Dhahar

Dhamme Maxamed Xaashow,   ina Xaashi Dhamacow
Dhaadmada dareenkiyo,   Dhacdada iyo waayaha
Ninka ila dhadhamiyow,   Jiilaalku dheeraa
Dhulka xaabki ka idlaa,   Dhalma deys cirkii noqoy
Dabka dherigii saarraa,   Dhagxantii bislayn waa
inkastoo dhir xoogliyo,   Dhamac yaab leh lagu shiday
ma dhadhaab nuglaadoo,   sida dhaylo suulkiyo
lagu goosto dhooshoo,   Hilib laga dhishaa jira?

Dhamme Maxamed Xaashow,   Ina Xaashi Dhamacow
Dhahar waa ninkiisii,   Garashadu dhibtiisiyo
Dhaawaciisa weeyaan,   Dhalanteedka beentiyo
Dhaymihiisu waa Faan,   Shilka dhacay ma moogee
isagiyo dhanqalantada,   Dhacantaa u kala rogan

Wuxu yidhi "dhibaa jira,   Dadku baahi dhigatoo
Lafahooda dhuuxdiyo,   Dhugatay la jiifaan
Arrin aan dhegeystoo,   i dhacaysa maahee
waxa aad dhafoorkiyo,   Dhabannada la haysaan
Maqashay ka dhegalee,   hadday tahay dhismaha guud
ka dardaarmay dhawr jeer,   Hadal kuma dhabcaalayn
Dharaartiyo habeenkii,   Dhawaaqaygu ma hakado
waxa weliba ii dheer,   Dhanbaalkiyo wareegtadu
weligood is may dhimin

Annaa guusha dhaliyee,   Dadka wada dhergaan iri
waxa hara dhigtaan idhi,   Dhux-dhux iyo faq hoosiyo
Dhagar qabe ha joogee,   weli ruux dhammays oo
i dhalliila maan arag

Dhugashada kormeerkiyo,   Dhaabaddiyo fagaaraha
Dadku sacab is dhaafiyo,   Dhag-dhag iyo mashxarad bay
igu soo dhoweeyaan,   Dhan kastaba magaalada
inta ay Sar dheer iyo,   Dhabbo iyo jid leedahay
waxa dheeh farshaxan iyo,   Sawir wada dhalaaliyo
waxa iigu dhigan Faan,   Dhaayihiinu ha arkaan

Dhug u yeesha maansada,   Dhubbad-qaadka heesaha
Abwaan dhaartay suu yidhi,   Miyaad ruux i dhaamoo
lay dhaafsho haysaan?

Dhallinyariyo waayeel,   Dhabba aan u hadalnee
Haddaan dhigo xilkaan sido,   Yaad u dhiibanaysaan?

Dhamme Maxamed Xaashow,   Ina Xaashi Dhamacow
Kolley buuxsan dhiilkii,   Toban saniyo dheeraad
Lagu dhurayey ciilkoo,   Lugtu jeeni dhaaftee
Dhaadashada ma sugan tahay,   Dhumuc iyo ma xoog baa?  

Dhillowyahankan geedkii,   Lagu beeray dhiiggiyo
Dheecaanka waratada,   Dhexda tolow iskaga maray
Dhirta maw abtiriyaa,   Sida dhalashadeediyo
Dhaqankeedu kala yahay?,   Mise wuxu ka dhiganyahay
Habartii mar dhooftee,   Doonnidu la dhacantee
Badda dheelligeediyo,   Dhaxantiyo dabaylaha
Dhawawalan ka qaaddee,   iyadooy dhaqaaliyo
Nafba kala dhaqaaqeen,   kadib dhawr ayaamood
Salka dhigatay ciiddee,   Dhulow kaama kaco tiri. 

Dhamme Maxamed Xaashow,   Ina Xaashi Dhamacow
Cashaday dhaharatee,   Geelu dhimo haruubkee
Dhaqayiyo galoof yahay,   Rag ka dhoofa baa jira

Dhamac yo hannaan iyo,   Saddex dhaqan wadaagtoo
isu dheelli tirantaa,   Dhuuni lagu bislaystaa
Gaarriyow dhardhaarrada,   Kol haddii mid laga dhigo
Rag dhuyaala baa jira      

Maalintay dhanaan tahay,   Rag dhirbaaxo guureed
inta ay ku dhaashtaan,   Xiddigaha is-dhalan roga
u dhufaanan baa jira

Inta qaran dhiskiisiyo,   Dhidibkiisu taagnaa
Dheeraad nin dooniyo,   Nin ku dhega xaaqiisoo
Dhacsanaayey baa jirey  

Dhederbiga colaaddiyo,   Rag hadduu dhabiiltamo  -------
Fule dhimashadiisaa,   Dhawr jeer noqnoqotee
wax la yiri dharaartaas,   Ninkii dhiirran geeridu
isagay la dhalatee,   Hasha dhaxal wareegtiyo
Dheeha furashadeedana,   keligeen dhunkaashiyo
Dhugtan kama go'aynee,   Haddii laysu jilib dhigo
Kumanyaal dhigeenoo,   waxba dhawrsanaynoo
sida awrka dhaameel,   Dhoomuhu gubeenoo
Dhibta kula wadaagoo,   isu dhaarsan baa jira

Dhamme Maxamed Xaashow,   ina Xaashi Dhamacow
Dhidarkuba xabaalaha,   kuma dhaadhaceenoo
kuma dhiirradeen ruux,   Celin kara dhawaaqee
kolkuu meydka dhiilliyo,   Dhaqdhaqaaq ka waayuu
Hore ugu dhowaadaa,   Dhinacyadiyo feeraha
Muruqyada ka dheegtaa

Kol hadduu dhawaaqii,   Dhicisoobey gabaydii
Dheg ka maqal ha joogee,   Lumay dhaqan galkiisii
Sheekadu Dheg-Dheer iyo,   Dhoor-doolis noqotee
Gaarriyow dhammaadkiyo,   Dhakhso mawgu gudubnaa

Bulbullahan dhabbacashada,   Ku marsaday dhallaankii
Lafta dhabarka ka habsadey,   Waayuhu dhirbaaxeen
Dhaadhaada taahiyo,   Dhuun-yeedhis mooyee
Sida kale u tamar dhigay,   Beri buu dhinbiil iyo
Dhuxul daba ka kululaa,   Weli lagaga dhawrsado
Xaajadu ha dhabaqdee,   Dhabba maw abbaarnaa
Dadka dhiillo culus iyo,   Dhakafaar ma gelinaa
Wedka maw dhadhaminaa,   Dhagar maw bareernaa?