Gudgude

Gedgedoonka maankiyo qalbiga, gocasho soo boodka, 
Xaajada garlayliga jartiyo, Gun u saluugayga 
Gibladiyo mashxaraddayda iyo, farax la goohayga 
Gandoodkayga taahayga iyo, goobo xaradhkayga 
Gurmadkiyo haloosiga taxmiyo, guluf alooskayga 
Gama'li'ida reenkayga iyo, jiif galgaladkayga 
Goobyaalka caga-jiidka iyo, Meel-ka-gabargaalka 
Gucla orodka seeraarka iyo, geyllan dirirkayga 
Haddaan geestan eegana cabsida, gaarkay igu raaran 
Gabranaanta qoollaalligiyo, mala gorfayntayda 

Gadoobnaanta yeelkayga iyo, kala gantoobnaanta 
Garab lida soodhkayga iyo, gooninnimadayda 
Goofkiyo xabaalaha shixnadan, godadka buuxbuuxa 
Cagta go'an lugaa iyo gacmaha, gabawar duugoobey 
Naafada garbaha kaashatee, sumucu gaagaabshey 
Geerida shinkeed dhaaftay iyo, Guri dambayskayga 
Goodaadsigaygiyo hiyiga, garar tallawgiisa 

Kol haddaan wadnuhu kuu garrayn, geydha kugu yeedhye 
Garasow anaa kula hadlee, gacalkayow heedhe 
Nafta gororaheediyo haddii, galowda lays taabto 
Geesteyda waafule ninkii, goob ka saahidaye 
Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar u faashadaye 
Guri ba'ayna waa cadow ninkii, raarta sii guraye 
Gobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye. 

Ummad geeska loo tumay habeen, gocasho soo jeeddo 
Haddii aan tashiga loo golayn, amase gaashaanka 
Fallaadhiyo gabooyaha haddaan, godobta loo taaban 
Iyadoo gadoodiya hadday, fadal garmaammayso 
Hadba nabar gataatiya hadday, gebi dhac tuuryayso 
Galladdeeda oo dhow hadday, gaadhi kari weydo 
Inta gudashadeed tahay hadday, geysan kari weydo 
Iyadoon garaysnayn haddii, gacantu ay daasho, 

Gamaarshaa ku dhaca amase way, gabax tidhaahdaaye 
Gabbashay liqdaa amase way, gamashi luuddaaye 
Way kala guddaa amase way, kala go'doontaaye 
Ways gawdhisaa amase way, feedha gurantaaye 
Guushay nacdaa amase way, gubasho oydaaye. 

Inkastoo guddoonkii burburay, loo gudcura joogey 
Inkastoo go'aankii dulliga, geesinnimo diiddey 
Inkastoo giyigu waa xormee, gaadhka lagu meershe 
Inkastuu gaggaabkii cuslaa, garangar duul duulay 
Xaajada god-raaca leh haddii, loo gabbala eego 
Sida ay u kala geysan tahay, way gun dheertahaye 
Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeeda 
Inta maanku gaajeysan-yahay, guuli waa weliye. 

Gashigayga way dhaqanyihiin, gaasaskii qabaye 
Weli gaaf dugsoon bay hurdaan, ganacya weyntiiye 
Dibjirkii gidaarrada hurdaa, laysu soo guraye 
Gebegebe rag lagu keenay baa, layga gadayaaye 
Erey gara haddii loola tago, godol ma waayeene 
Gargaarkoodu wuu dhimi lahaa, guul-darrada taalle 
Lafa gerina wayjebin lahayd, maalin gudeheede 
Gobanimana way dhalin lahayd, loo gudboonyahaye 
Gacalnimana way hubin lahayd , aan la goyn karine. 

Weli gumucu meel baydhsan buu, gawda ku hayaaye 
Gariirkaad maqlaysaan ka dhow, goobahaan rabaye 
Gadhqaadkeedu waa leexsanyahay, waana gudayaaye 
Garar loo maleeguu ku ridey, guura socodkiiye 
Guudkeedu waa wada fin iyo, gaatir iyo booge 
Hadday gooli-baadh tahay, waxaa gabay raggeediiye 
Guyaal iyo guyaal bay rarteen , gocorro shaydaane 
Iyadoon goblamin baa haddana , geelo loo hadhaye 
Gol-dalooladeedaa ka badan, galalka ciideede 

