Gol-janno
Wakhtigaa is gurayoo, Hadba xaajo godadliyo
Ged la soo baxaayoo, Garashada damqaayoo
Gudgudaa hillaaciyo, Geydha iyo fooraha
Xasan Ganey larkiisii, Goljannaa ka dhalatoo
Galabta iyo sheekada, Gorgor iyo Hargeysiyo
Geeskaannu joognaa
In dhoweyd guhaankii, Gulcub buu dhalaayoo
Gorgor iyo wax yaabliyo, Tuke hilib gadaayiyo
Xuunsho geel la joogtiyo, Golli heeryo sidatiyo
Rati gorod madow iyo, Geesoole boqoriyo
Saadaal gurracanoo, Gurran waa la filayee
Ninkii beesha soo galay, Gonad dhigashadiisii
Ri garbaha iskaga taag, Marna saaryey gaaddada
Mar garkeeda feer feer, Afka godan ku kaakici
Marna geesaheediyo, kaga weehay goonyaha
Marna caws u soo goo, Marna sheemi gaarkeed
ka takooryey gacalkeed
Gabankiyo haweenkii, iyo gurungurcoodii
Gurxan iyo colaad iyo, Guulguul u saar-saar
Ku gadoodyey beeshii, Habeenkiina gaarkiyo
Gaaf-meerka tarantari
Warka lays galaa bixi, Dabadeeto goobtii
Gurmadkii isugu tegey, Afka gacanta wada saar
Mar la yiri ridaa guul, Gallad hoose wadatoo
Cidi aanay garanayn
Marna gacal xijaabtoo, Gunno iyo xusuus iyo
Laga gooyey samahoo, Godka lagu illaawoo
isa-soo galluubtiyo, Nin gargaar u dudayoo
Gibil doorsan lagu sheeg
Marna aayad gaaroo, Xidid iyo gun dheeroo
Rabbi soo guddoonshiyo, Deg la yaab leh lagu sheeg
Marna duni gablooshoo, isa soo guraysoo
Socotoo gudbaysoo, Guuraysa lagu sheeg
Marna caashaq guunoo, Goobaayey beeshoo
Rida Garo jeclaadoo, Guur-doon ah lagu sheeg
Googaadu badatee, Xasan Gareyna tiisii
Biyo gebi ka soo degey, Dalka ay ku jeedaan
Gurdankooda sii raac, Godankiyo ishii doon
Gunta hoos u sii baar
Gorgorkii xammurraa, Gacan haadis ugu yeer
Dadka goonni uga saar, Gole xaadhan soo taag
Googoos u kala bixi, Gobannimo ku sooryee
Gelbi oo lugaysii, Geyigoo dhan soo mari
Gobolkana wax uga sheeg, Guji oo wax weydii
Fuley baa wax gaadee, Go'e yidhi iskeen sii
Xaajada gun iyo baar, Geeraar ku xadantee
Gudbi oo is dhaafsii, Ragna galangal soo celi
Gabayana ka daba tiri
Gudcur baa arlada jira, Gogoshaa la jiifaa
Gama' waa la maqan yahay, Goonyaha cabaad iyo
Gurxan baa ka baxayoo, Reerihii badh baa gudey
In la guuro weeyaan, Gaadiid ma laylyana
Gadh-wadeenka baashuna, Gabadh buu ku xidhan yahay
Iyaduna galbeed iyo, Dhul fog bay go'doonkiyo
Gocashada ku joogtaa, Wakhti waa is gurayaa
Goor danboo xisaabtii, Geba geba ku dhowdahay
Ayaa Gaarriyow qaar, Gabrantii dayeysnayd
Garaadkii ku soo degey
Talo laysu geegee, Dadku hawlo gaaxdiyo
Gale baadi doonkii, Gudcur laysla soo taag
Gabadhii la weydii, Geedka aan tagnuu yidhi
Garta jilibka loo laab, Hadalkina go'I waa
Gudcur baanihiisii, Markuu soo gunaanadey
Guunyo keena buu yidhi
Gucle orod la soo roor, Goolal soocan loo miidh
Ahminkiina loo gee
Gudcur baa hadana yidhi, Waxaa goobta keenteen
Magtii Giibba maahee, Gashigii badh baa hadhay
Hasha gabanku maaliyo, Gaadiidka beeshiyo
Geyigiyo dhuloo idil, Waxa geelal joogiyo
