D H U L - G A R I I R

Waa Maansadii Abwaan Max'ed Ibraahim Warsame 'HADRAAWI' ee uu ka tiriyey Cudurka soomaalida dullaystay, facoodna ka reebay ee HAYB-SOOCA Horraantii Bishii May 2007. Abwaanka caanka ah ee "Hadraawi". Hadraawi wuxuu gabaygan ka tirshey madal loo agaasimay dadka la haybsooco ee Soomaalida. Eebbe ayaa Quraankiisa Kariimka ah innoogu caddeeyey in qofka agtiisa gobta ka ahi yahay kan camalkiisu suubbanaado cabsida Rabbina ku dheer tahay. Waxay ila tahay ruux Eebbe u hogaansami waayey oo quudhsi dan mooday inaan gabaygan Ina Walanwal waxba deeqsiin karayn laakiin kolleyba isaga xilkii saarnaa waa ka dhacay mar haddii garaadka Eebbe siiyey uu ku iftiimiyey dulmigan waayo soo jireenka ah ee qabiixa ah. Waa gabay dheer oo ruuxba inta Alle kaga anfaco uu ka qaadan karo.Tixdan oo soo baxday bilawgii bisha May,2007 ayuu tiriyey.

Axmedow nin dheeraad sitoo,  dhiibban baad tahaye
tu kalaad u dhaaftaa kolkaad,  dhaliso tii roone
dhallintii caleemaha lahayd,  waygu dheertahaye
haddaan Beegsi kala soo dhex baxay,  tooda meel dhigaye

labadii dhallaannimo lahayd,  ways dhar urisaaye
berberaawi dhuub iyo ka dhuub,  waysu dhurannaaye
ilhaaneey dhiggaagiyo hablaha,  dhuude falanqeeye
hadduu dhagaxu kala hayb tirsado,  dheemman baad tahaye

Suugaantu waa dhaqan haddana,   waa sed iyo dhiibe
dhidib iyo lud bay leedihiyo,  dhaabad iyo meele
dhuuxuu ka eegaa ninkii,  dhilan yaqaannaaye
qofba waa dhankuu ka arko iyo,  meesha uu dhigo e

dadka dhiiri iyo qawl san baa,  lagu dhacsiiyaaye
sida loo dhahaa buu khalqigu,  ugu dhegtaagaaye
dhunkaal iyo xajiin lama marshiyo,  dhuumatiyo shiile
sida dhuuni qaataha murtida,  looma dheeh tiro e
dhiidhiga nin laasimay hadduu,  dheegto waa halise
dheeldheelligaa laga jiraa,  waa la dherershaaye
dhexroor iyo waxa lagu xajaa,  weliba dhaad-dhaade
dhoomaha waxaa laga xushaa,  tooda dhumuc weyne

hadalkana nin yidhi waa dhigaa,  sii dheh baa dilaye
inaan dhaabadeeyaan rabaa,  dhawr kal dabadeede
dhaxalkeeda nimankii lahaa,  way dhebaandhebiye
iyagaa dharaaraba intaan,  dhaafay sii odhanne.

Gabaygani dhambaal buu sidaa,  waayo soo dhaxaye
dhulgariirna waa kii la baxay,  dhalashadiisiiye
dhaawdhaawda Qaadkiyo ka culus,  dhaan wadaa yidhiye
kana dheer is yeelyeelka iyo,  iidheh iyo faane
qof dhabcaala mooyee nin kale,  waw dhedhamayaaye.

