Gabar madow

Goonyahaygu waa dhagar,   guudkaygu waa xeel
garayskaygu waa seef,   guntigaygu waa ciil
gudahaygu waa yool

Weligay gu' iyo dayr,   guul oomman baan ahay
hantidayda gawriyo,   gabayooxna lgu beer
dayaxay u gudubtaa,   anigana gelgelintiyo
garab rarato kama baxo,   gadh wadeennadayduna
giddi inan-la-yaal iyo,   guur-doonno weeyaan
geyaankoodu waa damac,   utintayda lama gudo
gashigayga lama bedo,   galladayda lama karo
dibnahaa ka gaabsada,   guubaabadayduna
kama foga guraa-baas,   Guuguule yeedhii.

Badi waan gadoodaa,   Cidda aan galaaftaa
guurtidayda weeyaan,   anigays gunaanada
hadba waxan ku giirtaa,   guuleedka ii kaca
geeddigaygu sahan ma leh,   geenyo hadaftey weeyaan
goob-yaalka milicsiga,   gabar-gaalka lahashada
gacan haadis bay dilay,   iyo laba gar-daymood
gurrantayda bidixdiyo,   garabkayga midig baan
midba gelin u jeestaa,   ka cabsaday god naareed
jannadana ma geli karo,   gooddigooda ku anbaday
duniduna gabaabsiday.

Tiradaa gedmaysoo,   i galaa baxaysee
maxaa goolal igu maqan?,

dheeshan laygu goobtee,   gefka lagu heshiis yahay
mee gar-sooreheedii?
Geeddu xeer ma leedahay?,   Mise waa lug iyo gacan
labadaba ku garangari.

Goohu yuu kasoo baxay,   guurowga yaa wadey,
maxaa keenay gabayada?,   Inaan gabadh madow ahay
cadrad lagu gabbood yahay,   malaha waad i garateen? 

Sheeko gaaban baa tidhi;-,   "Nin ay gaajo haysaa
guri yimi duleedkii,   soddoh garasho dheer uu
gabadheeda qabay baa,   dhito godollo sheellayd
ugu geysey meeshii,   Isaguna guddoon yiri,
laysu guud mar toyashada,   caanaha garooraa
inay guura-guuraha,   weelka gaararkiisiyo
gunta badi ku ururaan,   waa ged lagu yaqaannee
godankii isugu tage,   Isaguna ka geyn waa
inuu dhiilka gororsado,   gacantana ma dari karo.

Isagoo xil-gubashada,   u daruuray gaashaan
isma gabe wuxu yiri,   "Markii ay na gelayeen
waa nala gilgilayoo,   inta nala gun-dhebey baa
afka nalaku gaacsaday",   wadnihiisu galow ma leh
ku gadaangad ceebtii,   libintana ku geeraar
xeeshiise lagu garay,   murti guun ah laga reeb. 

Jiiftada gar-dhaladka ah,   waxan uga gol leeyahay
Allahayow gurracanaa,   marti goor xun socotood
gobannimo ku soortood,   kugu tidhi gun baad tahay!

Markii aan garaaddaha,   taariikhda kala guray
illaa gogol-dhiggiinnii,   galabtaad is-wacateen
taladana in lay galo,   Baarliin ku goyseen
Ilaa gooshkan maanta ah,   hadimada i gaadhiyo
waxaad geysateen baan,   gocahsda xasuustee
maxaan reer Galbeedow,   godob kaa tirsanayaa?
mise gabawar mooyee,   tolow maba garowdaan!

Mxaas gaasas duuliyo,   guutooyin xoogliyo
gurmad leedda-fuuliyo,   guluf weerar tooxdiyo
dabley gaatan socotiyo,   geba-geba i saarteen?

Maxaan goor la ssahdiyo,   habeenkoo gabbala-ridey
laba gelin is-raaceen,   gaaf-meerka socotada
iyo guura-bahallaha,   geesaaska fiintiyo
galow fooridiisiyo,   galayaxa rasaastiyo
col gurguuranaayiyo,   gellimaad ku sara kacay.

Maxaad gaadde hoosiyo,   gurrac iyo shirqool iyo
tabo igu gantoobteen?

Maxaad garan-gartaydiyo,   guryahayga bi'iseen
Gacal iyo tol wada yaal,   gobol gobol u u ooddeen
laba aan is-gooyeen,   kala goonni yeesheen

Maxaa laba gudboonayd,   midna garabka siiseen
ka labaad u guusheen,   isku go'a tiraahdeen

Maxaa wiilal gaammurey,   intaad ugu guduuddeen
ha galgalan tiraahdeen

Maxaa Gaanni ciidmiyo,   hanad aan gardaadshoo
ku goblamay birayseen,   golxobkiinnu ku afuray
maxaa geesi aan dhalay,   inta gowrac mariseen
gorgor baahan siiseen,   Maxaa inan gashaantiya
gayaxaha ka siibteen,   milgadeeda gawsheen
ka xil baxay gayaankeed,   maxaad gaari weer xidhan
godol-qaad ku daydeen

Maxaa guul darraystiyo,   godadliyo hinaasiyo
Gocor igu habayseen

Giiba sow nin ma ahayn?,   Geeskayga bari yimi

Maxaad gacan ku dhiigliyo,   gibil kala tabooriyo
garma-qaate dhegaliyo,   garac igu abuurteen?