Inta gorod madowliyo, Geesleyda soo tuba,
Iyadoon la kala gurin, Hanti oo dhan loo gee
Lagu yidhi guddoon hoo, Inantii ma gadan tahay
Yaa is gaadhey buu yidhi, Googarada dumarkiyo
Waxa aad go' haysaan, iyo googo lacageed
Iska soo guru yidhi
Guryihii la baadh baadh, Guntintii danbaysiyo
Kawlkiina loo gee
Gudcur baa haddana yidhi, Xinjir gaatamaysiyo
Cadraddiyo gashaantida
Inta wiil gantaashiyo, Gaashaanka hanatiyo
Ordoo geesigiinniyo, Gaaridiinna labadaba
Goobtan keena buu yidhi
Codsigaasna loo gee, Wuxu yidhi guddoonsadey
Gabadhiina waa taas
Guul-Allaa la wada yidhi, Gaaridii la soo hoy
Geesigiina loo door, Guurkeeda hananlaa
Gobolkana xilkiisiyo, Geeddigiisa koowaad
Gadh wadeenka noqonlaa
Golihii la dheehee, Harrarada la goobiyo
Googooska lagu xidhay, Gelbiskii rugtii yimi
Gurxankiyo mashxaradii, Dadku gooli baadhkii
Gumucyada rasaasta ah, Sida galayax loo tuur
Isna goobta quruxda leh, Hadba gees u daymoo
Guurtidii isugu timi, Mahad celin ku gaalgaal
Markii waagu guubaha, iyo furay garayskii
Gaafkiyo xusuustii, Inta ubax guduutiyo
Duco lagu gunaanadey, Gaarriyow halyeygii
Hanbalyada la gaadhsii, Gacan qaadka lagu dhaaf
Ka gadaala wiilkii, Intuu gaadh u diray qaar
Gargaraacyey aqalkii, Soo gal baana lagu yidhi
Gobaad foolku ka hor yimi, Isha laysku galac sii
Garashaa fogeysoo, Gabadhuba ma heellana
Wejigeeda guul iyo, Gacaltooyo kuma taal
Gacan qaawan soo fiiq, Kaa geysan bay tidhi
Xiisihii ka gaagaxay, Hogashada gandoodkii
Soo laabtay gorodkii, Isaguna guhaaddiyo
Guul guulka ka hor yimi, Gabbashada is weydii
Waxay tidhi "guntiga xidho", Go'a iga fur "buu yidhi"
Gudin iyo hangool iyo, Garab qaad is weheshay
Tidhi "qabo guddoonshow", Gogol buu ku yidhi keen
Ganbadh bay ku tidhi hoo"
Gargariirka lahashada, Cabashada is gabangabi
Durba gaajo soo qaad
Dib u guratay Joogdheer, Eeg eegtay guritii
Gudur meel halkana yaal, iyo gocay hadoodilan
Ugu geysey meeshii, Gurracow ku tidhi hoo
Isaguna guddoon jidhi
Baahiduu ugolon golay, Gunnadii xujaysnayd
Markii u gondaa dhigay, Galladii ku rayray
Hadduu gaar xil leeyahay, Gabadhiiba kuma lurin
Kaba goosey hadalkii
Dadkii soo gadaal noqoy, Hadba goosan soo biir
Higsi laysku soo gaadh, Gawraha duleedkii
Gacalkii isugu yimi, Golihii la weynee
Dhagxan laysku soo gurey, Shaxda loo garraaddee
Lagu guulyey meeshii, Sheekadu gabaabsiday
Badh gataatigii ciir, Galaayuuska hibashada
Guuxa hoos ka tuurka ah, Gocashada kor loo qaad
Gorey baa ka ciyey meel, "Gurayow war lagu sii
gobonimadi waa halis, geesku baylah weeyaan"
Kaalay gawrac neefkaa?
"Gurigiina dadab ma leh, lagu gurey wixii yiil
dadkii waa la gaasiray, lama gadin xilkoodii."
"Goosaradihii qaar, Gurac kuuma dhiginaa"?
"Gabadhiina waa ugub, iyaduna geyaankeed
guumeys ka noqotoo, guudkaa u daban weli".
"Sarar gool wan shilisoo, geedaysan hooyaa?"
Goraygiina yaabyoo, Ka gu Qaafo buu yidhi.!!!
