Indho-badan

God abeeso ninkii,  illinkeeda degow
Taladaadu aryaa,   ma allow sahal baa?

Arraweelo markay,    laba eefka lahayd
igar geela haddii,    Nin aroorsan lahaa
Amarkeedu hor yiil,   Oran mayno kolkey
Awooddii rag dhintay,   oii agaasimatoo
Aakhiruu ku maqnaa,   Ugaaskay dhaxashoo
Arrimihi dhacay qaar,    Utuntooda haddeer
lama oogi karoo,   Abba looma hayoo
Sheekadaaba iskeed,   ma amaahan karee
Halka aahdu ku taal,    waa la sii axadhaa ---------------------
Godob oofa ruqdaa,     aaburkeeda riddoo
Alolkay jaratoo,     Ibahay furatoo
Aslimayno dhaliil,    odjamleedi durkee  ------------------
Immankaynu hubnaa,    waxa eegga jirree
Awgayow taladii,    Ifka maw rogannaa 

Naca jooji Arbow,    Eela weynta hambee
Ayaxow ayaxow,    Ayaxow weligaa
Ayda waad dhilataa,    Eelna waad ka tagtaa
Aafadaada miyaan,    Aagna looga gudbayn?

Ashkirow farasow,    aadyar baa la socdaa
Orod kaagu labbaa.

Ban aroori kaxaa,   mar ugbaadku simaa
Dhal aboodi halkuu,    ugxantiisa dhigtaa
Aadamuhu mar jantaa

Meel aboor degey baa,   Mar iftiin ka baxaa
Gole aammus badnaa,   Mar mar baa idhi taas    -----------------
Anda-qaad ku bataa.

Ma aqoon ma aqoon,    Ma aqaanno darkii 
isagii han-hinnaa,    waxa loo egmadee
in dhoweydba sidaas,   Afartiisa rugood
Agab baa la dhigtoo,   oommanaa fadhiyee  
Ifafaalaha guud,   Abshir baa dhalatee
waxaan awda hayaa,    ma ishaara san baa!?
Ma abaabul shar baa!?    Onkod gaaxdey miyaa!?
Ma cir soo olkamaa!?    Ma illiilo socdaa!?
Ma xer tuugi Allaa!?    Ma hayaan ulan baa!?
Ma dagaal uganoo,    laysu Eeba gurtaa!?
Ma col awdalan baa!?    Ma ibleys qaxayaa!?
Ma insaa ma jinnaa!?    Ma ardaa ma shinna!?
Ma aleelo qubtaa!?    Ma adeeri dhashaa!?
Ma arraa ma urraa!?    Ma awaarre kacaa!?
Ma ufaa ma dabayl!?    Ma asmaa ma Xanuun!?  

Ubaxeey Ubaxeey,    Indho yaab badanaa!
kugu eegma batee,   maxay soo uriyeen
may ayaamaha qaar,    kugu soo ururaan

Immisaa jirey Waa',    Oontu kuu tirsanayd
Immisaa jirey Waa",    arradkaagu sinnaa
Immisaa jirey Waa',   Noloshaadu adkayd
Immisaa jirey Waa',    Ajakaagu furraa -------------------
Immisaa jirey Waa',   Abaalkaagu sugnaa
Immisaa jirey Waa',   Ayaankaagu dednaa
Immisaa jirey Waa',   Adduunkaagu marnaa
Immisaa jirey Waa',   Ishu kaa han-fogeyd

Wax aqoolka haddeer,    Uskag baa ku jiree
may Ayaamaha qaar,    korka kaa asturaan
May ayaamaha qaar,   wuxuun kuu illiyaan
Uurku wuu ku marnaa,   may waxuun Ubaxeey
Afka kuugu ridaan

Adoogaa dabadiii,   may agoonnimadii
Aabbe kaaga noqdaan,   may illaahay hortii
Irbad kuugu huraan,

Alif waa derejee,   Aqoon may ku gelshaan
Erey may ku faraan,   loo adeegsado meel
Aayahaaga hor yiil,   may ammaan ka dhigaan!

