Hambaber Maansadani waxay ku soo caan baxday ama dadku u yiqiineen Hargeysi Ma Toostay Markaa maansada magaceeda dhabta ahi waxa weeye"Hambaber" waxayna soo baxday 1982 markii shacabka reer Hargeysa ay mudaharaadeen kuna kaceen dawladii Siyaad Barre Markaas oo uu Hadraawi joogay Muqdisho, sidaas ayey nagu soo gaadhay maansadu.Habeenada weysha, Dhurwaa habarteeda Dorraad ku hiraabtay, Haan-haabadka naaska Haaneed ka deyeysa Nirgaha hugun yuuska, Halkii lagu ooday Hammuunta ka yaw leh, Riyaha hoganaaya Idaha tuban heelka, Cadceedda hagoogtey Haleellada weydda, Dhaqaaq hidin waaga Hareeriga taagan, Dantaa ku habsiisey inay hakadaane, Dhulkoo hanad joogo intaan gadadh heerin, Ka sii degin heerka Hadeer la yaqaano Intaan habqan beeshu, Huluulaha oodan ku saan go'in hawdka, intaan habac jiitan Barkeed ku hallaabin, Markay habaq baahdo Dugaaggu hilbaysan, intaan hawa boodka Fardaha higil raacay, kuwii higsanaayey Hummaaggu ka reebin, Xayeeshku habaabin ----------- Intaan halladaadka, Hayaanku is waayin Habeenku dhex qaadin, Hadhow la shallaayin Hadaadunka naaftay, sidii habas daalka Hawaarsadey ciidda, anaa hiddiddiida Hobey hobe hooda, Durbaankiyo heesta ku soo hoga geyne, Adaa hal abuurka tixraaca Ha'leyda, Ujeeddada hoose Hawaala yaqaane, Horuu orod Faarax Horweynta jiciirtay, Haraaga u jooji Haydaartiyo doogta, Hantaaqada ciilka Dareenka huqdiisa, Qamuunyada haarta Caloosha hugmaysa, Hiirtaanyada raagtey Dhinbiisha hulaaqday, Dabkaan hurin doono Colkaan humin doono, Hargaha igu laalan Dhowaan henggel baasta, Ninkaan huwin doono Sabaanka hagaagey, Barwaaqada hoortay Daruur iyo heego, waxaa hogol gaaxsan Haraysay dushayda, Harooyinka buuxa Hoobaanta bislaatay, Haraaciga daadka Caleenta hiraysa, indhaha halacdooda Hibaaqiyo laaca, Naftayda hankeeda waxay hibanayso, Haddii wedku daayo inay heli doonto, Anaa huba taase Hambaaber dhowaanta, Dareen ma hurdaana Dagaal wata heeso, Hidday u lahayde Hargeysi ma toostay, Hogaanka ma diiday Harqoodka ma tuurtay, inTaanay hummaaga Hadoodilan yeelin, Sidii hebel geel ah Heshii Nebi Saalax, Horaadada dhiibin Hankeedu ma siiyey. Waxay hibanayso, Ninkay la hadlayso Hagaag ma u sheegtay, hadday sama weydo inay hantideeda, Nafteeda hurayso Hubaal ma caddaysay Allaylehe waa hog, Shax aan la hilmaanin Malaa Hugur tiisa, waxaabu u haystey inaan hayal toosan, Haraati aqoonne Maskii Hilqadaale, ma soo hardaf boodey Horaanse u sheegay, inaan hadda beeshu Hadhiimo ahayne, Haddeer waxa jooga Hadmaan ka afeeftay, Hasaasaha muuqda Wallee hagar daamo, Falkaagu habeensay Higlooy gabbalkaa dhac, Hangaalli hungaalli Hegaan hega gaalli, Hunjaalli hantoolli Bidhaan had-hadowga, Hiwaali hahoodka Jibaanjib hunnuunnu, Huraalka hiraalka Hambaaber mardaali, Hadeedab mardaadi Kallaal himbiriirsi, Hawaawir hayaayir Sadaad herimooya, Hunnnuushle hannaashle Sareedo hamboori, Hankooble