Gudban
Waa duni la gaadoo, iyadoon gabow iyo
Geerida ka dhow iyo, Geeddiba ku talo gelin
Seeftii qur gooyada, Galka looga siiboo
Soo guur la yiriyoo, waxay gaaxsanaysiyo
Khasnadii guraysoo, Daba goosanaysoo
is gunaanadaysoo, Waagii guduutaba
Ged kalaad ku aragtaa, Gurrac lagama waayee
Sheekadu ged iyo xeel, Af-gobaadsi weeyoo
Raagaa sar-gooyoo, Cali baa gardaadshoo
Gedihii Qamaan iyo, Gabaygii Salaan iyo
Gudbantii Darwiishkiyo, Murti weeye gibilloo
isku joog gun iyo baar, Midabkii is-gaariyo
Inan gacan farshaxan ihi, Harraray garaariyo
Gaashooyin marisiyo, Googoos la saaroo
Nin gardaadsha mooyee, Ruuxii gudaanihi
ka sal-gaari maayee, Googgaa abwaankow
Gabar caana nuugoo, Gugan maanta dhalatoo
Dhul gurguurad mooyee, Garanaynin socodkoo
Gosha lagu xambaaroo, Hayaanka iyo geeddiga
Awr loo gureeyoo, Gaadiid la saaroo
Misna guudka dabatoo, Garka aan furaynoo
Debcinayn garayskoo, Guurguurka noloshiyo
Godadkii is daba yiil, isku garab maraysoo
Goormaan lammaanaan, Ama lay gelbinayaa
Taladeed ku gaw tiri, Waa xaal gurracanoo
Gurranoo la yaablee, Waxaan uga gol leeyahay
Ruuxii gartow sheeg.
Geel aan Irmaan iyo, Gabno iyo candhooliyo
Madi guuto deeqdiyo, Gaaniyo horweyn iyo
Awr goola wadan oo, Gaban daadahaynoo
Gallad cidi ku qabinoo, lala gelin Haruubkoo
Geedaha aqoon oo, Garow loo bisleeyoo
Geeslow Biciidkiyo, Garanuugta seenyoon
loo soo gabraaroo, Misna guul-darraystow
Ganac loo wardheeroo, Cidi gaari weydoo
Ninna goosan waayoo, Dhaqankiisu gaar yahay
waa Xaal gurracanoo, Gurranoo la yaablehe
waxaan uga gol leeyahay, Ruuxii gartow sheeg.
Waayeel gadoodoo, Gacalkii ku duuloo
Guluf weerar saaroo, Gamcihii dhiiggii
Gororshoo ku mayroo, ma hadhooyin geystoo
Misna loo garaaboo, Godob reeb la siiyoo
Inan loo guddoonshoo, Gudbiyoo is dhaafshoo
Gocor aan xil hanan iyo, Nin labaad u guurshoo
ka gabbaati qaatoo, Yidhi gaari maahayn
Waa xaal gurracanoo, Gurranoo la yaablee
Waxaan uga gol leeyahay, Ruuxii gartow sheeg
|