D U R D U R

01. Maansaba dir bay leedihiyo,   daabac gooniyahe
02. ninba wuxu ka doontaa halkuu,   gaar u daaqsado e
03. dadka uma gudboonee ragbay,   duuunyadiis tahaye
04. deebaanka ruuxii hayaa,   lagaga daydaaye
05. kani waa dux iyo sooryo iyo,   malabka doocaane
06. waa dood macaanoo nin raga,   lagu daweeyaaye
07. waa gabay da'weynoo sannado,   dabaqu saarraaye
08. waa doog massaarriyo ku yaal,    doollo iyo hawde
09. waa damal hadh weynoo midhaha,    daafta soo dhigaye
10. waa ceel dad-liqa oon fudayd,    loogu daadegine
11. waa danan ganaanoo fatahay dirirta cawleede
12. waa dayr shabeelloo dhulkiyo doojey beeraha e
13. waa daad rogmadey oo hadhsaday dooxadii Herer e
14. waa duhur togdheeroo hugmoo kiciyey duufaane
15. waa doonbir lagu oon bixiyo daran nugaaleede
16. waa haro-digeed oo biyuhu dhinac ka daateene
17. waa geed dayiba oo ka baxay sabarka daaloode
18. waa doobi xoorliyo karuur lagu durduurtaaye
19. waa dayr-cad geel oo rintiyo dahabta qaalmoode
20. waa faras dakano raadiyoo duullimaad galaye
21. waa geesi ciil dirirayoo doog horuu qabaye
22. waa gabadh da'deed joogta oo guudka loo dabaye
23. waa daraya-muuskiyo dhaclaha daadi xidhataaye
24. durdur weeye laga dhaansadaa daayin abidkiiye
25. waa gabay dihnaa oo wax badan ibo daboollaaye
26. waa gabay duqii aabbihii dayro ka ahaaye
27. waa gabay dorraatiyo ogaa dakharradeediiye
28. waa gabay durbaankii la tumay diif la soo kacaye
29. waa gabay ku diirsaday markuu waagu daalacaye
30. waa gabay dagaar iyo ka yimi diillintii Guray e
31. waa gabay dushaa sare jiroo caawa soo degaye

32. Afartaa daleeyeye waxaan dib ugu soo laabtay
33. toban iga dardaarana hadduu hadal wax daaweeyo
34. ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuutayda
35. diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin

36. Beribaa dadkuba qaawanaa dibad ku noolaaye
37. oy daaqayeen cawska iyo darista geedaade
38. dareemada marbay ugu koreen duudka buuraha e
39. dalanbaabi iyo guuldarriyo doogga cuniddiisa
40. danbaa galisay inay raadiyaan nolol ka door roone
41. dugsi iyo markii ay heleen dab i iftiimaaya
42. duunyiyo markii ay dhaqdeen bahalladii duurka
43. ugaadh iyo markii ay dabteen deeradiyo cawsha
44. beeraha markii ay degeen orodki may dayne
45. damac baa hoggaanka u qabtoo door labaad raraye

46. daar iyo markii ay dhisteen aqallo daah wayn leh
47. markab aan degayn iyo markii doonyo lagu dhoofay
48. sabarayn dabaashiyo markii qalab la sii daayay
49. nin waliba markuu daadsadee kibir la daanshooday
50. yaa niman dalxiis ugu keceen meel dusheenna ahe
51. sawaariikh dilaantiyo rag baa guudka loo diraye
52. duhur kaliya bay sii socdeen daalna may arage
53. dayaxay habeenkoo badh tagay degel fadhiisteene
54. maantana dhul sii durugsan baa dirir ka muuqdaane
55. daba-gaabahaa lagu socdaa awrka doobta lehe
56. daalaa-dhac adigoo ahoo cudur ka soo doogey
57. nin tunkiisa daawaday hadduu kuu dardaar weriyo
58. libta looma daayee ushaa lagu dillaacshaaye
59. innagiyo nin dahab sheegtayoo qubaya doollaarka
60. in dagaalku labadeenna yahay dib u xusuusnaada.

61. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
62. toban iga digniinaan ninkii dagan ogeysiine
63. ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
64. diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin.

65. Dibnaheeda waxa dhaafayee gelaya daankeeda
66. yey doqoni eexaysataa dux u taqaannaaye
67. ma ogtahay ninkii doora baa hadalku deeqaaye
68. ma ogtahay sursuur daahan baa dabinku yaallaaye
69. ma ogtahay dalluun baa ka qodan doox hortaada ahe
70. ma ogtahay xadhkaa dadsan aan lana dareemayne
71. ma ogtahay inaad door heshaan lagu la doonayne
72. ma ogtahay rag kula doodayoo kuu dan laa jira e
73. ma ogtahay shisheeyuhu nin dagan waa kuwii dila e
74. ma ogtahay digtoonaan la'aan dacar inaad leeftay?

75. diga-rogadka maanta ah gacmuhu ways dugsanayaane
76. dawgaad bannaysaa kak kale deylo soo marine
77. degelkaad furtaa baa kan kale deyr u soo jariye
78. dabka aad shiddaa baa kan kale saari dogob weyne
79. wadaantaad dar keentaa kan kale laaska soo dariye
80. dagaalkaad gashaa baa kan kale duub u soo xidhane
81. derejada laguu dhiibey iyo guusha kugu deyran
82. ma ogtahay dallaallimada waan kugu deyeynaaye
83. caleemaha ninkii daadiyow dan iyo xeeshaada
84. ma ogtahay nin deystow inaad dib ugu aayeyso ?

85. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
86. toban uu dalkii sheegtay buu daw u leeyahaye
87. ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
88. diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin.

89. Wuxu yidhi badh baa dibad ku maqan degelladaydiiye
90. cadaawuhu haddaan dooh la odhan dib uma laab-maane
91. shisheeyuhu dux buu iga heloo laygu soo durugye
92. dahab iyo batrool aan dhalaa daaha loo furaye
93. derrimaha mareerka leh halkuu daaqi jirey geelu
94. dooggaygu meeshuu ku yiil waa la duudsiyaye
95. nacabkay wuxuu weli degaa doollo iyo hawde
96. N.F.D ninkii doonayow daabcad loo tumaye
97. obokh dawyadii laga xidhyoo deyrka lagu gooye
98. sidii geesigii looga diley waa dumaal weliye
99. hadal laguma daalee waxaan idin dareensiiyey
100. ban daleela, degel qaawan iyo oodo kala daadsan
101. guri aan duggaal iyo gabbaad daahna lagu reebin
102. guri aan dulsaar iyo lahayn dadabta loo xeero
103. oo aan darooraha cirkiyo daadka celinaynin
104. guri uu shisheeyuhu degoo daaqi ka idlaystay
105. guri looga sii daray markuu dawladnimo qaatay
106. guri daallin iyo weerar iyo dulin abaareeyey
107. guri ay dabayluhu galaan amase duufaanku
108. maska duula haawaay derderan dagan ma dhaafaanka
109. dawac iyo dhurwaa iyo shabeel daacuflaha aarka
110. guri aan dad-qaad iyo orgobe bahalku deynaynin
111. guri duugmay oo aasmayuu daacay udubkiisu
112. guri debed iyo bannaan dhul dheer lagaga soo duuley
113. guri hoosta doofaar qotoo diinku ku caweeyey
114. guri Eebbahay daba qabtiyo doorka iyo xooggu
115. adna aad diktoorkiisa tahay waxa daweynaaya
116. idinkaa diblooma u sitee dib uga faallooda.
117. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
118. toban uu dadweynuhu i yidhi duqayda gaadhsiiya
119. ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
120. diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin.