Gelin looma wada sheegi karo, xaajo geda weyne 
Gawdiidka iyo quusta waa, lagu gumoobaaye 
Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane 
Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye 
Geeddiga cagaa daaliyaa , lagu geyoodaaye 
Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan habaqlaaye 
Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye 
Gargaraaciddeediyo ha deyn, geed ka didinteeda 
Garashadu hadday ruux la tahay , suu u garanaayo 
Garaadkiisu suu qabo haddii, loola garan waayo 
Gardarruu u qaataa ninkii , yidhi garaadkiise 

Xaajadu markay gobo'da iyo , gawda culus joogto 
Keligii nin gaashaantay wuu, gola ka fuulaaye 
Gadaashiisa uun baa durbaan, laga garaacaaye 
Labadiisa geesood ma jiro , ruux ku gelayaaye 
Arrin lalama guulee warkuu , gura yidhaahdaqye 
Dadka wuxu u gacan haadiyaa, qof iyo gaarkiise 

Gendi iyo dhukaan buu qabaa, cudurro guumeede
Gogol wuu ku shaashoonayaa, loo gudboonyahaye 
Sida goray fallaagoobey buu, Gooni joogyahaye 
Kol hadduu nin mawd lagu gudbadey, tiisa uga guuro 
Xil uun buu guddoontaye ka baydh, gudashadiisiiye, 
Ka galgaley habaar-qabe halkuu, gool ku cuno weyne 
Nin hadduu tashiga guuto faran, keli ganaanaysto 
Gaaraayucuuntiyo shinnida, gurucya dhaadheerta 
Giiryaalayaashiyo fulaa, laguma guuraanka 
Gumarta iyo maajeenta iyo, geed-xunkiyo tuugga 
Gungunnaafka iyo maarta iyo, gocorka aan quudhin 
Kun ninoo guraangura hadduu, goob isugu keeno 
Guufkiyo haddii hooda iyo, giniga loo qaybsho 
Dadka kale intii gudan haddii, gararka loo jiido, 
Ninka gaaban meel dhow haddii, looga geda-sheegto 
Guubaabadeedii haddii, loogu godadleeyo 

Hadallada galoofta ah haddii, loogu mala gaaxsho
Guryo-noqoshadeedii haddii, lagu gawaan-raacsho 
Gabbal daye sidiisii hadday, laba gar-daymooto 
Shimbiraha gabraartiyo hadday, galow wax weydiiso 
Kol hadday galaydh soo kallahay, laabta uga guuxdo 
Garba-raar cadhaysani hadduu, gooyo taladeeda 
Guulkeedu dheeraa sidii, geenyadii Bixine 
Weligeed fal baa loo guntaa, lagu guhaamaaye 
Mar uun bay gadooddaa siday, gees lo'aad tahaye 
Galab xiisaheedaa wakhtigu, kaga gaboobaaye 
Ninuun baa ku guuree iyada, geeddi waw weliye 
Marka wiil ku guro Naarta iyo, godadka Yaahuuda 
Ayay kii Jannada geyn lahaa, dayasho goobtaaye 
Marka uu galaa buu iyaga, guba yidhaahdaaye 

Markay raar guraysaba nin bay, gudub tidhaahdaaye 
Gabno ugubi way quusisaa, gaawe Cumarowe 
Garab-daar ninkii lagu bokhraa, geedad sare waabye 
Gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa beera, ruux gudhane 
Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo 
Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo 
Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya 
Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaadho 
Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunudye 

Marka uu gadaan iyo gadaan, Gacan-togaaleeyo 
Ayuun buu waxaan ganac lahayn, sii gorgoriyaaye 
Seetada nin goostaba, wuxuu gesto lala yaabye, 
Mar hadduu tallaabada gurguro, gaatan iyo booddo 
Dhaaxaa gadaal laysla tebey, wiil galbaday jeere. 
Toojaba waxaa lagu godlaa, say u gaar tahaye 
Gurranidu mar waa dhalasho iyo, gacanba qaabkeede 

Marna waa calool garac siddiyo, xaal ku soo gala'e 
Kol haddaanay maankaaga gadin, talana kaa geynin 
Gurracnaanta qiil lagu saxoo, loo gudbaa jira'e 
Gudboonaantu way daalisaa, ruuxa meel gurane 
Nin hadduu go'aankiyo sharciga, gawrac ugu jiido 
Hadba goondhabaaliyo hadduu, Gooddi-furan keeno 
Gacalnimo hal loo yidhi hadduu, gubasho sii beero 
Guudaan haddii uu ku liqo, ereyga geedeysan 

Runta wuxu u guul-guulayaa, way gun-dheer tahaye 
Goldaloolo qudha maaha iyo, goonnidaa taliye 
Gedaan loo filayn baa jirtiyo, Geel-la-daaq kale'e 
Hadba geed-is-maris baa u hadha, guul dad leeyahaye 
Miyaan Geeddi-Baabbow arladu, gelina waayeynin. 

