Hal abuur

Hal-abuurku waa geed,   hufanoo udgoonoo
Higil iyo caleen iyo,   Hoobaani fuushoo
Ubaxuna kor iyo hoos,   Hilqadaha ku dhigayoo
Har qabow ku darayoo,   Shinbiruhu hiraabtii
Ka haloosiyaanoo,    Cidi aanay hurinoo
Ishu haybta meel dheer,   Uga soo hilowdoo
Higsi lagu yimaaddoo,   la habaarin weeyaan

Hal-abuurku waa diin,   Bulsho hadalladeediyo
Haasaasaheediyo,    Hinqashada dareenkiyo
Hibo weeye Eebbahay,   Hanti aan la gadinoo
Halladaad ku gelinoo,   La hagoogto weeyaan

Waxa lagu habeeyaa,   Hiddahaad ku dhaqantiyo
Himiliyo ujeeddo,   Waxa lagu hayaanshaa
Hagar li'I dadkaagoo,   Waxa loogu hiishaa
Lama hure dhulkaagoo,   Haqab-beelka noloshaa
Horta lagu yagleelaa

Hal-abuurku waa roob,   Hogol weeye curatoo
Waa heego diriroo,   Ka hillaacday meeloo
Dadku ruux hilaaddiyo,   Hindisaha yaqaannoo
Jidka toosan hubiyoo,   Dhakhso ugu hayaamoo
Hela doogsinteediyo,   Qof habaaba socodkoo
Ku hungooba weeyaan

Hal-abuurku waa deeq,   waa Haro-Digeedoo
is harraartiyaysoo,   Dadku ruux hal adagoo
Horu socod ku darayoo,   ka hirqada xareeddiyo
Hawo niman ka qabino,   Hayin gaari waayoo
ka harraaddan weeyaan

Hal-abuurka guul aad,    Nacabkaa ka hanatiyo
Libin aad la hoyatoo,   Ku haloosiyaysaa
Dabka loogu huriyaa

Marna hoga tusaaliyo,   Maahmaah hawiranoo
Noloshuba ku hiratiyo,   Murti hodana weeyaan

Marna haan gun-dheeroo,   Hilanoo lingaxanoo
Habaqlaha dhextaalliyo,   Halxidhaale weeyaan

Marna hoy bulsheedoo,   Ku habboon caweyskiyo
Halab lagu bariistoo,   Laga helo naruuriyo
Haasaawe weeyaan

Marna hugunka uurkiyo,   Hadimada ku gaadhiyo
Hogashada gandoodiyo,   Hiyi kaca calooshiyo

Nafta hibashadeedaa,   Kugu huriyaa naaroo
Hal-abuurka nabar baa,   Hollo kugu yidhaahdoo
Dacar kugu hulaaqdiyo,   Hiirtaanyo murugaa
Hadba lagu bakhtiiyaa

Marna hadashadaadiyo,   Isha halacsigeediyo
Hengelaha jacaylkiyo,   Waxaa loogu heesaa
Hablihii kalgacalkoo,   Marka aad hawootaa
Lau hoodo sheegtaa

Marna geenyo hororoo,   Hardaf waal ku socotoo
Halis iyo wax yeelliyo,   Hagar daamo badanoo
Heddu saarantahayoo,   Nin bartaa ka hadhinoo
Ku hodeysa weeyaan

Marna waa hummaaggii,   Qofka kula hadlaayoo
Intuu soo hankaabsaday,   Iska rogey hillaabtoo
Kugu yidhi hankaygiyo,   Habka maansadaydiyo
Hiyigaygu waa kaas

Hal-abuurku wa awr,   Sita heeryadiisiyo
Hirar kale shisheeyoo,   Wa hilib mergiyahoo
Isagoo hal keliyaa,   Dadku harag shabeel iyo
Ka dhigaan bariiryoo,   Qof kastaa hab gaaruu
U higgaadsadaayoo,   Waxay ugu habboon tahay
Sida uu u haystiyo,   Halka uu la doontoo
Gabadh weeye hensaha,   Hore loogu xidhayoo
Shaqalkiyo hagoogtiyo,   Huga way ku dhalatoo
Sida naas hablood buu,   Horaad iyo danbeed yahay
Hal-abuurka niman baa,   Hawraar u bixiyoo
Toddobaatan hebeloo,   Hana-qaad is xigey baa
Hasha maali jirayoo,   Haaneedka Raagaa
Qaban jirey hadhuubkoo,   Cali-Dhuuxna hooduu
Ragba kaga horreeyoo,   Hidda raac Qamaan bay
Habar wada jaqeenoo,   Ha'da gabay Salaan baa
Dhigi jirey higgaaddoo,   Hammi Faarax Nuur baa
Ledi jirin habeennoo,   Hitiqsiga Gamuutaan
Hamrashada aqoonoo,   Mahadhada kal gacalkiyo
Hodan iyo xusuusaha,   Cilmi haadka duuluu
Fari jirey hayaydoo,   Sayid Maxamed hawlaha
Halgankiyo dagaalkuu,   U hor kacay Daraawiish
Hurintiisa jiiftaa,   U ahayd hal-haysoo
Ha noolaatadeennii,   Hubka lagu dagaal galay
Murti baa halbowliyo,   U ahayd hoggaanoo
Soomaali hurudday,   Hoobey ku kicisoo  
Xamar iyo Hargeysaba,   Dhagax iyo hangool iyo
Heellaa xoraysoo,   Wallee hoobalkoon jirin
Libin sooma hoyateen 

Anna heesta luuqdiyo,   Hawraarta maansada
Kuma xidho hunguriyoo,   Kama taliyo hoodoo
Ummaddaydu haabkay,   Ugu heellantahay baa
Hanti iigu filanoo,   Hangal-taagga xoolaha
Waxa uga han weynahay,   Hambalyada salaantiyo
Hadal haynta magacoo,   Hindisaha wax sheegiyo
Hoga gelinta jiiftada,   Ma hawaawi tiriyee
U horseed tagaayoo,   Horta waan u sahan shaa

Marka aan hoggiisiyo,   Feleggiisa hubiyee
Habaskiisu yeedhaan,   Hudi hudi idhaahdaa.