Guray oo xuslinayoo, Baahi geylameysiyo
Gabaddano eryeysaa, Gooddiga ka soo kudey
Gobaad leexadiisay, Meel dheer ka garatoo
Waa gaal la joogii, Yaradkiyo gabbaatiga
Gudcur siiyey berigii, Waa ninkii gumeystuhu
Marka uu gabraar tago, Garanuugta celin jirey
Isna soo galayr yee, Iyadana talaw go'an
Haan bay garaysiyo, Ganbo iyo hagoog iyo
Googgarad jacfaaniyo, Maryo dumar u gelisoo
Gunta iyo furkii bay, Xinne ugu guduuddoo
Waxay tidhi "Gadaan-Dheer, Ninka soo gurdamayaa
Gabadh doonimaayoo, Gogol looma fidiyee
Guushkiyo qadhaabkiyo, Gawska ugu roonow
Dhaxantana wax uga geli, Aniguna gadaashiyo
Guradaan ka baxayaa, Gurigiina waa kaas
Geyllankii xawaaraha, Gurma go'an xaskeediyo
Guban raran leh soo jiidh, Dadkii qaar galaafaha
Gaadada ku soo qaad, Gurigii ku soo biir
Gurrac xadhig ku taandhee, Ku gaggabi tumaatida
Garba duub iskaga reeb, Ginbirkiina soo fuul
Yidhi yidhi Gobaad yidhi, Gacan dhiig leh soo taag
Laye gooha soo reen, Haantiina kama gurin
Kol hadduu gobaad iyo, Goosarado caammiya
Is la helay ninkii Gurey, Cidi lama gudboonee
Hanbaddii ku gooraan, Gufarkii ku naalloo
Hadba goobo soo qaad, Ku gufee calooshii
Haki Maxamed geenyada, Hash Garaw u yeedh yeedh
Godol oo u gaal gaal, Gabantana ka yara celi
Wax la yidhi guyaal hore, Bahal geed is-marisaa
Maqlay gobol Islaamoo, Wadaad gaasa baxay raba
Gadh intuu samaystuu, Kutub garabka soo sudhay
Soo gaadhyey beeshii
Hadba dadabta loo goo, Hadba goolal loo loog
Bari iyo leg loo gee, Gallad loogu roonaa
Hoosna gaarku kala socoy
Gahan gaha abaaraha, Sida weerka guuree
Hadba reer ku soo gaas, Hadba galab carraabaha
Masallaha gabboodkiyo, Hoos galbeedka soo dhigey
Gelin qudha maqnaan waa, Guryihii ku fara badey
Galgal iyo xasarad keen, Gacan dhaafna lagu arag
Gungunuuska beenta ah, Ku galgaley Quraankii
Guudaankii dhayi waa, Goosan lumay bariin waa
Lagu barey gaddiisiyo, inan Geeddi Baabow
Nag gunaanadkeediyo, Garshada ku dheerayn
Misna gogosha loo badi
Isna laba gar-daaqii, Hadba taako sii gudub
Ganacsiga ku sii durug
Guul-darraa ka salaglee, Galab buu ka kacay meel
Gegi laysu soo baxay, Dadkii joogey goobtaas
Kadin geela weydii
Warka Geedi Baabbow, Gujo iyo faq hoosiyo
Isha laysku gaadhsii, Waa dad soo gubtoo jabay
Dhegahay gufaysteen
Sii garooc hankiisii, Gu'rin qaalinuu yidhi
Yaa godkiisa hoosiyo, Geysanaaya aakhiro?
Shirkii ruux garaaboo, Gacan taaga laga waa
Iyadana ka sii gudub, Kuye gacallayaalow
Boqol shilin ha lay guro
Goroddaa la wada lulay, Ku go' baana lagu yidhi.
Gonduhuu u sii degey, Kuye geed is-mariskii
Gini lagaca yaa hura?
Laga gaabsey hadalkii
Wuxuu yidhi galkiisiyo, Yaa kitaabka naga gada?