Gole miiggan, geed sheegan iyo, garangar muunaysan, 
Gudban iyo cod laba geesa iyo, guurti kala soorta, 
Garnaqsiga mudducigoo tashiga, gooni uga showrey, 

Geda labe maddaacaley hadloo, dhaabad Wan geystey, 
kala gurasho meertiyo rogaal, la isla guur guurey, 
Maahmaaho wada guuna iyo, gabayo raac raacay, 
Guddoon dhacay hubaal iyo go'aan , layku gacan qaaday, 

shan god oo murtidu leedihiyo, gororka suugaanta, 
Gedda hadalka loo ruga geshiyo, marin gobaadeed dheh. 
Gobannimadu waa libin ku taxan, geeddi nololeede 
Waa gumaro aadmigu hantiyo, guusha ugu weyne 
Guddoonkeedu waa faral siyaal, loo gafaa firine 
Geduun buu ka leeyahay khalqigu, maalintuu gado'e 
marka uu gabaabsiyo xilliga, laga gu'weynaadey 

Ayuun baa ninkii gudan karaa , dhan ugu guuraaye 
Qabyadeedu waa guun intay, gaadho weligeede 
Galab noolba ooddeedu waa , gudinta loo hay-ye 
Nin gufeeya mooyiye ma jirin, ruux gunaanadaye 
Gelbiskeeda oo qudha hadduu, tacabku kuu gooyo 
Adigoo gadaashaday hadday , guure kugu dhaafto 
Gommodkiyo yaboohdeedu way, goora badataaye 
Haddii aan gantada loo adkayn, amase gaafaanta 
Guddo iyo waxay yeelataa, gulufo shaydaane 
Gaadaa dhexdeedaba ka kaca, maalin gelinkeede 
Gacmaa lagu xejaa amase way, galab dhaqaaqdaqye 
Waa lagu gam'aa amase way, geeri badisaaye 
Gob baa lagu noqdaa amase waa, lagu gumoobaaye. 
Garan maayo maalmaha intuu, soor gad leeyahaye 

Mar hadduu gidaad bahal qabaa, gaajo kula ciiro 
Gujo-dhaadhigeediyo hadduu, taabo gorofkeeda 
Waxba kama go'aan ruux ku shubay, xeedho gudaheede 
Hadduu gaar u maamulo qof, waa geel nin leeyahaye 
Inkastoo gantaal iyo wed iyo, gawrac lagu hooyo 
Meel loo gun-raaciyo haddaan, gogol dhig loo yeelin 
Mar haddaan garaad loo lahayn, wayska gubataaye 
Geedkeed ba'waa sixir haddaan, garasho hilayne 

Hadduu gaws dhurwaa ruugi karo, waa lafguri taalle. 
Gunti-furey nin caashaqay haddii, guudka loo sudho'e 
Galacdeeda uun baa indhuhu, golongol eegaane 
Giniis iyo hadday kala dhaxlaan, Gaar-la-ababkiisu 
Waa maro gargaranoo adhyaha, lagu gabraartaaye 
Mar hadduu waraabuhu gashado, Giiro waa halise 
Iyadoo gashaantiya sidii, Loola gogol dhaafay 

Guurkeedu tuuguu ahaa, Gaabsi iyo beene 
Iyadoo garoobiyo markay, Guudka fidhanaysay 
Inanuu gumaystuhu dhalaa, Gaadhka ka ahaaye 
Gaboowgeeda way doonantahay, gedaha waayeele 
marka ay geyaan sheelataa, garacu yeeshaaye 
Hadba wiil is gaalaynayaa, loo gu'tiriyaaye 

Nin dharaar wuxuun laga guntay, guushu jamataaye 
Gobannimadu ruux kuma xidhniyo, Giib ninkii dilaye 
Agaabaynta maalmaha gudbiyo, galaha taariikhda 
Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade 
Ganba-xoorka waayaha haddii, laysu minan guursho 

