Heelliyo - Hombaro

Higlo weeye dulin badan,   waana hoga kaliileed 
hongorraha cadceedduu ,   ka hadh-galay qadhaabkii, 
haylaa ka yara dhacay,   hurdana wuu iskaga jirey. 

Hillaac wax i tus bay tidhi,   hilayguna indhaa qabey. 
Intuu soo hanbaabirey,   haab haabtay maradii 
kuye Heeliyooy toos,   iga eeg kor iyo hoos 
miyaan hoolif mooyee,   hal turxaana leeyahay? 

Halacsiga sarbeebta ah,   iyadoon u hagar bixin 
wax-ka-sheegga Haaruun,   ha ka yaabin bay tidhi. 
Huuhaadu digashiyo,   hab sabaale weeyaan
waana lays hunda ogyahay.     

lyadoon ku hawshoon,   wax-ka -sheegga Haaruun 
waxay hoos u sii tiri: - ,   "Nin gumeysi habayoo 
isticmaar habeeyoo,   la hal maalay baad tahay ". 
"Hamrashada xaq-dhawrkiyo,   haasaawahoodana 
nin u heellan baad tahay." 

"Markay heedhe waalaha,   hirwo kuu tuntumayaan 
hebed minaw san baad tahay,   "Halgan iyo waddaninnimo 
inaad heerto mooyee,   weligaa dab uma hurin 
"Marka aad nin hanadiyo,   hor-u-socod murmaysaan 
halaq laba af-laad tahay". 

"Marka ay hufnaantiyo,   qof hagaagsan joogtee 
hebel kale la magac dhebo,   nin hinaasayaad tahay ". 

"Garta hoga tuskeedana,   hiinraac gurracanoon 
waxba hubinnin baad tahay ". 

"Midka hoos ka tuurka ah,   nin ragaa hilmaamee 
naxli huursan baad tahay",   "Hadashada aqoontiyo 
hinddisaha garaadkana,   hungo qaawan baad tahay". 

"Hayntiyo dhaqaalaha,   gacmo hoorsadaad tahay ". 
"Hooda iyo deeqdana,   hor Allaad ka joogtaa ". 
"Dadnimada hoggeedana,   dibaddaad ka huruddaa ". 
"Hollashada dagaalkana,   hooto rogasho maad lihid". 

'Hayal waad ka maran tahay,   heemaalna kaa dhimey ". 
"Abaartii Hawaariyo,   Harga-cuna mar baad tahay 
mama Haarriyaad tahay ". 

"Higil nuxurla' baad tahay,   hirrig qodax leh baad tahay 
hawo beena baad tahay,   hadal kama dhergaad tahay ". 

"Nin ammaanta heesaha,   u hamuumayaad tahay ". 
"Hibo iyo nm madaxnnimo,   u haliilayaad tahay ". 
"Nin waxaanu hidin karin,   isku hawlayaad tahay ". 
"Nin Waxaan la heli karin,   u harraaddan baad tahay." 

"Hawkar iyo dhib baad tahay,   habaas iyo ufaad tahay 
hummaag iyo riyaad tahay,   habeen yuururaad tahay 
mugdi hoganayaad tahay,   Hafar iyo cidlaad tahay 
intaasoo hal baasoo,   is hareer socdaad tahay 
habaar biiray baad tahay". 

Afartaas heshiiskii,   Huriwaa ku magacaw 
hakad iyo tilmaan saar,   hinji nabarka qalinyohow 
hohe leebka igu mudan,   waxba hawla kala hadhin. 

Hoonbaro libaaxley,   hoosaaso badanley 
weligaa hunbaallee,   huga dhagarta laga rolay 
kolba midab ku hooshaar,   dadka Hawdka wada yaal 
isma hurada kala gee,   haan haan u kala sooc 
hilqadlaha isugu dhiib,   maadhiin holcaayiyo 
hanti qaranku leevahay,   hayin rarato guurtoon 
wax hallayn ku dabar goo,   haweenka iyo maatada 
hardafaha ku baabi'i,   hebel hebel u aanee 
ma colaad hagooglliyo,   hiirtaanyo reeb bay 
hawraartu kaa tahay? 

Halse waxad ogaataa,   hiyigaaga gelisaa 
haddeer waa la joogaa,   hadhow waa la noolyahay 
hor-dhacii qudhqudhisee,   adigay hadhuubkii 
huubadiisu kuu taal,   waanad heensan doontaa. 

Afartaas heshiiskii,   Huriwaa ku magacaw 
hakad iyo tilmaan saar,   hinji nabarka qalinyohow 
hohe leebka igu mudan,   waxba hawla kala hadhin. 