hayooshe Falaad habbabbaale, Hanquusle halowle Garaad himhimowle, Hayaayub xumaanta Humbaalle dhaqaaqa, Hallaallimo soofka Hallaasiga sheelka, Harawsiga qaawan Hiliiliqa jeexa, Higiishis boqoolka Galbeed hiyi raaca, Maraykan ku hiilka Shirqool la hadaafka, Habheeb alalaaska Hinraag qayayaabka, Haraaryada neefta Hantaatac ergeynta, Hagaas caga jiidka Walaaac haghagoodka, Tawaawac higgoodka Hamuun taltalawga, Calaacal hungowga Heshiis macaluulka, Hunfey salsalaaxa Hinfaal wax u sheegga, Wasiiro habaynta Hoggaanno samaynta Haruubada daatay, Hareero ka leefka Jalbeebta hal leyda, Rogaal halalleyda Hamaal shaqalkeeda, Higgaadda shanlleyda Halkaan ka abbaaray, Hadhauudhku Carraale --------- ??? Huftoo hufmi waaye, Maxaad kala haadin? Intaas haqab beelka, Hadhoodho horteed dheh Hal baase xusuus ah, Nin tiisa u heellan Haddaan taladayda, Hayaankiyo beesha Hoggaami iraahdo, in taydi haallawday anaa huba taase, Hadhow iyo fuullan Waxaanan huraynin, inaan hadda yeelo ayaa ka hagaagsan. Qabiil ku hadaaqa, Hobsheyntiyo faanka Masayrkiyo haybta, Hinaase la boodka Holayntiyo maagga, Hirrooda qab dhaafka Tollaay hebel meeyey, sidii horor waalan Hilbaha igu yaalla, Halgaad kula duulka Colaad hurgumootey, u sii hangagaarka Heleysada dhiiggu, markuu heleleyda Sidii harawaati, Hamuun tiro ciidda Dagaal lagu hoobtay, Halyey ku idlaaday Ka soo hindiwaaska, Tabaalada huursan Hangoollada qaybta, Fulaha halistiisa u sii gacan haadsho, Halkay godobtaydu ka soo hullanayso, Ninkay huntutuulka Ku soo hullanayso, inaan dib u haybsho Hillaabta ka qaado, ayaa ka hagaagsan Shirqool hadiwaaga, Hiqlaynta riyaaqa Hubsiino la'aanta, Haloosiga luuqda Hawaawi la boodka, Hanuun la jibboodka Dhurwaa halab saarka, Waraabe u heeska Hufnaanta kashayda, Nin aan hibo saaray Xariir ku habsiiyey, markuu hal haleelka sidii Horin Yey ah, u soo hal haliilo anoo harsan waayey, i soo hungureeyo inaan hanqalkayga, sidii habla weynta u soo rogo hoosta, inaan af-lahaarka Harraati ku diido, ayaa ka hagaagsan Hanraawe i boobay, markuu iga haago inuu hadhadaydu, Hafeefta xanuunka markay hurgumooto, Hoosaaso afuufo Halbawlaha kayga, sidaas kula hoydo Nin haad i cunsiiyey, inaan horor siiyo Ayaa ka hagaagsan Hawraar iyo sheeko, Haween laga reebay Beraa habar guurtey, Hayaan raraygeeda Culaab iyo haamo, waxay hilif saartay Haldhaa kici waayey, Hiyeeda gar jiidka Markuu hollan waayey, ayey hindiskeeda Halaanhal ku keentay, midaan kolkaa haabka markaa lagu haynin Waxay tiri "Hoogey, Hayaay Cabdi-Qaadir Hareer qabo awrka", Markuu hayinkeedu Hagaag isu taagey, Ayey tiri " haakah" Hebloo gabanteed ah, Hilowna basteeda Malaa u han weynna, Karaamadan hiirta ku soo hormanaysa, Hilmaanina weydey Wadaadka hoggiisa, ka soo hangallaystay siduu ugu hiishey, ayaa tiri "hooyo muxuu horta sheekhu, inoo yahay haybta"? Waxay tiri "heedhe, Hibooy ratigeennu markuu hingan