Xaajada halkaas baan dhigoo,  dhaabad baw dihine
in la sii dhaqaajey rabtaa,  dhaygag badanleeye
oo loola dhaadhaco halkey,  dhuux ka leedahaye
waxa lumay dhudhumintii runtiyo , dheelli tirihiiye
inta samaha dhuxulayn kartaa,  waa dhif iyo koowe
dhalool bay isugu biirtay iyo,  tii dharjo ahayde
dhulka wuu ku soo badanayaa,  baal ku dhoorruhuye
dhan xiirradu haddii ay maqlaan,  ways dhufanayaane
sinnaantey dhaliil moodayaan,  tii Ilaah dhigaye
dhinacay ka joogaan sharciga,  waa dhis foorara e

marka ay dhanaaniga gashiyo,  dhiibta kala guurka
dhiilaha nin buuxshaa ma jiro , dhacarta jiilaale
dhirin-dhirintu waa shay sanoo,  lagu dhabriiraaye
hal dhabaalahaa awgayow,  tii dhamayd geliye
hays dhigan nin nooloow hiddadu,  waysu dhimataaye.

Laan dharab ka toostiyo Hibooy,  dhool cas baad tahaye
dhalankaagu waa luulka iyo,  dhiraha yaaquude
malaha roob la dhaca waad taqaan,  dhiinka jookha lehe
dhalankiisa shaygaa gobta ah,  waad u dhigantaaye
dhibic iyo cadceed looshan iyo,  dhool gu' baad tahaye
qurux iyo dheg baad leedihiyo,  dhaabad iyo seese
dherer iyo laf baad leedihiyo,  dhaygag iyo yaabe
dhebi heeg u baxay baad ka tahay,  dhoobo jiifyada'e
dhul fog baad ka laacdaa sidii,  dheenta laallida'e
ruuxii ku dhawraa si buu,  kuugu dhegayaaye.

Dhabeelnimana way kugu jirtaa,  dhab iyo miisaane
dhiidhiibsigaagiyo haddana,  dhuda wanaaggaaga
dheehaaga maahee shishaad,  dhuux u leedahaye
dhulka lagama soo qodin dadkee,  Aadan baa dhalaye
adigiyo hablaha dhinaca kale,  waysu dhigantaane
dhud quraad ka wada beeranteen,  dhaadashada guude
dhabdhab baad ku kala leexateen,  adiyo joog dheere
dhawawalanka waxa kuugu wacan,  amase dhoohnaanta
dhab darrooyinkoodaa qalbigu,  dhaawac dumayaaye
dhimir bay ku saareen dabool,  baali kaa dhigaye
dhafoor taabadkoodaa qod-qoday,  dhabannadaadiiye
dhaqaaq joogsigaagiyo wejiga,  dhaxanta saarsaaran
dhadhansiga dareenkaa ka culus,  buuro soo dhacaye
intaad adigu dhiillaysan tahay,  taydu waa dhicise!

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa,  sii dheh baa dilaye
inaan dhaabadeeyaan rabaa,  dhawr kal dabadeede
dhaxalkeeda nimankii lahaa,  way dhebaandhebiye
iyagaa dharaaraba intaan,  dhaafay sii odhanne.

Dhafdhaf iyo halhays beena baad,   soo dhadhabateene
dhugatiyo cad xaaraana iyo,  dhoohan may cunine
dhamaas lagu takooriyo ma jirin,  caado dhaaf kale e
dhab cad iyo ma haysaan daliil,  meel la sii dhigaye
dhaqankaas canbaaraynayaa,  saaray dhiillada e
labadii hiyiga dheehi jirey,  way ka dheertahaye
weligeed dhibaatada adduun,  looma soo dhixine
dhaandhaanno maahee kashaa,  dhooli-mood tahaye
intii aad dhisnaydeen iyagu,  way dhur sugayeene
dhufaannimo hagooglay intaa,  kula dhex joogeene
dharaar uun in waa kale beryey,  dhawrayeen abide
dhegahay intaas la hadlayeen,  waa dhab may odhane
dhibaatadana way eegayeen,  dhaayihii jiraye

Cishadey dhanaan tahay haddii,  laysu dholol fayto
dhab u dirirka waa lagu yiqiin,  dhaanto iyo shiishe
rag hadduu dhabiiltamo naftey,  dhigi yaqiinneene
in kastuu xiniin dhaafyuhuu,  dhiirinnimo sheegto
mar haddaan dhalliil lagu gudbayn,  dhalasho mooyaane
dareenkiisu wuxu dhaadayaa,  hoos in loo dhigaye