Naalleeye habacsane,   yaa horseede kaa dhigay 
hayb baabad sidataa,   maadigaa hoggaansha ah 
gobannimo hawadin kara,   haneedka qaban kara 
higsankara asaaggaa,   qarannimo hitiqin kara 
isku duubni hanan kara,   dad saboola hagi kara 
himillada xil furan kara,   taariikh la hadhi kara 
hal-abuurka sharafka leh,   murtidooda heli kara 
hoodaale noqon kara?

Maxaad boog horeetiyo,   haydaar daweysaa 
dadkii sawtan haadkiyo,   haanraawe boobeen. 
Afartaas heshiiskii,   huriwaa ku magacaw 
hakad iyo tilmaan saar,   hinji nabarka qalinyohow 
hohe leebka igu mudan,   waxba hawla kala hadhin.

Hal kalaan xusuustee,   hogolyahay aduun baa 
ku habsadey dushaydee,   miyaan anigu heegooy 
soo haabo kugu idhi? 

Baaruudda huguntee,   ambatee habawdee 
habili'i sokeeyaha,   ku hawaawi duushee 
hadhka yeelataay yaad,   hungo madhan inaad tahay 
ka hadoodilaysaa?
 
Hamta iyo digtaadii 
dhulka hogag la yaabliyo 
haaray ka jeexdoo 
hanfariirka meydkaa 
hayn waayey luxudkoo 
Haabiil gilgilashada 
hanqalkuu la boodoo 
hanbadii aboorkiyo 
harag iyo lafkeliyaa 
hanbaberey dareenkoo 
hurdadii ka toosoo 
hiyigayga waxa galay 
nimankaad is hayseen 
kala hoyatey guushee 
Gaarriyow hireydiyo 
hayayda iyo qaylada 
dhul fog baan u haystee 
ma hareerahaygaa?. 
Hooshaarka aarkiyo 
huntutuulka dhidarkiyo 
hangagaarka baqayaha 
handashada waraabaha 
raqda heelka taallee 
laga haagay ii sheeg. 
Hiyigayga waxa galay 
nimankaad is hayseen 
hadhadoodi weeyoo 
waxad kala hufaysee 
kala haadinaysiyo 
hirka dhiigga muuqdaa 
ma halbowlahaygaa? 
Haybad iyo xishoodlaay 
waayeel habsooboo 
hangabsiga dhawaaqiyo 
higsanaaya beeshoo 
hollashada culayskii 
hadiwaayey socodkoo 
hindiwaas tallaabada 
hakinaaya jaantiyo 
hablo maydhax diirtiyo 
hibashada xanuunkiyo 
haydaarta xanaftiyo 
ma hadhada ajarankii 
ummul fool hallawdoo 
abidiyo hurgumadii 
hoosteeda yaalliin 
qaryad weerka hooggiyo 
hengel iyo asay xidhan 
hadal barad gurguurtoo 
hawadiisu caaniyo 
hooyo naaska joogtiyo 
habaqlaha aroorkiyo 
horashada ku jeediyo 
jidib iyo hangoolliyo 
habartana ma geydaa? 
Hawsaryohow gurxamayaa 
hodaddaabadaadiyo 
halkaan kuugu tala galay 
hal-xidhaale noqotee 
galley iyo hadhuudh iyo 
ninka halo ku dhaafsaday 
hayntiisa kugu gaday 
hindisana ku tab galay 
mu kugu horjoogsado 
hororkiyo cadaawaha 
hawo damac ka soo gab 
hiddihiisa gobannimo 
halistana iskaga jiro 
haybaddaada gaarka ah 
ma inaad heddiisiyo 
hooggiisa joogtaa? 
Hadimada Garoowiyo 
hanaq go'a Nugaaleed 
halka aad tummaatiday 
waxa kaga habboonaa 
dar kaloo i hawlee 
huqdaad reebtay weynaa 
hibashiyo ladh kululaa. 
Colka Bari harraatiyey 
hubka Mudug ku talax tegey 
Allaylehe hubsiiniyo 
haki buu u baahnaa. 

Adigaa halyeygiyo 
hanaddada ku dabar go 'ay 
himilooy u baahnaa. 
Hebelow laguu sheeg 
ummaddaad hankeediyo 
hilbaheeda gada taa 
hiilka kaaga baahnayd. 
Hawsaryohow gurxarnayaa 
caku halalacdaadivo 
habar wacashadaadee 
ku hawirantey meeshaad 
haab haabanaysee 
kor u qaad hinaasaha 
dadka haybi weligaa 
hilimmadana kala baro.