Maxaad good mariidliyo,   gungumiyo abeesiyo
goodaaddo jilifliyo,   garangoorri socotiyo
inta bahal gurguurtiyo,   belo igaga guurteen.

Maxaa gegi dabayliyo,   gocodhaley cagaagliyo
galoof iyo candhooliyo,   geyi lama degaaniyo
goonbaar habaasliyo,   guban lagu asqoobiyo
gaajada rugteediyo,   gabno igu tilmaanteen?

Goobtii harraadkiyo,   gurigii cadceeddiyo
geedkii saboolkiyo,   gudcur maararrowliyo
yaa go'doonka iga dhigay?,   adduunyada geddaas faray?
gaasiray maxaan ahay?

Maxaa gocayadiinniyo,   inta gaawihiinniyo
gorof iga milaasheen,   gudhan iigu yeedheen

Aaway guuyadaydii,   geeliyo lo'daydii
faraskiyo gammaankii,   goolashaydi soocnaa?

Aaway gaaxsantaydii,   dahabkii guduudnaa
macdantii goshaydiyo,   gebiyada ku duugnayd?

Warshaddiinna guuxdaa,   midhahay gadaysiyo
miidday guntaysiyo,   ganacsiga abeerka ah
xaggee looga soo guray?

Guushkay tufaysiyo,   dheecaanka gabaxliyo
xinxiraha galshaystiyo,   dhiigga gobo'leh yayska leh?

Immisaa gabaarrey iyo,   garab-casigu koray?

Maxaa gaatirtaydiyo,   galdaloolladaydiyo
sida lay gabraartiyo,   garka laygu laylyiyo
gedda lay salaaxiyo,   googgaa ku sabiddiyo
gobortayda barateen?

Dadku geed adaygiyo,   gudintay kol iyo laba
lafa-geri ku dhuuxaan,   waxba kuma garaacdee
miyaan tiinnu gaagixin?

Maxaan geystay oo dhimay?,   maxaan galabsadee falay?
anigoo la gamashiyey,   gondahayga seetadu
waxay haar ku gedeftiyo,   Gurgurkii i saarraa
boqol Gu' iyo taartaar,   anigoo gun iyo baar
korku wada gunaad yahay,   anigoo la golongolay
sida caynku ii gubay,   gubuxsiga tallaabada
graba-beekay dhowr jeer,   goob-joogna ka ahaa
galab noolba waxa dhacay,   anoo uur-gululuca
la gommoday dhibtaadii,   adoo gacan togaalaha
gardarriyo is-yeel-yeel,   intaasoo gef muuqdiyo
guul darrooyin igu falay,   maxaad weli guhaaddiyo
gaadhka iiga haysaan?,   maxaa gumuca boodiyo
gaara-bidhaantiyo,   hubka iigu gibisheen?    

Maxaad saymo gadataa,   dab gamaaray hurisaa
Maxaad gawsahaagiyo,   miciyada golxaystiyo
ciddi wada garaara ah,   shaar u gelisaa   ------------------ ???
maxaad geda-gedaysaa,   hadba geed is-marisaa

Ummad geylameysoo,   gaarkooda taladii
inta ay gorfeeyeen,   raba inay geyoodaan
kuwa jira gadaashana,   gaadiid u celiyaan
intaan gaasha-weyntiyo,   cawa-darantu soo gelin
maxaad geeddigoodii,   gujis lama filaan iyo
gal dad-liqa ku noqoteen?

Hadba ruuxa goolmoon,   raba inad gunnaysaan
ama guufaf Timir iyo,   galley loogu sama-falo
maxaad geeridiisiyo,   waran iyo gantaal iyo
gaalleef u siisaan?

U gurbaynta noloshiyo,   gacan-siinta nabaddiyo
gudashada sidii roon,   maxaa kaa gabaanadey?  

Afartaas god madaleed,   gola-joog ku naanays
Gaarriyow ka marag noqo,   ila gudubtay sheekadu
geba gebana doontee,   bal aan soo gunaanado

Ninka loo gol leeyahay,   issagaa is-garan kara
sida goosan weer helay,   igu gaabi tuurtuur
igu gado sir iyo caad,   halkaad gaadho taagtaa

Aniguna il-galaclaha,   is-gamaarintaydiyo
gadh-salaaxa maahdiyo,   gama'aan hurdo lahayn
goroddaan lalminayaa,   gabbashiyo ma aha quus
gar-naqsaan ku jeedaa,   talaan gawda ku hayaa

Inkastaad gamuurteen,   geedka aan ka beerrahay
ma qallalin guntaydii,   ganto xidid leh baan ahay
dab baan soo gadaal-celin

Gebi-dhaca i haystiyo,   gaalgaalka dheelliga
ku guddoonsan maayee,   waxaan goobayaa raad
jidkii guusha aadmiga,   gelbiskiyo mashxaradaha
gefi maayo hawlaan,   guryo-samo ku tegi karo
gaobannimo ku hanan karo.

Guntashada xasuusaha,   gudashada habboonkay
gabay gabaygan ciil-tira,   u ged-baxa falaadkay
waxaan geysto magac-dheba,   Aan lahaanno goorteed.