Abeer baanad ahayn,   oogadaan ku billayn
Awrtan qooqday haddeer,   Abaar ba kulanteen  -----------------

Ummaddeennu jidkii,   kii islaamnimadii
Ahabtii faralkii,   Asalkii dhaqankii
Isirkeedu lahaa,  Way ka soo ambatoo
Aarankay dubatoo,   Ubaxeey hablihii
Ololaa ku socdoo,   Ubaxeey sannadkii
Boqollaal ugub baa,   Axankooda qashoo
Ammintiiba kolley,  Inan baa dhimatoo
Aqal baa dumayoo,   Udub baa jabayee

Arartaydu malaa,   Asaraar ma gashee
Ubaxeey warar baa,   Agaaha jiroo
Olloggaaga badh baad,   Xog-ogaal u tahoo
Adigaaba yaqaan,   Gabdho ooda rogtee
Ba albaabkan garaac,   Ummul baa hurudee,
Wax ku oogan xanuun,   Aamanuun gubayoo
Umal baa shidayoo,   Ammuurii dhacay bay
La asqaysantahoo,   Ilmahay dihataa
Xalay eydu cuntoo,   Naxariista illayn
Anshax baa dhaliyee,   Haddii uurka habreed
Astaan gaara lahaa,   Hooyadii amranayd
Arxan goysey markuu,   Xeer illow ku dhacoo
Ubadkii magantaa,   Haadku eeganayaa

Eerashoy bi'iwaa,   Iil dhexdisa haddaan
Obocdeedu qubnayn,   Sow ma soo olosheen
Aaway beer debicii,   Aabi baa lumiyee
Arladeena miyaa,   Naas irmaani jiraa?

Shan afraad shan afraad,   Birta kii ka aslaa
Oori deydeyayee,   Aroosow magacaa?
Ilko dhiigle maxaa,   Lagu aaminayaa
Dhego awdan miyey,   Odayeyntu gashaa
Irdha qaado ragow,   Naftaad aasi taqaan
Waad abuuri kartaa

Rag miyaad Ubaxeey,   Alabkiisa taqaan
Asaydaada mar buu,   Ashqaraar huwiyaa
Al-alooska gobeed,   Waa ka aar gudashoo
Lama ooyo dhurwaa,   Ishinkuu legdadee
Gabadh iilatay hooy,   Ayaanteeda madow
Alwadkeeda ninkuu,  Alalaas geliyaa
Uur ku taallada wuu,   Wuu ka iidsanyahoo
Iman mayo halkuu,   Ka alaabo gurtee
Ool waxay ka sidaan,   Ergo waa ta dhahdee
Eedi hayga hadhee,   Waan afeefanayaa.

Ubaxeey bahalaa,   Ku ilaashanayoo
Ubaxeey hororaa,   Ku ugaadhsanayoo
Araraa kugu dhow,   Orgobaa fadhiyoo
Aarna waa gudayaa,   Iimo kaa deyayaa
Geenyo aamus taqaan,   Tuugba waa eryadaa
Mar baa ayrada geel,   Oohow loogu digaa
Anfariirka dareen,   Adhibaaba didee
Ahmin baa la gataa,   Hilbahaaga Ardooy
Lama iibsan karee,   Aanadaada ha deyn
Rag ul baa celisoo,   Ka adkayso qudhay
Ammaantaadu tahee

Waa arooryo horoo,   Orka kuu baxayaa
Amba qaadka salad,   Weeye loo addimoo
Hadal waa la abyaa,   Waa la soo ururshaa
Arrintaada marwooy,   Wixii iiga ekaa
Horaan kuu idhee,   Arbacuunkani waa
Abhintayda danboo,   Waa ilayska hadeer
Addinkaagu halkuu,   Ku abaaranyahoo
Waa ammaano dadeed,   Amarkaan ku faro
Waa asaaska halkaan,   Ka awaala digoo
Axdigaas culus baan,   Adhaxdaada furee
Sheekadaada ogow,   Idlaadkeeda hadhow
Adduunkaa sugayee,   Af-dhabaandhab haddaad
Oofin weydo xilkaas,   Way ahaan jirtey saas.