Hoobal

Maansada HOOBAL, waa maanso qaali ah oo uu tiriyey Abwaanka caanka ah ee Soomaaliyeed, Profosor, Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame Hadraawi, Abwaanku wuxuu si caajiib ah ugu caddaynayaa qiimaha uu ku fadhiyo Abwaanka Waddaniga ah, inuu mar walba ka gubto dhibaatada soo gaarta muwaadiniinta uu Afhayeenka u yahay, siiba kuwa masaakiinta ah, ee ama loo tabar sheegto ama loo dhaqaalo sheegto, Shaqsi ha dulmiyo ama Xukuumadu ha dulmisee.

Wuxuu Abwaanku sheegayaa inuu yahay amaba ka sii horreeyo Idaacadaha Casriga ah ee ka hadla Hirarka dhaadheer, ee qof kasta halka uu joogo Akhbaarta ugu geeya, Wuxuu Abwaanku ka jawaabayaa Su'aalo fara badan, isagoo tilmaamaya sababtii magaca Hoobal loogu bixiyey, waxa kale oo uu tilmaamayaa, waxa ay yihiin Hiddihiisa, Hantidiisa iyo Hubkiisu iyo waxa uu mustaqbalka horumar la doonayo ummaddiisa. Waxa uu si cad Daaha uga qaadayaa inuu yahay Wakiilka guud ee ku toosinta Bulshadiisa Dhaqanka suubban ee Asalkiisu yahay Diinta sharafta leh, yahayna Macallinka joogtada ah ee ummaddiisa, inuu yahay sameeyaha Maahmaahyaha iyo murtida ay Bulshadu u adeegsato horumarka nolosheeda, in uu mar walba yahay ka sii digaha Cadawga ku soo wajahan ummaddiisa Gude iyo Dibedba, isla markaana yahay Difaacaha keliya ee aan ka gamban Halis kasta ee hawshiisa darteed loogu geysan karo.

Waxaa Maansada Hoobal ka mida siiba gebagebadeeda meel qofkii si deggan oo Caqli caafimaad qaba ku jiro ugu fiirsada, ay illini ama ilmo ka soo daadanayso, taas oo ah in Abwaanka nadiifka ah ee waddaniga ahi, uu daqiiqad kasta dhacdadii dhibaato ah ee ummaddiisa ku timaada, ay ku abuurto Welwel & Walbahaar, islamarkaasna uu si degdega Qallinka iyo Buugga ugu rogmado, iyadoo ay bulshada inteedii kale, inta ay bartiisa uga dhaqaaqdo ay shaqooyinkoodii caadiga ahaa iska aataan, wixii safarro dhaadheer gelayana iska galaan.

Abwaanku waxa uu tilmaamayaa in isagoo murugada qabatay darteed, dhaawacii gaaray dhiiggiisu qubanayo, uusan xitaa Dhaymadiisa ka gaarin, ilaa uu dhacdadaas soo korortay & wax ka qabashadeedaba bulshadiisa gaarsiiyo, waxa kale ee uu Abwaanku caddeeyey, in bulshadu habeenkii waqtigeedii jiifka ay Hurdo dheer iska gasho iyada oo uu isaguna Masas Halis ah oo bulshadaas seexatay hurdada ku gaadi lahaa, habeenkii oo dhan marba dhan u horayo oo uu ka celinayo.

wuxuu Abwaanku si murugo leh u tilmaamayaa, inuu xitaa gaajadii caadiga ahayd cuntadii uu u cuni lahaa haleeli waayo, iyadoo dhanka kale Bulshadu murtidiisa fatahaysa ka dhigato mid ay ku raaxaysto, Quluubta murugaysa ku degsato, marna ku riwaayadaystaan xikmadda murtida ku jirta, iyada oo inta badan shaqsi kasta oo Bulshada ka mid ahi sheego inuu Abwaankana aad u jecelyahay, laakiin haddana Bulshadaasi waxa keliya ee Abwaankooda u huraani tahay in marka ay la kulmaan ay Salaan & marxabbayn kula soo boodan, goob walbana ammaantiisa iyo sheekadiisa ku hayaan, balse uusan jirin Bulshadaas faraha badan leh ee ay ka buuxaan hantiilayaal iyo ganacsadeyaal iyagu Hanti tacbanayey intuu Abwaanku cadawga guud ee bulshada ku mashquulsanaa, kuwaas oo aan Hal Senti oo keliya ku siin oo aan Abwaankooda ay jecelyihiin ugu qoondayn Hawshaas culayska badan leh, ee Maankiisa & Madaxiisana cirrada booshka kaga dhigtay, Noloshiisii maalinlaha ahaydna ka mashquulisay, oo uu waqti u waayey.