waayo, ayaan huriwaaga Haleel cuskadaaye, Habeen ma wadaagno Haddaan magaciisa, Dantaydu higgaadin ma soo hadal qaado". Ujeediyo haatan, Nin tiisa u heegan Halyeynimadiisa, Hashiisa ku dheelmay Iddiisa ku hoystey, inuu hantidayda Habaynta xilkayga, Dhismaha hodankayga Hiddaha sharafkayga, waxaan nolol haysto Horseed ka ahaado, ka haayir iraahdo ayaa ka hagaagsan Hashayda nin maalay, Markuu hordhaceeda Habniin kaga daalo, inaan hanbadiisa Hafriinyaha beenta, Habeedda qalaysan ku hoorsado weelka, Gobaad ka hillaabto inaan ku hagoogto, ayaa ka hagaagsan Anoo qaba hawsha, Habeen iyo maalin intaas sida heeryo, Habaaska i fuushan inaan ku hungoobo, Hulleeka marnaanta Hamaansiga quusta, Hamuun la carrawga Heshiis ku ahaado, Naftayda ka hiisho Hugaas doqonniino, Hurrow nin i saaray inaanan u hoogin, Calaacal harraaddan Xaqayga ku haybsho, ayaa ka hagaagsan Habkii xidinxiidka, Dugaag huwantiisa Horyaal ka ahaaye, Markii hankakoobka la soo helay guusha, Libtii lala hoydey Tukaa yiri "hoy day, Hashaan qalay saami Hagaagna u qaybi, Hadhowna i toosi" Tukow hayedaadu, Waxbay huwanayde Dantiisa ka haybi, Qorshii hiyigiisa Halkay talo joogtay, Ka sii wadey hawsha Ninkiina hilmaanyey, Saqdii dhexe hawda Ninkii hurdey toosyey, Hareeraha eegyey Raqdii ku hungowyey, Hanqaar warwareegga Hankaag jaljalleeca, Haqdii samri waayey Tukihi hanfariirka, Waldeys kula haadyey Gar laysu hankaabsey, Hamuun gorayaale Ninkii Halac-dheere, wuxuu yiri "hoy war intaan hana qaaday, Hadeer iyo caawa Haddee weligayba, inaanan hanbaynin Horaad u ogayde, maxaad igu hiifi" ? Ninkayse ka hoostay, Mar bay hawireene Ka soo kabey haarta, Bahaysiga haadda Hilbaa cuniddooda, Habeen gama'iisa Inaanu haweysan, Ayuu han fogaanta Halkii kaga dhaartay Ujeeddiyo haatan, Rag waa hal adayge Heddeyda wedkeyga, Inaan habalyeeyo Tubaa halaq yaalka, Hog laygu qaniiney Ku sii hiradkiisa, Ka haari agtiisa Ayaa ka hagaagsan, Haddaanan haddaanan Haddaanan dhawaaqa, Hireyda wireyda Hayaay ka kacayda, Jahaadka Hargaysa Barbaartu hagayso, Haweenka godoodey Ka qayb gelin hawsha Haddaanan haddaanan, Intii isku hiila Hargaysiyo Bayla, Intii la hal maasha Bakool hilinkeeda, Heeraarta Kismaanyo Ilaa Hobyo geynin, Hiiraan u tallaabin Runtay la hudmeene, Haddaanan haddaanan Sidii hanqar yeedha, Hillaac iyo maayad Dhulkoo dhan hadhaynin, Banaadir ka heesin Wixii hurda toosin, Halyeyada ciilka Ka haajirey ciidda, Halkay talo joogto U sii farin haadda Haddaanan haddaanan, Waxaan huro caawa Dhammaan huga xaaska, Hayla maryahayga Sariirta hanbaadha, Kuraasta hagoogan Ashuunka hunbuuca, Haraaq iyo haadyo Waxaan jaqaf haysto, Haddaanan xaraashin Waxay hanti goyso, Intaan hub u siiyo Dadkayga habaynin, Dagaal u hormaynin La soo hadhin guusha, Hawraartiyo luuqdu Cabdow hadalkaygu, Hawaawi kac weeye Ninkii hebel miihi. |
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |