Dibad yaal

Deelley karaankeed, Inkastoonay duuduub
demmanaha wax ugu oran, Hadalkana u duur xulin
ama daaqsin geel marin, Doc quray shifaysee
dhanka kale ma daaweyn, nin sharaystay kuma duxin
dhego debecsan kama helin

Ma hirgelin dabuubtii, dooddiina lama garan
ama waa la dala'sadey, lama baanan doogtii
dakharkiina lama dhayin, wuu sii darsanayaa
daldalooki sii korodh, daba-keenna faalkii
ku dayow xiddigiskii, dugtey xeegadiisii

Dildillaaca maradii, wax la sii daneeyoo
la dugsado ka weynaa, misna deylo bixisada
dhawdhawdu kama degin, gaarriyow dabuubtiyo
la dardaarankeenii, doolaallo dheeraan
diradire ka soo qaad.

Dabaqyada dhunkaasha ah, ninkii duubi kala baxay
durba soo rogaal celi, dooraalayaashii
weli ways dalbanayaan, Damac iyo hungurigii
sii durug hankoodii, Darka laysu mari waa
Xaajada dellegantaa, weli dawliskeedii
Dandan buu ku dhacayaa

Qalinkiyo dawaaddii, weli ways dul-yaalliin
Dul-fiqaarna lama dhigin, Qubanaha la duudsiyey
isagana dagaal faran

Daanyeerku laan buu, weli dacalka haystaa
Bahal Ceeriin deyn waa, anna waxa la ii diray
Daaraanta godobtoo, Nabarrada damqanayaan
hadba Dacar ku noolayn, ilaa Daayin abidkay
Dawankaan ruxruxayaa, Falna waan ku darayaa
marka doobi buuxsamo 

Intaan deebshey gaawaha, danbarsaday irmaantaas

Adigaa hal-doorkiyo, Suugaanta derida leh
Dir ku kala kexeeyoo, midba dara-dhigiisiyo
Dhirta looga diiriyo, Dillo ugu abtiriyoo
dantu waxay u magan tahay, Darka fayl is dhaafiyo
daran-doorri shubiddee, inta aynu dirirtiyo
Dood wadaagga leenahay, Dabra celinta xeeshiyo
Shax dalaynta togoshada, Hindisaha godkaan dego
ku danbee Rashiidow, Jire waa il duufaa
Jarta haygu sii deyn

Intaan deebshey gaawaha, danbarsaday irmaantaas 

Wax la yidhi nin dooloo, Beryo dibadda meeroo
Dani baajin weydaa, Caal waa dib ugu kacay
Degelkuu cid ku ogaa, Fadalkiyo durduradii
wuxuu dacal ka soo galay, Dooryaanle waagii
Didibkii la oollaa, Daaqsin buu ka halacsaday
Dayr-dhaaf nin jiilaal, shitay dogobbo waaweyn
waxa duunka hoosiyo, damaciisu kula faqay
ninkaas daartay xaabada, wax u dagamsan baa jira

Lugihii degdegayuu, u duwadey dhankiisii
isla doonasho Ilaah, Doobku waa walaakii
waa ninkuu dad iyo maal, Dummaddiisa kaga tegey

Durba laysku soo bood, degdeg laysu gacan qaad
wuxu yidhi "bal soo durug", hadalkana i deeqsii
marmar baan daraaddiin, Degdeggiyo kalgacalada
oran jirey ma duushaa, meel bay dalooshoo
Dal tabyaa i haysee, Duni waa ku dhaqannoo
Dareen lagama waayee, Degmadii ma nabad baa?

"wuxuu yidhi Dareen ma leh", degmadana shil kama dhicin
dadna waa fayow yahay

kuye "dooddigaygii, dardartaan u yeellaa
imminkaan debcinayaa"

ninba dabada meel saar, warku sii dabayl raac
laysu daaddeg toyashada

Wuxu yidhi "hal ii daran, Goreygii dufka lahaa
ma rakaatay doobtii, shinbiraha ma didiyaa?

Wuxuu yiri "ku daayaa"

Maxaa daaray buu yiri?

Wuxu yiri "Dabbaalkii,    Lafihi Daabbad qaarkood
sow duleedka kama helin, Duf ku bexe wedkiisii
Doqonniimo gurayaa, nacasnimo daldalayaa
dabadeeto eedyaa".

Wuxuu yiri dul-badanihi, "doonnidii la raran jirey
ma nafbaa ka daydeen, mise wuu dibboodoo
dugaag cayra baa helay?

Kuye "daayinkiisii, Dembi dhaaf ha siiyee
sawti duugti loo qalay, Ducadii adoogeen"


Wuxuu yidhi "duqeennii, Degta inagu sidi jirey
isaguna ma dubuq yidhi?"

Kuye "seben ummulo doox, dabayaaqadiisii
intii aan duqduba hoyan, Dabra weerar nagu dhacay
Duullaan ku dhimayaa."

Wuxuu yidhi "ma Daaddana? (HOOYO)

Kuye "daad la orodyaa, Daaddeys ka xooryaa
intaan danabbadaaddii, Ubadkiyo durriyaddii
Dahrigaaga laga jaray, Subax keliya duudduub
lagu darin xabaalaha"

Wuxu yidhi "dabayshaday, Dayaxay madoobaa
Gabbalkay dam weeyaan, Da'yartii cuddoonayd
iyagana docdoodii, ma daleel bannaan baa?

Kuye "duumo xaaqdaa, intaan Dahabadaadii
Duulal raacay loo tirin, iyagana ka daba gee
wixii aakhiraw degey"

Kuye "Dahabadaydii, iyaduna ma duug baa
maxaa loogu daw-galay?"

Ma dumaashiday baa?
Kuye "waaban daalee, sawtii Duleedow
Daandaansi keentee, Jin dagaagay maagtee
Aqalkii ka dumisee, lagu helay danbiga culus
sawtii la doorshee, Dalandoolyo laga dhigay
intaan xoolo dabar go'in

Duugowyey xiisihi, dirga waayey hadalkii
indhuhuna is daydaye

Wuxuu yiri "dad yaa hadhay?, maxaa duunyo weli nool?

Kuye "duunyadeennii, Daratiyo kud weydii
Dadna waa anoo qura".

Duleedoo aqoonsaday, inaan Guul danbaysoo
lagu diirsadaa harin, ayaa daymo Murugo ah
Dibno jiitamaayiyo, Deelqaaf ku yiri Ciil
Danab iyo Warjaaf iyo, Daacuun ku kala goo!!!

Reerkan Daaha loo rogey, Dubbihii Illaahay
Darandoorri ugu dhacay, Dam-daguugan laga dhigay
miyaad Guul-darraystow, Nabad iyo dardaan iyo
igu tiri Dareen ma leh, waxa Duur-xulkaagani
kaa daarran yahay sheeg! 

Dibadyaal kal adakaa, Naxariisi kuma duxin
Jir dareen umaba dhalan, Danqashada Walaalkii
Weji duban ku baabi'i, Af daboolan kula hadal
ma degdegin Jawaabtii, Docdan iyo docdaas dhawr
dib xasuusta ugu noqoy, mirashada ku sii daah
Dabkii Xaabo saarsaar, Madax-diiran baaqbaaq
taataabey Dakharrada, Qosol buu ku yara daray
wayska dagagar jiifee, Deexashuu la soo kacay.

Wuxu yiri "Degmadayada, Dugsi keliya baa jira
Diric keliya baa dhiga, Dersi baanu baranaa
Dulliga iyo Beentiyo, Doqonniimo faankiyo
Qoqobkiyo Dirsoociyo, Ducadiyo yaboohdiyo
inta laga diqoodiyo, Dawarsigu ka kow yahay
Digashadu u mudan tahay, marka Qalin daraalaha
Dilla sheegga la cuskado, Imtixaanka loo dego
ka dul dhiga jawaabtiyo, Doorkiyo wax-garadkaa
inta daadata u badan"

Wuxu yidhi "Degmadayada, Dibnahaa la cunayaa
Qosolkaa la deexdaa, adigoo il dabayaa
Dadku inaanay kaa garan, misna lagu dadaalaa
marka aad Duleedow, sidaad doonto weydaad
sidaad diidday yeeshaa" 

Wuxu yidhi "Degmadayada, si dareenka garashadu
aanu nooga noqon duug, Dawrigaan hayin ahayn
Ma-dagmaha indhaHA qaba, tiisa waw daboollaa
waanu daadahaynaa, wuxu daymo bogan laa
Dulmar bay ku gaaraan.

Ka Dheguhu daloolaan, daba gala wixii dhacay
Xanta durugsan heli kara, docda waw gufaynaa
Deeqsiinta hadalkana, farahaannu dirannaa
iyagaa ka door roon, Dibno sheega godobaha
hayska dagamsanaatee, Yeedhow dam weeyaan"

Wuxuu yidhi "degamadayada, Roobabkiii ka di'i jirey
Dirirradu ma baahaan, Dalka uma sinnaadaan
Annagaa daruuraha, Deebaanka haynnoo
meeshaanu doonnaa, lagu soo dabbaalaa

Dooxaannu seernaa, Deyr ooda marinnaa
Hogolaha darrooraa, marka ay ku daataan
Deegaan ka saaraan, waxa doog ka soo baxa
yaa daaqa ma og tahay?

Inta duunyo dhaqatadu, Docol ruug tiraahdee
markay xaabka daaftiyo, inta dacaydu gaadhiyo
Daab gaabta laystaan, Dhirta hoose diirtaan
Xoolaha dar-leefka ah, Jeenyaha dul-saaree
laamaha duxleydaa, Damac fuul ku goostee
Daamankaan wax sii marin, Dira waxay haleelaan
Gawsaha dalqada ku leh" 


Wuxuu yidhi "degmadayada, ninka raga daryeelkiis
ama duubka sharafkiyo, Derejada la siiyaa
Dabar iyo nac weeyaan, Darbo waw ma-dhaafaan
Deldelaaddu xeer ma leh, kol haddaan xaq lagu dilin
Dembi meesha kama dhicin, Deero deero ma hirdiyin
sama diidna loo qaad, meydka waw baroor diiq
Dumarkana hugoodiyo, Diibkoodu waa weer
Dacar bay ku dhaashtaan"

Wuxu yidhi " degmadaydu, Boobka way la dirirtaa
in la duro garsoorkiyo, in la dumiyo ma oggola
badi waxay danaysaa, Dadku inay sinnaadaan
Kefedaha dalooliyo, Miisaanka dalabta leh
WAXA laysu dacal sudhay, Dibindaabyo maahee
Waa daryeel sida u yaal,  Danyar loogu tala galay
si aan laysu daba gurin,  Dulmiguna xaqa u cunin
Dayaxaannu awdnaa,  Qorraxdaannu daahnaa
Nuurkaannu daminnaa,  Mugdigaannu daarnaa
Dabadeeto fulinnaa,  Sharcigii dalka u yiil
Cir Da' furay habeenkii,  Dallad baa la qaataa" 

Wuxuu yidhi " degmadayada,  Dahab baaanu shiillaa
Lafta dhagax dixeedkiyo,  Bir-lab aan dubnixinoo
Dabcin baannu shiidnaa,  Derbiyaannu fanannaa
Daaraannu taagnaa,  Digir iyo Galley iyo
Dalag baanu keennaa,  Daacaddaannu beerraa
in yar oo dalxiiskiyo,  weriyaha dan-fulintiyo
marti daansha socotiyo,  Rag aan loo darraan karin
lagu dararsho mooyee,  isku duubnideedaa
Dekedaha la geeyaa,  Duniday u dhooftaa
Dulmigaannu gadannaa,  Dibadaha ka keennaa
waa daba qabsiye garo.    

Qabqabtiyo durbaannada,  Daran doorri dhacayaa
Diihaal ma reebaan,  Dayacbeel ma haynee
Dundumaanu mayrnaa,  sida ugaxda diinkaa
Daymadu na korisaa"    

Wuxu yiri "degmadayada, Cudurrada dillaacee
Aayaadka diintiyo, Dadku uu Qur'aankiyo
Daa'inkay ka magan galay, waaba lagu ducaystaa

Haddaannaan dagaal ridin, ama ciidan soo dumin
Dawliil ku naalloon, ama duul xeryo u goyn
ama keenin daacuun, ama daadad soo rogin
Webiyada durdurayaa, Jiilaal wax naga dilin
Daba-dheer na salabayn, Diigaanyo nagu dhaban
miyaa daasaddaa maran, Dirham noogu dhacayaa? 

Wuxuu yidhi "degmadayada, Ruuxii la duugaa
marka laga dareeruu, Dardar soo ceshaayoo
dib u soo dhashaayoo, durba loo mashxaradaa"

Wuxu yidhi " degmadayada,  Dadku waxay la yaabaan
Dan quntaa u fara badan"   

Wuxu yidhi " degmadayada, Dibida iyo weylaha
waxa dhala dameeraha"  

Wuxu yidhi " degmadayada, Waxa jira Duleedow
Habar doobir kululoo,  Dhererkana Dijaal le'eg
Dadabkiyo ballaarkana,  Dhirta daray ka xoog weyn
Dhakadana il dooftoon,  Dawo Karin ku leedahay
Mar inay wax dihatoo,  Ubad daaddahaysay
Si kastaba u doontoo,  Markay ciil dellegantee
Toddobaatan dayrood,  Dedan iyo si daalacan
Nafta damac u gelisee,  Baryadii ka daashaa
Rabbi deeqsi weeyee,  Ducadeedi ka aqbalay"

Da'baa wiil gurracanoo,  Falanoo derderanoo
Dembi iyo xasarad badan,  Curad guri dambaysana
dirqi iyo si fool adag,  Hoosteeda laga deyey"
iyadoo ha dagantii,  Digta qalabka reenka leh
kaga dannaninaysoo,  Demman guulaheedii
u dabbaal degeysaa,  Suul-Cayn durduriyoo
Dubur buu ka xulay Hawd"

Damdamtiyo ciilkii,  Dib waxaan u dhici karin
Duqdu sow khalaawaha,  Wax kastaba iskuma deyin
Dulucana umay xiran

Kolba daw shixnadan bay,  Sanqaraha docdeedaa
hadba ruux la duushaa,  markay dayma bogashada
weji dadabka quusta,  isha daawisiisay
Qofkaan duud carrale noqon,  Daad xoor ku tuurtaa"

illaa maalintii dura,  sidii bay Duleedow
Xaajadu dudduuc iyo,  Deji iyo dul gee tahay"

Ninkii dalawadiisii,  Duhur geed ka seexdee
Dib jiree habeenkii,  Bahaluhu durduurteen
Dildillaaca waaberi,  Dalag dalagta raacdada
ku dul dhacay raqdeedii,  Runta Magan is diidsii
indhahana dib ula noqoy,  Ruuxeeda doon doon
Dad kaleeto weydii 

Wuxu yidhi " degmadayada, Dambar laguma maalee
Dar-xumaa ka oloshoo, Dalawadu nin moogow
may gabin dadkeedee, waxa loogu daw galay
nin aan daawo xirinoo, ilaa dalan-dalkiisii
Doofaaro dhiqi jirey 

Duluglaha is haystiyo, Dibiyada herdamayaa
Dixda ay ku shaxayaan, waxa damashi weyneyd
Dhirta looga dabar jaray, Durba haysu muuqdeen
Kibir haysu dooxeen, Dacawaa basaastoo
Dufan looga shubayaa

Dooh doohdu waa been, Nin dalaafsan baa yidhi
waxay daarran tahay waa, isku didi ibleysow
mid ahaan duxdiisiyo, daribtiisa noo loog

Degelkaad xusaysaa, ma dal buu ka weyn yahay.
Naf adaa u dudayee, Afka sow ma hadal deyn

Kuye "daba-likaalow, Alleylehe dad baa ba'ay

Waxaan doogsin cararkii, Diihaal la orodkii
Habeenkoo dalool tegey, socodkiyo dawaafkii
Didmo caymadkaygii, Deli iyo jar kala dhacay
wixii doox rogmanayaa, igu daray badweyntee
Daad-xoorta iga dhigay, Dalo iyo dir-soor iyo
Waxaan diif la golongolay, Dalan dool u yeellaa
daalaa dhacaygii, Rugtaan soo duggaashadey
miyaa ii darraatoon, ugu imi dardaar werin
maantana degaankay, ma Dagaar u guur baa
iyo diillintii Gurey?

Wuxu yidhi "Duleedow, Dilalyada ku haysaa
anba iima dihinoo, intii ay dabayluhu
hadba meel deleeliyo, Daaddeys ku dhigayeen
wixii daad mahiigaan, Dal shisheeye kugu furay
Dabataan ku noolaa, Dhaxan baan dugsanayoo
anba dayro ku ahaa, Dibadyaalla kula baxay
dooyeysigaygiyo, Dunqulaalka hoosiyo
Digsigaan babbinayaa, Gacma daalis weeye
Dux inaanan kala bixin, malaha daawashada guud
Dunjigaygu kugu filan

Haddaad diidday maandhow, bal ninkaad u tahay deni
iyo xaaji soo degey, saadaasha kugu daray
isna tiisa daymood

Ninkii duurka cayrtaa ah, Duufaan ku soo ridey
halkuu daalac heli laa, markii dayn ku sii go'ay
intuu duubi quusiyo, dib u liqay candhuuftii
Dirri-xarar ku hawshoo

Wuxuu yiri " dulmanidaa, misna gacan degganidaa
aaway dawladnimadii, iyo doorarkeeddii
ma dad baan arlada jirin, ma nin baa daraaddii
u daddaaba xirantiin, caku Aaran dubatada
iyo dooxatada baas, Dabar maad u goysaan
Xadhig maa u diirtaan, dibso maa tiraahdaan
Colka wadhaf ku daydaan, Nafta deeq u bixisaan"

Wuxu yidhi " degmadayadu, Dareen way ka siman tahay
Doogna way gudboon tahay, Doorna waw midowdaa
libna way ku dirirtaa, xilna way daryeeshaa
daba gelisyadiisiyo, Dad-qal way ka adag tahay

Danna way wadaagtaa, duddadaa u kala rogan
mana kala dab qaataan, dadab baa ku kala xidhan
lala durugsanaantiyo, digadana nin baa shiday
dawaduu ku huriyaa, Rag inay ku damiyaan
dannigoodu farayaa, Gaas bay ku darayaan
meel daad u baahnayd"

Waxse jira Duleedow, dibirrooti kulul baa
dingaraaradiisii, Xaska lagula daatee
Dakharrada la geystANA, waa daanno culusoo
Rag iskaga danbeeyaa", malaha wayla durugtee
aan soo dabbaalee, tartan laba ku dirireen
Dahab loogu beretamey, in la seexsho dacawada
danta laga lahaa waa, inuu diinku guul helo

Dulmarkiyo ujeeddadu, dadka waxay baraysaa
in dedaalku wacan yahay, dhanna dulucda sheekada
duur-xul baa ku yara jira, iyo Dala'si laga wado
Duqu inaanu dheerayn, sida loogu daran yahay
iyadoo ka diimmoon, Dayo moog habaarkaas
awgiis ma daaree, isna duubka hibada ah
Doomaarta cawskiyo, daristuu ka jecel yahay.
Doqonniimo lama dhayo, Hedna lama daweyn karo

Dadka aad ka dhalatiyo, Dalka aad u dhalatiyo
Nin la yidhi Danta u tali, Hodon laga dabqaatiyo
Dirac iyo Fariid noqo, Dibin daabyo ku ogow

Duco iyo xusuus iyo, duug aad ka dhaxashide
xilka Daacad ugu hay, ha dullayne gaarsii
meeshay daraaddeed, u galeen dagaakii
diiftiyo kulka lahaa,

dib u dhaca ka maaree, Dumar iyo rag hawl geli
kartidooda deeqsii, Derejow sugnaatoo
Guul baa u dagatee, Alla doori saw kaa
darka jiiray Maaweel!   

Waxaan dooddi kaga baxay, hadalkana ku daa iri
Nin dab liqay Rashiidow, Dhuxul buu ka daacaa

ma Darmaanta booddee, didday baan u jeedaa?

ma Daliilka muuqdiyo, Dhamac hoos ka darartoo
is dallaallimaysiyo, Danbas baan aqaannaa?

halka 'DEYR" Wakhtigu dhigo, dib baa looga sheekayn
Kaddaraa u Magac bixin
---------------------