Shimbir ay ku nooloo
Laba baal aroortii,   Urur kale la duushaad
Umal taah naftaydaay,   Ku ugaadhsanaysaa

Ruuxaan aqoon iyo,   Axdi naga dhaxayn bay
Dadku igu sidkeenoo,   Eebbow runtii bay
Asaraarayaanoo,   Qof ammaanaddaadiyo
Wacadkaaga iibshay,   Addin iigu xirayaan
Anna xuural-caynaad,   Rabbiyow abuurtoo
Amranoo la yaabloo,   ka qarsoon adduunkoo
Cirka oogadiisiyo,   Abataqan ku nooloo
Qof ilaasha mooyee,   Cidi aanay aragoo
Maalmaha isniineed,   iyo labada iidood
Eedaanka subaxdii,   Dhulka soo abbaartoo
Awliyada jacaylkee,   Arammidu ku mudan tahay
marta aqalladoodoo,   Wadne abur tufaayoo
Olol iyo dab yeeshoo,   Aslanoo casaanoo
ooyaaya dhiig oo,   dhexda Eebo kaga taal
ku afura tiraahdaa,   indhahaysgu haystaan   

Ul mareer ahoon,   Hor Illaahay iyo
Abaal laysu siin,   Orod lagu helayn
Awood lagu hantiyin,   Ayaan iyo nasiib
ma ka adag yihiin?

Adduun iyo kalgacal,   Haday wada ordaan
Hal-abuur tolow,   wax ma iibiyaa?

Beer oodanoon,   irid furan lahayn
Haddii ubax jacayl,   Ula sare ku yaal
Naf oggoli talooy,   illinkee martaa?

Nin abwaan ahoo,   ka arradan gacmaha
ka irmaan dibnaha,   Tolow ina Suldaan
Afku maw gudaa?,   Hadday weli Alliyo
uur-ku-baalle tahay,   Hadday aawadeed
Araxdiyo wadnaha,   waxa iin ku yaal
Ka il-sugan lahayd,   indhaheeda tolow
ilmo lagu samraa,   Ma ka iman lahayd?
Oda lama filee,   Afti iyo haddii
Ergo loola tago,   Tolow aabbaheed
Muxuu oran lahaa?         

Urugiyo xusuus baa,   Asaraarka faallada
Saqda dhexe abuuree,   Umal iyo lar soo kaca
Wakhtiyada inkaarta ah,   maxaa lagu illoobaa?