Ugu dambayn wuxuu Abwaanku leeyahay, kolley hawsha qiimaha badan leh ee abwaannimo, ee aan idiin hayo hal senti oo keliya igu siin maysaan, aniguna idinkuguma ciil qabee, waxa keliya oo aad ixsaan iigu samaysaan, in aad geeridayda kaddib, markaad murtidayda adeegsanaysaan, i xusuusantaan oo aad ii soo ducaysaan.

Maansadan oo sida ay Ereyo ahaan u yartahay, iyo micnaha weyn ee ay xambaarsantahay yihiin Kaaf & kala dheeri, waa tan ee ku soo dhawow:

Ninka Hirarka dhaadheer,  Dadka kala hadlaayee
Qof kastaba la haystee,   ugu taga halkiisow
kolley waan hubaayoo,   Haasaawahaygiyo
waxa aad had iyo jeer,   la haloosiyeysaa
Hibo gaara weeyee

Hiddo maxaad ku dhaqantaa,   Hanti maxaad ka leedahay?
Hub maxaad ka sidataa?

Adduunyadu Hir weeyee,  Maxaad haabanaysaa
Maxaad haybinaysaa?

Waxa Hoobal lay yiri,   aan kuu higaadshee
Hiddo waxaan ku dhaataa,   Afkii hooyadeennoo
Hanti waxan ka leeyahay,   Suugaanta Hodanka ah
Hubna waxan ka qaataa,   Hal-abuurka mirahiyo
Hannaankiyo sargooyada,   Qalab lagu hufaayoo
lagu haadinaayoo,

Hugunkayga yeeraa,   lagu Hawl galaayoo
Heellooyinkaygaa,   Bulsho lagu hagaayoo
kan hallawsan weligii,   lagu hoga-tusaayoo

Hawraarahaygaa,    Dhasha lagu habaayoo
Dadku hadalladayduu,    ka dhigtaa Hal-haysoo
Dhegtu heesahaygay,   Hanqal taag ku maqashaa

Hayhaata meel aan,   Halistiyo wax yeellada
ka arkaa Hog dheeroo,   Hooydayda yeedhaa
Nacab soo hillaabtiyo,   Horor lagu ogaadaa.

Birta waxan u haystaa,   Hubka waxan ku laayaa
Qofka Himilladaydiyo,   Neceb horu markaygoo
Hagar-daamo taliyee,   Jecel hadimmadaydoo
Horseed Heellan baan ahay

Hammi baa i lumiyoo,   Hogashiyo Wareer baa
Hilbahayga laystoo

Haraggiyo laftii baan,   ku hadaafayaayoo
ma haleelo Dhaymaha,  ma harsado Kalliilaha

Mas ku jira Hoggiisoo,   Cawa-daran la hoydoo
Hurdo loo mar dhigay baan,   anna Haro-walwaaleed
Hora-hora iraahdaa

Inta aan higgaadiyo,   Hindisaha ku jeedaa
Dadku iga hayaamaa,   Hore layga guuraa

inkastoon u heegnahay,   Xilka aan hagoognahay
misna Habaqlahaygay,   Haaddii ka dheregtoo
Hanbo feena mooyee,   Hordhac kuma baraaroo  

Hayinkaygu ima geyn,   weli Hogol da'aysoo
Haaneedka uma qaban,   weligey Hal curatoo
Duco iyo Habaar baa,  i hareera yaalloo 

waxan ahay Nin Hodanoo,   Hayntana ka maranoo
Adoo igu hammiyayaad,   waxba ii huraynoo
Halac laygu dhaafiyo,   Gacan-haadis mooyee
Qofna iima hagar baxo

Adduunyadu Hir weeyoo,   Hanti uma dudaayee
Halse iga dardaarana,   Nafta haysan maynoo
Mar quray hallowdaa,   Furataa Hoggaankee

Dadka ii Han weynow,   Marka aad i hoysaan
waa in lay hagoogtaa,   waxan Hiil ka geli jirey
ama Hoo ka tari jirey,   Hengel lagu tix-geliyaa
hadhow lay xasuustoo,   Hebel lay yiraahdaa.