Ergadii Furqaan
Nabigii Ilaahow, Ergadii Furqaanow
Nuurkii islaamkow, Adigoo adduunkiyo
Ifka weli ka maqan baa, lagu sii oddorosoo
Ishaarooyin badan baa, Dadku kaa arkeenoo
Maalmaha illaahay, Qaar baa astaanlehe
Toddobada Ayaamood, Isniin baad ka dhalatoo
Adduunyada xuskaagii, Ololaa ka dhacayoo
Urur-weyne goortii, Ugxantaadu bururtaa
Xiddiguhu ifeenoo, Dayaxaa ilayskii
Arladoo dhan gaaroo, Onkodkiyo hillaacaa
Araggiyo wax maqalkii, Ashqaraar ku ridayoo
Addoomaha dhammaan baa, Insigiyo jinkaa farax
Abshir dhaha la yiriyoo, inta Haadda duushiyo
idil Habar dugaag baa, abaabuley cayaaroo
Dhirtu oogadaadiyo, Afartaada geesood
Ubax iyo caleen bay, Ku ila-xireenoo.
Ab tirsiimadaadiyo, Meeshaad ku ababtaa
Dadku wada ogaayoo, Aaminatu* Wahab baa
kugu qaaday uurkoo, Adigoo unkamayoo
weli soo If bixin baa, Adoogaa xijaabtoo
Nafta laga aroorshoo, Amran hooyadaa baa
ummushii ku dhimatoo, Allahay xaliimuu*
Igar kaaga dhigayoo, iyaduu xilkaagii
Araxdeeda saaroo, iyadaa laf-dhabartiyo
kugu qaaday Araxdoo, Abuurtaada Nabiyoow
ulajeeddo weyn buu, ka lahaa Ilaahoo
hadba Guri Ammaanuu, Rabbi kugu ogaayoo
arrintaada meel buu, ku ilaalinaayoo
adigoo Agoonaad, Maka ari ku raacdoo
oon iyo harraad iyo, Arrad iyo cagaag baad
u adkaysanaysee,
Nebigii adeerkii, Abuu daalib koriyow,
Sow Nabi Ilaahow, Adoo jooga kaligaa
Buur oogadeed oo, Adduunyada Dhiskeediyo
ifa-faalaheediyo, ku dhex jira ammuuraha
ka qarsoon Addoomaha, sow Uur-ku-baaliyo
Malak kuuma imanoo, Iqra kuuma dhiginoo
Aayadaha Qur'aankiyo, Magacyada Ilaahay
kuma oran guddoomoo, Runta kuma ogeysiin.
Dabadeed ayaantaas, Xaruntii ilhaamkaa
Idan kaaga yimoo, waxa Eebbe kaa wacay
Cirka oogadiisoo, Nabow Geenyo uguboo
amran oo la yaabloo, Ashkiraa ku qaadoo
Carshigaa il-biriqdeed, Irriduhu furmeenoo
Ilaaheenna weyn baad, Afti kala hesheenoo
Noloshiyo iftiinkuu, kuu soo igmadayoo
Gaal iyo Islaamkuu, u arrimi ku yiriyoo
Urur-weyne waa taad, ka akhriday Dhambaalkoo
Ummadoo dhan shirisoo, Arrintii dhacsiisee
Ulajeeddo hadashee, Oosha tidhi hoggaansama.
Inkastood wax yaabliyo, tustay dhawr Astaamood
waa tay Addoomuhu, Afar iyo Shan mooyee
kaa aamuseenoo, iimaansan waayeen
Aayadaha Qur'aankee, Dhegahaa ka awteen
ulajeeddadaadii, Adyaddaa carruurtiyo
Gardarada Abwaanada, Ushu kuma damqaynoo
Samirkii Ayuub baad, kaga uur samaydoo
Eeddooda waa taad, u adkaysanaysee.
Waan-waanta eebbiyo, Amar baad sugaysee
Goortii Af daalee, Odayadi Quraysheed
Ergo lagala quustaa, Abbaanduulayaashii
ka irdhoobey Diintoo, Ashahaada diiddiyo
Arbayaashi qooqaa, Bedar lagu umaadoo
lagu Arax wareemoo, Ajar iyo Jihaad baa
Birta loo afaystoo, Waaberi Arooryaa
Uxud layska helayoo, Eebiyo Gantaal baa
lagu wada idlaadoo, Dhiiggii ordaayaa
oodaha la tegayoo, Ololkii Xunayn baa
Boqorkiyo ugaaskii, Indhashoodi duushoo
Goobtii Axsaab baa, Axan loogu kariyoo
Utin kaa maqnayd baad, Aarkeeda gudatoo
Kacbadaa ajarankii, Nafta lagula eertoo
Libta lagu aroostaa, Xarameyn ku iidoo
Uskaggii ka maydhoo, Waxa laysku aaminay
'aaway ku aaway, Ambaqaad higgaadoo
Addin yaa bilaal'.
'dhammideed Adduunyada, Afarteeda waaxyood
Aadaanka gaarsii, Addin yaa bilaal'.
'Awliyada qarsoon iyo, Iilkiyo xabaalaha
Aammiinta maqashii, Addin yaa bilaal'.
Allaahu akbartii bay, daateen asnaamtii
Abu jahal rumeeyoo, 'ilaahyadi' la beeree
Ninba Toban abuurtaa. Eedaanku dumiyoo
Allahay sir iyo caad, inu yahay mid keliyaad
Asaraar ka saartoo, Udubbada furqaan baad
ku adkaysay ciiddoo, Xididada u aastoo
Ummad kala qab-weynoo, Ashahaada karinoo
ambatoo hallawdoo, Abtirsiimo lumisoo
is addoonsanaysoo, Utin kala dhex-taalliyo
Aar-doon ku maratoo, Usha laysku dhacayoo
Ooduhu dhex-yaalliin, soo ururshihiiyow.
Dunidoo la iibshoo, Dadku kala irdhooboo
Odayadu Dhashoodii, Nolol aasayaanoo
Qof kastaa Itaalkii, ku adeeganaayoo
Ruuxaan awood-layn, la addoonsanaayoo
Dadku ooyayaanoo, Ummal-taah ku seexdaan
Nebigii axsaabtiyo, Gallad iyo abaalkiyo
soo rogey Ammaankow.
Xaqa kama ajoodow, Runta kama adkaystow
Ammaanada ma lumiyow, Dadka uma abtiriyow
Ammaantaada Nabiyoow, Afku koobi maayoo
waxaad olol bakhtiisiyo, waxaad Eedo reebtiyo
waxaad iin daweysiyo, waxaad Eel bogsiisiyo
waxaad aafo damisiyo, Illinkaad bannaysiyo
Dhaqankiyo asluubtiyo, Garaadkiyo aqoontiyo
Iimaanka sugan baa, Dadku kaaga aayee
Axdigaagu waa tiir, Ummaddaadu mudantahay.
Rabbow adiga mooyee, Illaah kale ma jiro.
marka xiga aqoonsanin, Nabi muxamad Eebbow
Ergadii Furqaan iyo, inuu yahay ma dhaafaan
Ambiyada dhammaantood.
Allahayow ha nagu xilin, Noloshiyo adduunyada.
Eebbow sinnaantiyo, Islaamnimada xooggee.
Udgoonow rasuulkii, Ummaddiisa naga yeel
na illaali weligaa, Rabbow iilka nagu dhawr
Ifka nagu xannaanee, Eebbow hortaadiyo
Aakhiro Qiyaamaha, Rabbiyow il dabacdoo
Naxariis leh nagu eeg.
Source: www.weedhsan.com
|