Hablaha Geeska
Ma geyoon ma gamashiyin, Ma gommodin ma gaagixin
Ma gabloobin maan gurin, Mana gabin halkaygii
Gabaygiina maan deyn, Geeraarradaydii
imminkaan gardaadshoo, Weli maan gunaanadin
Murti nimaam gunteediyo, Baran gogol-dhiggeedoo
Gonda degi aqoon oo, Garab-daar lahayn baa
Gawl-gawla hadalkoo, Kolba dhinac garoocdee
sida Webi Ganaanoo, Cirka godollo maaloo
Biyihii ku gaaxdiyo, Gebiyadii kusoo degey
Ku darsaday gufaaciyo, Guullama diriroo -----------
Galli jabay habeenkii, kolba gacan masoo rogay
Quraciyo galoolkii, Gunta xididka maw jaray
Dhulka wada galaal iyo, Gabbalaha makaga tegey
Afartaa geddaydii, Dhaha laygu garan jirey
Gurmashada dagaalkiyo, Gulufkiyo colaadaha
Goobaha naf waagiyo, Halka laysku gowroco
Marka gorodda lays daro, Haddaan dumarku goonyaha
Guubaabo kicinayn, Sida galowga dhiilloon
illaa Geesi qayrkii, Birta kuma gumaadeen!
Gu' hagaagay oo da'ay, Dhulka geedo jiifaan
Gurya-samo barwaaqaa, Haddii geeddi lagu furo
Dhallinyaro is gurataa, Gurdan raaca fiidkii
Gole weyn ku kulantoo, Cagta garan-garkeediyo
isu geysa jiibkoo, Googooska luuqdiyo
Gedda sacabka loo jaro, Hablahaa u gaaroo
Garashada codkoodaa, Qof gaboobay kicisoo
Gelbiskiyo mashxaraddaa, Gama' kaa ilaashee
Haddaan gabari boodeyn, illaa gegi cayaareed
Wax ma dhaanto geriyaad
Haddaan guudka laga jarin, Gudihiisa xaabkiyo
Cayayaanka laga gurin, Marwo dumar garka u xiran
illayn guri dugsoon maleh
Gaadaha habeenkii, Kelidaa galgalashiyo
Ged-geddoonka dhalisoo, Adigiyo go'aagaa
Hadba dhinac u guuroo, Barkintaad gabbood iyo
Gaashaan ka dhigataa, Haddaan guud haldhaaley
kolba gacan la saareyn, illayn gogoshu wehel ma leh
Kuma galo adduunyada, Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa, Ninka raga u gudinoo
iyadaa guddoonkiyo, Gar-hayaha naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo, Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee, Haddaan gaari kula jirin
illaa noloshu guul ma leh
Gocashada xanuunka leh, Waxaan uga goleeyey
Go'i waa barbaareey, Gobi waxay ku dhaqantaa
Garab waxay ka dhigataa, Gallad waxay ku dheeftaa
Samo waxay ku gaadhaa, Gololladda haweenkee
Hiddaheena gaarka ah, Hablihii gabowgiyo
Geerida ku sugi jiray, Hablihii garayskiyo
Xiran jiray guntiinada
Hablihii Gu' iyo Dayr, Sida baarqab golongolay
Dhexda xarig ku goyn jiray, Hablihii garaaraha
Gaatin-socodka laafyaha, Sida gorayga ciideed
Gelbin jiray tallaabada, Hablihii gun iyo baar
Isha gacalo-eegtaa, Gama' aanay ledi jirin
Hablii talada guunkiyo, Gunti jirey xishoodkee ------ ???
Hadalkoodu gaabnaa, Hablihii gef hooyiyo
Qarsan jirey guhaaddee, Haday godollo soomaan
Haddey gaajo liitaan, Cidi aaney garan jirn
Hablihii gammaan faras, iyo Geela ugubka ah
Guur doon ka bixin jiray, Hablihii Gargaar iyo
Guuleed ku curan jiray, Goldaloollo iyo ceeb
Hablihii ka guban jiray
Hablahaan gankoodiyo, Hilibkooda gadi jirin
Haddii aad gujeysaan, Guulguul ku leysaan
Godol qura ku mooddaan, Gabbalkooda dumisaan
Hadba tooda gooshaa, Ganacleyda jabisaan
Dadku gabanna xoor iyo, Garacley yiraahdaan
innagoo gumowniyo, Dhaqan guurey weeyee
Gocashada xanuunka leh, Waxaan uga gol leeyahay
Godob Aabbe faley baa, Ubadkiisa gocondhiyo
Gumarshiga ku noqotee, Gebi dheer ku dumisee
Ninka inan ma geydaa, Gol qaniin ku maalee
Gurrac kaga daneystow, Waxaad gaax saneysiyo ------
Gashigaad cuneysiyo, Xumahaad geleysaa
Ruuxey ka go'an tahay, Gabadhaada weeyee
Gefka aad faleysiyo, Waxaad geysanaysaad
Galab kale ka sheekeyn
Gebagebada sheekada, Bal aan soo gunaanado
Guddoonsiiyo jiiftada, Gebigeed adduunyada
Gobol-gobol u qaadoo, Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara, Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara, Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara, Garashana iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah, Geesteena mooyee
Gayi kale ma joogaan.
|