Gaw baa lawada yidhi, Go' boodhka laga tumey
La bannee gawaankii, Dadku galab carraabaha
Badhba gees u siigee, Raabe raabe loo guran
Golihii ku noqoy keli, Goobtaas la kala dhimey
Isna Geeddi Baallow, Galalkiyo khamiiskiyo
Garan gari kitaabkii, Ged kaluu u diga rogey
Miciyii gahaydhiyo, Daba goojinaysiyo
Gawsihii u sheellaa, Gibishii u duubnayd
Gashey saamihiisii, Gaaleemadii tuur
Gafi waa runtiisii
Dadku gacan macaannaa, Gobsanaa furfuranaa
Gacaltooyo badanaa, Gaarriyow shabeelkaas
Gabbal iyo galaal iyo, Maxaa gaasho loo qalay
Maxaa goobo loo shiray, Maxaa guulo loo qoray
Taariikhda guunka ah, Maxaa baalal loo gubey
Immisaa garaaddiyo, Billad gaara lagu tolay
Immisaa g'sharafliyo, Shaal guduudan lagu xidhay
Gurey baynu haynee, Hadda goosh labaadkii
Aynnu guulihiisii, Isla sii gorfaynoo
Gurigii ku noqonnee, Markuu guufafkii liqay
Ayuu daaca goodlaha, Guulaamo kiciyoo
Geeribuu ku yidhi tali, Waxay tidhi dadku ha gudo
Golxobkana u diro sahan
Dadka gees biciid dheer, Guubaabo ugu lali
Gurgurshaaga loo yeedh, Lagu giiji caynkii
Guryo samo allahayow, Ku dareeryey geelii
Luuqduu ku garan jirey, Gosha lagu hayaanshee
Goonbaarta wadatiyo, Guuguuda hugunkiyo
Goofaadhtankii yaab, Codka gaban ka xoorka ah
Hadba soo gadaal eeg
Beeshu waa gawaan raac, Dayax rogey gadaafaha
Gudcurkiina sii baah, La is waa go'doonkii
Gelliyada dugaaga leh, Hadba goosan lagu dhaaf
Hadba guura raacii, Laba guuto loo reeb
Gamas iyo warmaa raran
Halkan gaban yar baa qalan, Halkan geesi baa yaal
Halkan gaari baa wadhan, Halkan waxa ku gawracan
Guurtidii xulka ahayd, Dhankan culimo gaariyo
Gadh-cas iyo wadaad iyo, Golfof iyo raq baa quban
Gaadiidku waa naxash, Gadh hayuuna waa mawd
Waxa geeddi lagu degey, Godadkiyo xabaalaha
Dhulka hoose loo guur.
Waxa la yidhi duq guunoo, Golxoshoo idlaadoo
Lafta dheeri godatoo, Gaabshey oo cuslaadaa
Guudadley ku soo baxay, Mayracaysa galab adhi.
Gooli baadhka sheekada, Haasaawe goo goo
Hadalkii gar adag iyo, Gendel iyo alool saar
Hadba garagar oodee, Hadba gooddi kala bixi
Galka ulo ku baadh baadh
Goobyaalka inantii, Garan weydey baanuhu
Geesuu u dhacayoo, Waxay tidhi geddaa hadal
Aan is guursannuu yidhi, Alla yay gujay tidhi
Kol hadduu gedmado hadal, Goobta waan ka dheelmaa
Ayay gololadii tidhi"
Wuxuu yidhi god bay hadhay, Waxay tidhi Gadh Cawsow
Adhigaa galbanayee, Aan gadaal u soo rogo"
Isna yidhi ka gaadhsii, Guusha maanta kuu dagan
God-dalooladiisiyo, Guga faraqa haystiyo
Gedihiisa qari yidhi, Ganbaraashka sii luud
Gumar buu ka jaray qodax, Geed kaluu ku soo mudey
Gabbashada ku soo noqoy, Ku soo laabey goobtii
Gabadhiina ugu timi.
Gol castii dhacaysuu, Go'a sare hagoogtiyo
Gacantiisa ka hadhsaday
Wuxu yidhi "galoolkaas, Maxaa gaari dumareey
Gunta hoose kaga mudan?
Ma gammuun ku jabay baa?, Ma fallaadh ku ganan baa?
Ma gafuudh maxaadh baa?, Ma atoor gadoodaa
Geesihii mid kaga tegey?
Geedka wey u jeedaa, Waxa gaar u raacee
Guur-doonku sheegee, Gunta hoose kaga mudan
Indhaheedu gabadhii, Markay gaadhi waayeen
Waxay tidhi inoo gee, Runta aynu gunudnee.