Dhar-dhaarrey ahaayeen intaad,  dheri lahaydeene
dhaddiggiyo labkoodaa kan kale,  dhinacyo taagnaaye
ninka ay dhisaan baan isagu,  tooda dhaydhayine
gudmahay dhabbeeyeen ka badan,  lag iyo dheeraade
hadday dhigan lahaayeen mid uun,  maalba may dhaqane
dhaxalkiisa may soo xarayn,  dhogorta xoolaade
waligood dhalaal subaga iyo,  dhaashi may heline
dhay iyo karuur labada weel,  dhoosha may geline
hadday dhami lahaayeen mid uun,  dhiilba may tolanne

Dhegahooda maag baa qabsaday,  shayna may dhimine
si baa loo dhaliilaa haddana,  ruuxna may dhibine
dhuyaal iyo kudaal bay damceen,  dhiigna may galine
dhulka way ka sii guuraayaan,  ruuxna may dhicine
dhoof bay ku daysteen inay,  sibiq dhaqaaqaane
dhalashada inay dooriyaan,  bay u dhowdahaye
dhagar inay galaan bay damceen,  dhaarse may marine
dhaaxaan ogsoonaa halyey,  dhuuntay keligiiye

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa,  sii dheh baa dilaye
inaan dhaabadeeyaan rabaa,  dhawr kal dabadeede
dhaxalkeeda nimankii lahaa,  way dhebaandhebiye
iyagaa dharaaraba intaan,  dhaafay sii odhanne.

Godka dhidarka beelaha qotow,  dhowr kal baa haraye
hadduu dhiillo leeyahay dulmigu,  waad ka dheregteene
intaad weel manno ah dhaamiseen,  way dheg weyntahaye
ulihii dharkaynkiyo cayada,  waydinkii dhilaye
dhamacdiyo dabkaad quudateen,  maaha dhalanteede.

Nin xaqiina meel hoose dhigay,  tiisu waa dhedo'e
xumaantana wanaag baa dhaxlee,  wayda haw dhimane
naftu dhaaba-dhaabaha hiyiga,  way ku dhacantaaye
kol haddii dhabbada loo qorqoro,  way ku dhilantaaye
mar haddii qalbiga ciil dhufasado,  dhaaftay taladiiye
sida Dhooddi-meerkii taleex,  haw dhaqaaqina e
dhirbaaxooyinkii quursigaa,  dhuunta yuurura e
haddii dhagar inaad gaysataan,  laabtu dhigi waydo
dhanka eebbahay xiga adduun,  wayska dhalanteede.

Dhab dhabluhu markuu yimi arlada,  may dhammayn talo e
waatay dhufaannadu khalqiga,  soo dhex geliyeene
waa kii dhamaastiyo falkiyo,  keenay dhalanteede
waa kii dhibaatada la yimi,  dheega-dheegaha e
waa kii dhufaysyada qotee,  dhoombir soo rogaye
maantay dhankaas iyo dhankaas,  baahday dhiilladuna
markay dhabaqday waa kii shacbigu,  soo dhalaashadaye
waataad dhadhaabtiyo budkiyo,  dhagaxa boobteene
gobannimada waa tii dhagdhago,  dhaanto loo tumaye
dharaartaana waad wada jirteen,  dhiiftu kululayde
waa loo dhammaa maalmihii,  laysu dhaarsadaye

Hayeeshee ma sii dhugan caqligu,  teeda dhinac tiile
dhiilladu halkay weeran tahay,  looma faal dhigine
waa tii la dhaawacay markay,  dhalatay guushiiye
weligeed dhan baa qaawanaa,  dhidibbadeediiye
Xaajadu intay dhowdahay,  dhaymo leedahaye
shinkeedii markey dhaaftay bay,  keentay dhabandheebe
dhab-darro uma toosine nabsigu,  wuu dharaarsadaye
dhacan baa la saaraa halkuu,  eel ka dhowyahaye
markaasay dhurwaagiyo colkiyo,  dhawrta celisaaye