121. Rag baa weli dushaa laga rartaa sida dameeraade
122. daandaansi joogta ah rag baa loogu daw galaye
123. dibindaabyo niman baa ku lumay debec la'aaneede
124. dacwaddooda niman baa dhegaha laga dabooshaaye
125. dayaxaba rag baan arag siday dab uga baydheene
126. degelkooda niman baanu helin dirirka hooraaye
127. duunyaba rag baan lagu ogeyn xoolo daaq taga e
128. dambarkeeda niman baa ka qaday dihinna maandeeqe
129. niman baa dalluun lagu ridoo daaha loo rogaye
130. niman baa sidii awr dib jirey bahallo dooxeene
131. niman baa halkii lagu deldeley daawasho u yaale
132. gumaystuhu dirkaa kula dhashay laba-dibleeyeene
133. labadaadi daan iyo afkii daadku kala qaadye
134. toban doora, toban daacadoo wada dadaaleysa
135. iyo toban dannaa-guud jiroo dayrshey noloshooda
136. iyo toban dadweynaha ka jira dacawga soo duula
137. iyo toban billaawaha wax dila daabka wada haysta
138. iyo toban diyaarado watoo ina dul-meeraaya
139. iyo toban sinnaan doonayoo xeerka daba jooga
140. iyo toban sabool daadahshoo midigta deeqsiiya
141. toban dudaya, toban uurka daba, toban kaloo doorsan
142. toban didaya, toban diif-cunoo nacab la daaweysta
143. toban dabata, toban duur-xuloo garab ku daaqaaya
144. dusha toban ka wada fiicannoo duunka milil jiifo
145. iyo toban da'dii soo kacdaba dubata beerkooda
146. dadqal iyo abees iyo orgobe diir wax xaganaysa
147. iyo toban dibnaha leefayoo damacu heeryeystey
148. dib u socod dillaal tuuga iyo daallin iyo gaade
149. toban daallan, toban daahan iyo toban kaloo duuban
150. diif iyo xanuun toban qaboo duumo wada hayso
151. mid dakaansan, mid dayeysan iyo toban deddoonaaya
152. toban dalab leh, toban loo dawero, toban daleel jooga
153. toban daasadaha wada sitoo xagal ka daacaysa
154. toban daadsan, dibaddaa mid jira toban dabayl raacay
155. toban xoolo daba joogta oo doogsin cararaysa
156. intaasoo is wada doonatoo ul iyo diirkeeda
157. intaasoo gudmaha daabatoo degelka soo oodda
158. intaasoo danaha guud jirtoo daawo wada qaata
159. intaasoo fadhiga deysa oo wada dedaaleysa
160. intaasoo ladnaan wada degtoo daacadda ogaata
161. intaasoo daryeel wada heshoo gaajo dabar goysa
162. intaasoon dagnaan loogu iman ama digtoonaata
163. intaasoo is daba taaganoo cadow la doodaysa
164. intaasoo dagaal wada gashoo dab iyo baaruud leh
165. taasaa la wada doonayaa dan uga faallooda!

166. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
167. toban uu darwiishkii i yidhi duqayda gaadhsiiya
168. ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
169. diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duullin.

170. Wuxuu yidhi darwiishkii taleex barasho waa doore
171. dagaalkaan abaabuley raggii duubka wada qaaday
172. daaraawiishta nimankii la baxay waxan u sii daayey
173. daliilkii ilaah iyo waxaan diinta ugu dhaarshey
174. xeer laba dibleeyiyo waxaan daawo ugu yeelay
175. waxaan daabcad iyo soor af badan ugu durduuraayey
176. haddii duullan loo baxo waxaan ula dardaarmaayey
177. kolka ay dareeraan waxaan duco u taaraayey
178. waxan duhur ilaahay baryee tiriyey deeqdiisa
179. waxaan Daayimow idhi habeen doqonta oo jiifta
180. darfooley la ii dhigay waxaan gees isaga duubay
181. dug madow waxaan keli ahaan umal la dooyaystay
182. dibnahayga waxaan ciil saq-dhexe foolasha u daayey
183. dawankaygu qaylada wuxuu gelinna deyn waayey
184. dood iyo heshiis iyo waxaan nabad u diidaayey
185. waxaan duubi weynow sengaha ugugu duulaalayey
186. dirkii Xiin-Finiin iyo waxaan seef isula doontay
187. dabkaan shiday, waxaan gaal cad diley dabatadaan laayey
188. dabayl ii cad goysiyo waxaan kiciyey duufaanno
189. danab iyo hillaac iyo waxaan weedh is daba joojey
190. dillaalkiyo gumaystaha waxaan gooyey dabarkooda
191. dulmadoobiyo Cayn waxaan dhiigga ugu daadshey
192. nolol dalab leh oo jaban waxaan geeri uga doortay

193. gobannimo daryeel baan lahaa dawladnimo taage
194. doorkiyo barbaartaan lahaa dawliska u dhiibe
195. deegaanta Hawd baan lahaa goray ha daajeene
196. maatada ha deeqdaan lahaa sidigta Doolaabe
197. dadkii dhaxal la'aa baan lahaa dooggu haw hadho'e
198. shanta kala dab raacdaan lahaa degel ha ooteene
199. dakharrada bogsii baan lahaa doogta kugu taalle

