Hooyo (HOOYOY LA'AANTAA)

Hooyooy la'aantaa,   Aduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo,   Iftin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen,   Xiddig hawd ka lulatoo
Sida haad ma fuuleen,   Dayax heego joogoo
Hubka laguma tureen,   Hawo laguma gaadheen
Cirka hirar ka muuqdoo.

Hooyoy addoomuhu,   Halkay maanta joogaan
Adigow horseedoo,   Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee,   Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaab iyo,   Tiro lagu heleynoo.

Marka aad nin hiilloo,   Laga baqo hashiisiyo
Halyey diran dhashaa baa,   Hooyo lagu xasuustaa

Marka aad nin hoo-loo,   Gurigiisa habaqluhu
Isku soo halleeyoo,   Hayntiisa quudhoo
Hor Illaahay geystiyo,   Lama hure dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Marka aad nin himilada,   Hilin toosan mariyoo
Hir markii la gaaraba,   Ku labaad hilaadshoo
Haga maatadiisoo,   La higsado dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Marka aad nin hooggiyo,   Ka hor taga dagaalkoo
Garta hubin yaqaannoo,   Xaqa hoos u eegoo
Halistiyo colaadaha,   Dabka hura bakhtiiyoo
Ku haggoogta dhiiggoo,   Dadka kala hagaajoo
Kala haga dhashaa baa,   Hooyo lagu xasuustaa.

Markad hoobal caan iyo,   Hindisaa farshaxanoo
Hab-dhaca iyo luuqdiyo,   Hawraarta maansada
Heensayn yaqaannoo,   Rabbi Hiyo u siiyoo
Labadaba hannaanshiyo,   Hal-abuur dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Dumar iyo haween baa,   Nolol lagu haweystaa
Kuwa lagu hammiyayee,   sida Hawd caleen weyn
Rag u wada hamuumee,   ishu halacsanaysaa
Hablahaaga weeyee,   Marka guur la haybshee
Gabar heego dheeroo,   Hoobaan la moodoo
Karti iyo hub-qaad loo,   Quruxdana ka hodan iyo
Hira laga aroostaa,   Hooyo lagu xasuustaa.

Hooyoy la'aantaa,   Hikaad lama barteenoo
Hooyoy la'aantaa,   Hadal lama kareenoo
Ruux aadan habinoo,   kolba aanad hees iyo
Hoobey ku sabinoo,   Hawshaada waayaa
Hanaqaadi maayee,   Hoygii kalgacalkee
Naxariistu Hoyataay.                       ????

Hooyoy dushaadaa,   Nabad lagu hubaayooo
Hooyoy dhabtaadaa,   Hurdo lagu gam'aayoo
Hooyoy taftaadaa,   Dugsi laga helaayoo
waxa lagu hal-maalaa,   Hooyo ababintaadee
Hayin lagu baraaraay,   Hogol lagu qaboobaay
Gogol lama huraaney,   Dugsigii hufnaantaay
Hidda lagu arooraay.

Intaad hooyo nooshahay,   Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa,   Hamrashiyo xaq dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa,   Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo,   Hiyigiyo laabtaan
kugu haynayaayoo,   Weligay hoggaagaan 
Ka dul heesayaayoo,   Hengel baan u xirayaa
inta haadka duushiyo,   idil habar dugaaggee
Ifka hibo ku noolow,   Aakhiro halkii roon