Nin dhug lihiba wuu garanaya,  suul dhabaalaha e
dhabbadaad u xaadheen ninkii,  soo dhus layn jiraye
dhextaalkeeda goortuu hubsaday,  soo dhababaceeye
dhalliilaha markuu sahansaduu,  meel ka soo dhacaye
dhawaaq toosiyow baxay lugtii,  dhaaftay jeeniga e
waa kaas dhaqaaliyo hub iyo,  dhoof u soo helaye
dhuxul hoos ka nool iyo dab baa,  soo dhabiib kiciye

Dhacadiidka xaajada gashiyo,  dhabanno hayskeeda
markii aan dhab deyey baan is iri,  dhacanta sii saare
af dhabaan-dhabkeedii haddana,  waan ku dhiirradaye
dhanbaalkii digniintaan is iri,  caawa yuu dhixine

Dheehada Rashiidow mar baan,  neefka loo dhigine
magaceeda oo laba kor dhaban,  yey dhewelantaaye
marka dhiilka lala hoos galey,  meelo dhugataaye

Ummadyahay dhab baa loo hadlaa,  waad is dhigateene
dulmigii lafaha dhuuxay baad,  dib u dhardhaarteene
ummad baad xaqeedii dhammaa,  dhababka saarteene
gunaadkii naftii weli ma dhigin,  waase dhiig baxaye
garaadkiinnu wuu dhaafsan yahay,  dhiilkan buuxsamaye
maantana waxaa idin dhex taal,  tii dib loo dhigaye
caaway u dhowdahay haddaad,  dhugasho siisaane.

Dhillowyahaynku waa geed ka baxa,  dhuunta geed kale e
imminkuu dhabbada soo hayaa,  dhaanki reer Yurube
nin kastoo is dhoob-dhoobi jiray,  dhigaha loo laabye
dheweraad haddey kala lahayd,  laysu soo dhuraye
markii dhuuni loo rogey arlada,  dhoorku wada daalye
dhallinyaradu way dayriyeen,  dhalashadoodiiye
waa taa ninkii dhowrsanaa,  qaad ku soo dhacaye
waa taa dhabeeshii hiddaha,  dhaylo loo dubaye
dhuuqdhuuq layaashii batiyo,  heen dhalaalshuhuye

dheri bay ku wada foorartaa,  diiddan dhaqankiiye
dhaddiggiyo labkeedii waqtigu,  dhaal isugu keenye
ummaddii dhiraha kala lahayd,  ways dhex huruddaaye
dheg-dheggiyo lafaha dhuubtay iyo,  dhogor xumaanteeda
qaraamaad markay wada dhantaa,  dheehu doorasamaye
haddey dhoojo wada yeelatiyo,  dhiico iyo tuure
haddii dhawrasaan lagu yiqiin,  dhimay hankeediiye
dhibaatadan xilkeedii horaad,  uga dhabcaasheene
maantana sidii dhagax dixeed,  hawgu sii dhegina.

Inta shay la dhawrtiyo haddaan,  Diinta kugu dhaarsho
inta gabay dhaf leeyahay haddaan,  kaaga dhira fuulo
haddaan dhaho haddaan dhigo haddaan,  weliba dhiib dhiibo
anigoon wax kuu dhimin haddaan,  dhegaha kuu buuxsho
dhaq-dhaqaaq ma kaa iman karaa, dhiillo lagu baajo ?

Dhabtuun baa khalqigu diidaya,  meesha dheer tegaye
dhulgariirka waa laga baqaa,  waayo soo dhaxaye
la dhex joogi maayoo Arlada,  dheelmashow qorane
qofba wuxuu dhigtuun baa u yaal,  dhiilka aakhiro e
ninkii dhiirri sheegtoow is furo,  way dhanaan tahaye.