Fadalkaa la wada gurey, Garo oo barbaarkii
Gebgebtiyo is waalkii, Wuxuu guudka kaga dhacay
Hal fadhida gelgelin, Sow ka sokaysa geedkii
Qosol guuli keentay, Hayn weydey gabadhii
Isaguna gilgilashada, Gebi dhaca is yidhi toos
Misna gudub u soo ciir, Gabaxdii is qaban waa
Gadhka ciidda kula duul, Show illayn gardaadkiyo
Garab iyo shanshaa jaban
Jaljalleecday gegiduu, Ku burburay geyaankeed
Laye Guud-haldhaaley, Garangarisay laafyaha
Isna gocasho sii dhawr, Baalal goof ku yaalliyo
Indha gudhay ka daba tuur, Dabadeed galgalashada
La gurguurey boodhkii, Gawdiidsey meeshuu
Salka dhigey go'doonkii, Ku wadh wadhay gabaahiir
Waxa hodey garaaraha, Golxadiyo cabaadhyaha
Goobtaasi hadal ma leh, Goolkaasi dhalan waa
Guurkaasi beenow, Gabow baa da' mehersaday
Gurey baan xusuustee, Gobor iyo turxaan iyo
Ninku gaatir badanaa, Qudhun buu far geliyaa
Marka gacal la yaabuu, Guudkiisa mariyaa
Gaarriyow ma naagtii, Loo maydhay gacantiyo
Gambadii la sheegiyo, Gabaygii la tiriyaa!!!
Gol jannaan ka shaxayee, Goormaan dawaafkii
Tegey webi Gannaaniyo, Gabbala dusheenna ah?
Waxba yaan ku raad gadan, Nabarrada I gubayee
Gorof legedka hoosiyo, Gunta aan u soo dego
Xaajadu galoof iyo, Nin gawaan ordaayoo
Cidla' gelelefaayoo, Gariyaad jafaayoo
Garab maray abbaartoo, Iska gola ka fuuliyo
Garo iyo jacayl iyo, Gorgor iy ri maahee
Murti gooli baadhiyo, Gibil saran weeyaan
Gudban iyo shax weeyaan, Gunaad biiray weeyoo
Gumac lala dhacaayoo, Umal gaaxdey weeyaan
Gubashiyo ladh weeyaan, Gocashiyo dan weeyaan
Gabay iy xil weeyaan, Bahal loo gabbanayoo
Nin geddiis yaqaannaa, U gurguuraanaayoo
Gaadaayo weeyaan
Xasan Ganey tummaatida, Ummaddana gudddonsii
Gocorkana ku naafee, Gunta taabey eelkii
Maansada gef kuma jiro, Hasha Gorey siddeedaba
Waxa loo gayaxa maray, Inay Geeska deeqdoo
Saameesho gaawaha, Ama garo ama ha garan
Rag gudboon sal iyo baar, Haddii geel isugu jiro
Gar maqaate dhega li'I, Go'aan wadari leedahay
Hadduu goonidiisiyo, Gaarkiis u maamulo
Keligii nin gob yahay, Inta badan gun hoosiyo
Garax iyo qadhoon iyo, Gaagaab ka wada dhigo
Marka loo ged sheegtana, Galka seefta kala baxo
Wuxuu goosto keligii, Ama geysto dabadeed
Garashaa ku tidhi yeel.
Ninka kale gilgilashada, Hadduu giirto hibashada
Ama goosto dabadeed, Gacan inuu ku ciil baxo
Dala'siga la gaasiray, Garashaa ku tidhi diid.
Dabadeeto goobtaas, Dibno foolku goostiyo
Gogoshoo la laaliyo, Gama' oo la dayrshiyo
Dhulka oo guhaad iyo, Gubashiyo xanuun iyo
Gulcub lala xarriiqiyo, Godob baa ka dhalatoo
Iyadana go'aan iyo, Guubaabo tarantiyo
Gurmashaa ka dhalatoo, Iyadana gantaal iyo
Gaashaan is jiiriyo, Baadidoo is guratiyo
Gocondhaa ka dhalatoo
Iyadana col gulufiyo, Galow fooridiisiyo
Geesi haadku loogtiyo, Gaaridoo hengelatiyo
Guryo laga baroortiyo, Goblan iyo xabaal iyo
Geeri baa ka dhalatoo
Iyadana go'doon iyo, Gacashiyo hagoog iyo
Gacal kala fogaadoo, Weji gabax is dhaafiyo
Nabaddoo gurracantiyo, Gob jabtaa ka dhalatee
Iga gunud Rashiidow
Geba gebada heestiyo, Gabaygaygan kama wado
Gaax-nuux la talintii, Gabbal dhacay ka hadalkii
Hadda galabta sheekada, Waxaan uga gol-leeyahay
Samihiyo is garabsiga, Berri yaan la gees marin.
|