Dad uun baa ma guurtada lahaa , goobihii baxaye. 
Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide 
Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede 
Nin uun baa guddoonsha'e xil waa, laysu gororshaaye 
Galladduna waxay saaran tahay , wax isu geygeyne 
Inkastuu wax galo ama wax gudo , ama wax weyn gooyo 
Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban 
Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero 
Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye 
Noloshana galgalaheeda iyo, gebi ahaanteeda 
Waxaan geesi karin baa jiroon, gaar ninawfaline, 
Xaajaba gan baa loo unkaa, talaba waa goore 
Ummadyahay tiraa kaa gedmane , wax isu geygeyso 
Ninkii aad garaaddiyo shaxshaxo, saartay garabkiisa 
Kol hadduu dharaar goonya kulul, kaa gelgelin doontay 
Waxaad galabsatuun baa jiree, gaado kale yeelo 

Ninkii aan gondaha kaala dhayin, gololo hawsheeda 
Gardaadkaaga yuu baran inaan, taada lagu gaadhin 

Hadday gibili kaa saarantahay, gocomo hooseeya 
Waxaan geedna kaa qarin indhuhu, yay ka gabargaalin 
Hadba soo gadaal eeg ninkaad, gadato hiilkiisa 
Gol dalooladaaduu nin ogi, galagalaystaaye 
Aduun bayse kaa go'an yihiin, maalmahays guraye 
Godan baa la yeeshaa xadhkaha, haysku wada giijin 
Geyigiisa wiilkaan ahayn, gibilka mooyaane 
Gun-dhigiisu meel kaa fog buu, geed ku leeyahaye 
Si aad uga go'daba ruux ku neceb, gaarar kala yeesha 
Guushaada waa lala jiraa, gees ha ka ahaannin 
Godobtaada meelee intaan, gacantu kaa boobin 
Gacalnimada noolee intaan, gocasho kaa oodin 

Guddoonkaaga reeree markay, kula gudboonaato
Gamaaddaada muunee haddaad, geeri huri weydo 
Guntashana xusuusnow waxaad, godolba soo joogtey 
Gurgurshaana haw raran nimaan, gudasho kuu doorin 
Garashana ogsoonow inay, xaaja badan goyso 
geeraarku waa sude hadduu, kuu ged-bixi-waayo 
Adba goor is weydii intuu, gabaygu kaa dhaafo. 
Cir gadoodey, dirir gaamur da'ay, galayax waalaystay, 
Onkodkoo gariirkii ka baxay , galowgu yaab yaabay, 
Guulaamo sawsaba kortiyo , dhibic garaaraysay, 
Guluuluco mareegeysey iyo, gabadhle miish-miishtay, 
Fad godladey, mahiigaan dhex galay, mayay ku soo gaadhey, 
Waqal gaaftey jarar soo gabradey , gebiyo soo ciiray, 
Gibil bururtay, gale foos burburay , galangal leexastay, 
Gurdan baxay, xareed-gala1-jabtiyo, godanno midaystay, 
Dadka oo intuu nabad gogladey, godob la'aan toosay, 
Qorraxdoo garayskiyo martii , gees isaga xoortay, 

Dayaxoo intuu gaadh ka degey, gacalo muunsooday, 
Tigaaddoo ganbada uunsatoo, shidatay geed-saaqa, 
Marka geela laantiisa dheer, gabantu soo reebto, 
Guryahoo haleelada sidkani,, gaabis ka fooftay 
Marka gorarka naasaha fatahay , goba'da deyn weydo 
Galabuu kulaylkii ka jabay, gubayey jeedaalka, 
Qorraxdoo gollaha kuulatood, gaari wacan mooddo, 

