God madow

Dumar geesi dhaaxay,   Gooyeen heddiisoo
Ragna garabsi moodkood,   Ka gaboobi maayee
Gunburreyda hoosaan,   Gurrac uga jarmaadoo
Darantiyo gulaankaan,   Gebagebo ku dhaafoo
Guban xeebaheedaan,   Sii maalin gaaloo

Qorraxdoo godkeedii,   La gelaysa fooddaa
Luguhu I gabeenoon,   Socodkii gadaashoo
Gerriyaad dhexdiisaa,   Gudcur igu ballaadhoo
Garan waa kaskaygii,   Geesaan u jeedoo
Gabaddano naf joogtaa,   Gogol doonimaysee
Dhaxantaan go'aygii,   Garbaha iska saaroo
Good iyo abeesaa,   Igu soo gurguurtoo

Gool qawdhamaysaan,   gondaheeda seexdoo
naftu guure mooyee,   gama yeeliweydoo
guntigaan adkayston,   marada isku giijoo
waaygoo duduutaan,   goodiga abbaaroon
eeyi laga hayaamiyo,   guri madhan is taagoo
sida goraya cawshoo,   galab hoos u jeeddoo
gu'barwaaqadiisio

gaaroodi joogtoo,   baydiri gantaaliii
geed ugula dhuuntoo,   ku gilgiley falladhoo
meel halis ah gooyaa,   gucle iga dhammaadoo
godollaan ordaayon,   sida awr gabrareed
geeddiga higsanayo

gobolkaan u jeedaa,   guulluhu I keenoo
gabayoox duleedkaan,   weheshadey go'aygoo
anigoo gandoodoo,   is-guhaadinaayaa
waxaan geystey mooyee,   birta layla gaadoo
inantaan gardaadsheen,   gaadiid sidiisii
ku xambaaray guudkaa,   wedka ii guddoontee.

Godob-reeb ha joogee,   Lay diid garawshoo
Giddi habar-dugaag baa,   Waydaydu gaadhoo
Gorgorka iyio haadaa,   Ilmo gabax ka siiyoo
Garanuugta aydaa,   Geedaha ka soontoo
Ma hallayn gartaydee,   Gacal baan u waayoo
Golahay lahayd iyo,   Geedkeeda keenee
Guddidaan u dhiibee

Guudkeed xil-saaraa,   i gargaari weydoo
Gaaliyo Islaamkaan,   Gacan-siin ka waayoo
God madow dhexdiisaan,   Ku gunaanad seegaa
Geeraarku joogaa.