200. ha yeeshee sidaan damacsanaa Daayin odhan waaye
201. dagaallamaye daad xoog leh iyo daafi bay ridaye
202. halkii laygu duugiyo anoo jiifa duni hoose
203. ayuun baa daboolkii sanqadho iga dul qaadeene
204. calankoo deldelan baa habeen daaha lay furaye
205. danwadaag heshiis iyo israac darammal yeedhaaya
206. laba deristayoo guul heshoo dawladnimo qaatay
207. dadkiiyoo xornimo iidayaa daawo lay yidhiye
208. dawaad iyo waraaq baan ka helay meel docdayda ahe
209. hambalyada intaan deexday baan taarar soo diraye
210. dibnahoo qoslaayaan gam'oon seexday dabadeede
211. gabbal dumey habeenkoo dam yidhi aan dayaxu joogin
212. dad bakhtiyey kul iyo dayro-dhaaf diqim wax laynaysa
213. dibindaabyo xeer dabar go'oo doorashiyo beena
214. dumar iyo caruur ooyayoo dugeydu yeedheyso 
215. xaq daguugmey daa'imo la dhacay dunida oo qiiqday
216. gobannimo daryeel iyo xil iyo daacadnimo weydey
217. dan hallawday guri daad watiyo dawladnimo qaawan
218. calankoo ushii diidayoo daabku celin waayey
219. fin dillaacay doog soo kacdoo arammi soo daacdey

220. ayuun baa dareenkii labaad daaha lay furaye
221. intaasoo darxumo oo dhacdaa daawo lay yidhiye
222. dibin daabyo uur xumo waxaan dugul madoobaado
223. ilmadaydu waxay yaab da'doon ciil isaga duugo
224. garab daar maruun baa carshiga layga soo degaye
225. maruun baa xabaalihi dednaa wada dayaameene
226. dhaaxaan deddiyo taah kacoon soo dingiigsadaye
227. dorraad tawraddii dhalatay baa daaha lay furaye
228. allaylehe durbaanki la tumay waan ku diirsadaye
229. godkaygaa digniin iyo farriin laygu soo diraye
230. anigoo darmaan fuushan baan soo dabbaal degaye
231. waagoo dillaacaan arkoo duushay dhaxantiiye
232. dayax soo iftiimaan arkoo nuuray dunidiiye
233. dantii oo la helay baan arkoo loo dab shidayaaye
234. deegaan is gaadhaan arkiyo xoolahoo dihine
235. dadkiiyoo badhaadhaan arkoo reebay dacaskiiye
236. dulmigoo carraabaan arkoy daacaddii timide
237. dikri iyo Quraan baan maqliyo diin cibaada ahe
238. dacar iyo rag dhuxul daacay baa daawo lay yidhiye
239. door-roonayaashiyo raggaan anigu doonaayey
240. duqa Janan Siyaad baan arkiyo dawladdii sare e
241. dihin curatay oo igadh ah bay ii danbariyeene
242. kolkii aan dardugey een dhergaan dooxay hadalkiiye
243. dooddaan u jeel-qabey kolkaan madaxda deeqsiiyey
244. yaan idhi dan baan leeyahoon duubtay gogoshiiye
245. degdeg baan xabaashii ku tegey daal la'aan socode
246. dacallada intaan feytay baan hoos u daadegaye
247. in kastoon dalluun awdan iyo joogo duni hoose
248. albaab ii daloolaan carrada diirad ku hayaaye
249. degmadiinna waxa ii fadhiya duul an la aqoone
250. in dardaarankaygii fulaan helay daliilkiiye
251. caawana mid daw iyo jidoo doora iga hooya

252. inay dunidu hawl tahay sidii Daayinkuba sheegay
253. in dedaalku dhaxal waara yahay duugna laga dheefo
254. inu samuhu door dhalo hadday daacadnimo raacdo
255. oy dhaqasho ruux doona tahay dib u xasuusnaada

256. cirka oo daruuraha marshoo darara mooyaane
257. inaan roob da'aa laago rogin dib u xasuusnaada

258. haddaan meesha doog iyo tayale duunyo lagu raacin
259. inaan doobi loo culan hantida dib u xasuusnaada
260. ruuxaan dantiisiyo aqoon waxa daryeelaaya
261. inuu deeqda Eebbahay ka qadi dib u xasuusnaada
262. daanyeer jarmaadiyo qadhaab gelin hadduu daayo
263. inuu ruuxna soor uga durkayn dib u xasuusnaada

264. hadday dunidu beri dheef lahayd dux iyo haaneedsi
265. dufankii in laga laystay iyo dalaggi hoos yiilley
266. oy maanta dabagoosi tahay dib u xasuusnaada.

267. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
268. waa toban dastuur tawriyoo deel ku wada yaale
269. ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
270. diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin.

271. dardarta iyo geeddiga socdee meelna degi waayey
272. gaadiid dadabtii sidee rarada loo duubay
273. dabageliska baydiyo ratiga caynka lagu duugay
274. baallaha dareeriyo hantida deyrka laga leexshay
275. dibnaha sheekadii laga xidhee hadalka loo diidey
276. daabkiyo dumaha laysu tumay waranka loo deyley
277. daawada la wada qaatay iyo hawsha lagu daystey
278. danta loo dhaqaaqiyo fadhiga dabarka loo gooyey
279. doorkiyo abwaannada kulmee laysla wada doontay
280. ma daalaha hoggaanka u hayiyo cuurka daba taagan
281. dabka shidan dayaxa soo bixiyo dirirka loo guurey
282. deegaantu meeshay ku taal doqoni waa mooge
283. dhul dabayshu toban sii dhaxdoo durugsan weeyaane
284. daanshood waxa lagu tagaa boqol diraacoode
285. in la duulo mooyee si kale looma ood dego'e
286. digdigtiyo hayaankiyo guclaha deeddankiyo heesta
287. daruuraha in laga dhaansadaa laysku deyeyaaye
288. ma dekaame awr daabbadaa lagu dul joogaaye
289. doox baa la marayaa badweyn dulin ka buuxaaye
290. inkastaad dabbaashiyo taqaan duurka xuliddiisa
291. ood dabin ka bood tahay nimaan cidi dareemeynin
292. waxa daadka lagu dhaafayaa daacaddoo qudhahe
293. nin kastaa dawaar xiimayuu dacalka haystaaye
294. doonnidu ninkii ay riddow dan iyo xeeshaada.
295. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
296. toban Digriidiinnu tiri sii diktoorada e
297. ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
298. diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin.

299. Waxay tidhi dalkaan wada aqaan labada daamoode
300. deyn nimaan ku leeyahay hadduu daw i marin waayo
301. waxay tidhi xaqii iga durkaan doonan karayaaye
302. waxay tidhi gammaan doobir loon daalin baan ahaye
303. waxay tidhi halkii didib ah baan dibi ku jeexaaye
304. waxay tidhi dixdiyo buurahaan dalag ka beeraaye
305. waxay tidhi durduurtiyo khamriga waan ka daahnahaye
306. waxay tidhi darmaan curatay baa lay dambariyaaye
307. waxay tidhi surwaal duluc-lehoo daadsan ma aqaanne
308. waxay tidhi go' duugaan xidhaa dacal hagoogtaaye
309. madaxayga deeb uma oggoli waxaan daweyneyne
310. darro iyo malaas baan timaha ugu dedaalaaye
311. duunyadu hadii ay gudhoo doogga la idlaysto
312. waxay tidhi diraacaha dhacaa ima durreeyaane
313. waxay tidhi dibtaag naaxday baan daban aqaannaaye
314. waxay tidhi galleydaan dubtaa duraha jiilaale
315. digir iyo hadhuudh lay karshaa wayga degayaane
316. dantu waxay i siisaan gutaa Daayin mahadshaaye
317. waxay tidhi digaaggiyo ma cuno hilibka doofaare
318. darib iyo mud baan kaga baxaa diifta gaajada e
319. waxay tidhi haddaan guur damcoo dumarka xiiseeyo
320. dabagaab shisheeyaa ma geyo imana deeqaane
321. waxay tidhi hablaha diibka laa aniga ii doonnan

322. intaas hal oo dood ah iyo faallo daba joogta
323. oon deel ka wada sheegay baan daacad kuu idhiye
324. waanada ha diidina rag waa lala dardaarmaaye.