Haatuf
Cilmi sow hoggiisii, hindisuhu imuu geyn
hambalyiyo salaan iyo, how hees umaan tirin
Halka uu ku noo yahay, hanti wuxu guddoontee
hor Illaahay ugu tegey, hubi sow is maan odhan
hodan sow ma weydiin
Sow waa nin hoydoo, ifka taar la haystee
kama helin jawaabtii
Xalay fiid horaadkii, sow haatufkiisii
hud-hudkii u soo diray, gacan haadiskiisii
kama halacsan sheedoo, horin bayla socotee
kama hadhin barbaartii
Sow maan hor-gelinoo, hayhaato maan geyn
dabadeedna haybtii, haye kow ma aan odhan
wuxu yidhi halyeygii, ama haadda soo faray
ku billaabay heestii:-
Ninka ila hadlaayee, ii soo hiloobee
hawdkiyo xabaalaha, hiilkaygu keenee
hambalyada isiiyee, hogga iiga yeedhow
hab-dhaceeda maansada, adigaa higgaadshee
anigana war iga hoo"
"Waxay howli joogtaa, ama lagu harraadaa
hanad lagu cidhiidhyaa, hanti lagu gumeystaa
dumar hoodo leeyahay, raga hoos u eegaan
hoogtada adduunyee"
"Qofka samir hanbaystaa, godka kuma hungoobee
ifka hadimmadiisiyo, dhibtu way horreysoo
ma huraanta aakhiro, anigaa ku haystoo
hogol bay kor joogtoo, onkod iyo hillaac baa
dusha iga hadheeyoo, haro aan go'ayn baan
darayaa hadhuubkoo, hoobaan bislaataan
habaq li'i dhex joogaa, ishu halacsanaysaa
guri hoos qabow bay, halabtaydu taallaa,"
"Nafta waxaan u habaya, sida hooyo wiilkeed
naasaha horaadkiyo, haaneedka siisiyo
nirig hooto nuugoo"
"Hodan iyo jacaylkeed, dani igama haysoo
hablo Xuural caynaan, haasaawiyaayoo
huwanahay taftoodoo, lagu yidhi u heesoo
geelii hor weyn baa, igu soo hormanayoon
u hayaa wadaantoo, hawl bay sugaysee
haye nabad walaalow
|