Gaaraabidhaankiyo markay, taranto goobaantu, 
Caweys ay gabdhuhu boodayaan, golaha saarreyda, 
Dayaxoo galshada meersadood, geesi ba'an mooddo, 
Xilligay gammaankiyo ifaan , quruxda gaarreydu, 
Dhulka oo galaaluhu simeen, gun iyo baarkiisa, 
Cosobkoo golxada fooraroo, laba gardhaalaystay, 
Qorraxdoo gelgelimaysatoo , goroddu laallaaddo, 

dayaxoo goyaal wada cas iyo, shaal galgala qaatay, 
gu'xasilay, gudgudayaal habsadey , adhaxda Gaaroodi, 
Marka awrku goojada ka simo, Gaasa-baya dhaartay 
Qorraxoo guduud lagu bokhroo, meel garba ah saaran 
Dayaxoo intuu garab la baxay, gooddi uga muuqda, 
Gararkiyo taraaraha madow, Kala geddoonkooda, 
Gabbal ururay, waa soo gurguray, labada worood dheh. 
Ged ninkii ogaadaba shillale, guuto loo wacaye 

Inta aan gar- waaqsaday intaan, garasho diidaayo 
Inta laygu gaad gaadayaa, iiga geed ba'ane 
Cishaday gabnowdiyo intay, gelinba heerjoogtey 
Girif-giriftu way igu badnayd, gu'iyo jiilaale 
Inaan gaabsho mooyiye cishana, tayda maan gabine 
Galka seefta kuma haysan jirin, maalin gulufeede 
Misna geeladay, gocoraday, iiga gaws kulule 
Goonbaartu eelkay dhigtaba, gaari baw xidhane 
Godobteedu waxay saarantahay, meelo aan geyine 
God markaan daboolaba far baa, laygu godayaaye 
Nin gefaaba lay tirinayaa, garasho waa yaabe 
Waxan ahay nin lagu saan gatoon, raadba soo geline 
Garraantayda qaar iyo, lag iyo, gaasas baa necebe 
Gabbashayda duul iyo badh iyo, goosan baan rabine 
Haddaan gaasho yeeshana dar bay, gawl la leedahaye 
Hadba waxaan ku guul seegayaa, lama garaystaane 

Garba-duub waxaan ugu xidhnahay, maan gurracaneede
Inaan geenyo buubsaday haddii, guuxu welijoogo 
Gadaal baaba lay eegayaa, gool tirsaa jira'e. 
Ummadyahay dib uma guuri karo , gooshkan maanta ahe 
Gosha hooyo waa laga koraa, goodir kay tahaye 
Gashi baxana waa lagu dayaa, geed ka hadalkiiye 
Hadday gudubto yeedhaydu waa , sheeko ii gadane. 
Geyigaygu waa kow intuu, waajib ii galo'e 

Dhulka kale intaan gaadhi karo, waw gol leeyahaye 
Adduunyada go'doon kagamajiro, garangar loo yaalle 
Garaadkaygu waa dhaafsan yahay , xaajo goboleede 
Dareenkaygu gooddiga sibuu , ii gilgilayaaye 
Guhaad iyo canaan buu hiyigu, ii gab-leeyahaye 
Inta garasho ii meel la'dahay , tayda maan gudane 
Hadba waxan galiilyoonayaa, goobo lay tebaye 
Asaaggay wuxuu galo ayaan , anigu gooyaaye 
Anigiyo kuwii lagu goblamay, waa gudboonnahaye 
Qayrkay intuu guul suntaday, gooni iifarane 

Nin kastoo ganbadu saarantahay, dunida guudkeeda 
Gurmadkayga waw baahanyahay, ruux la gaasiraye 
Taydana ninkii igu guntadey, waw gar leeyahaye 
Marba gooha dhiillada halkii, igu galoollaata 
Karaankayga waan geyn intaan, geeri moogahay 
Waxa ina rag ii guulayaa , tiisa gaarka ahe 

Anna waxaan go'aansaday inaan, lay gaboodfaline. 
Garawshiiyo jeeraan ka helo, gaanka dunidayda 

Jeeraan galaa baxo arlada, gooddi iyo gooddi
Jeeraan gufaacada ku tago, meelo geriyaada 
Gaaliyo Islaamkaba ilaa, taydu wada gaadho 
Barigiyo Galbeedkaba ilaa, laygu gacan qaado 
Gurey iyo Islow iyo Hurrow, gabaygu waa beene 

Godadleysan maayee tashiga, waan guddoonsadaye 
Waxba yaan indhaha laygu gubin, gaabsi ma aqaanne. 
Gudcur laga tallaabsaday ilays, baadi lagu goobtay, 
Gamas iishay, gaashaan burburay, gawrac laga maarmay, 
Dunidoo giblada iidsanoo, gacal walaalowdey 
Gudboonaanta xeerkeeda iyo, garasho nuurkeed dheh