Daryeel
Markaan daafta hoosiyo, arko daymo-bogashada
ararha la daadshiyo, dhirta lagu daleeyiyo
waxa buuro daah wayn, lagu daabay ciidiyo
bado laba dibleeyaa, ishu damac i gelisaa.
Markaan daawashada guud, dayixiyo cadceediyo
dildilaanka fadadkiyo, onkodkiyo dayaankiyo
danab laba dhacaayiyo, dardaraa hilaaciyo
arko hogol darroortaa, runtu igu duxdaayoo
derejada Ilaahay, dib usoo xasuustaa.
Haddaan doogga cawskiyo, deegaantu saarayn
dhulku duug ma yeesheen, dihaal mareebeen
qofna kuma daneysteen, Rabbiyow dushiisoo
dunidaada eebow, adigoon cid dirranbaad
todobaad ku dadabtoo, iyaddoo dambarisoo
sida doonan gabadheed, inta timaha loo dabey
dunta lugu afmeershaa, laga furey daboolkoo
dalagkaad ku beertaa, ninba weel darsanayaa.
Inkastuu qof diintiyo, dar ilaahey jecel yahey
labadaan af yeeshaa, koley waa dambaabaa
hadduu kaa abaal daro, dadka kaad u roon-tahey
adigaa dul qaatee, Rabbiyow hanugu dumin
cirka duudka weynoo, Rabbiyow aannu nala degin
dhulkan aanu daaqnaa, Rabbiyow hannugu didin
bahalaha derderanoo, Rabbiyow hanugu dirin
dabeylaha cartamayoo, Rabbiyow hanugu dirin
duufanadaadoo, Rabbiyow hanugu darrin
durdurada rogmanayoo, Daad xoor hanaga dhigin.
Rabbow duunyo nool baan, ka awoow dugsanayoo
dibnaheygu caaniyo, dux baruurleh mooyee
uma baran wax doorshee, Rabiyoow diraaciyo
jiilaal dab-kululoo, dibad joogta cowshiyo
dabar gooya xoolaha, Dibirtooda naga hay
Raboow roobka deyrtiyo, guga doogsintiisiyo
Dirirada xareedaa, dacalada hanaga marinee.
Rabbow duumadaadiyo, inta cuduro duushee
Docwareenka feedhaha, sambadada dalooshiyo
Dacuun hanugu ridin.
Rabbiyow dagaaliyo, dabley gaatamaysiyo
doofaarro badan baa, musduleedka joogee
kuwa diidey nabadiyo, belo laga ducaystiyo
manaxaan hanoo dagin, duulaan hanagu jebin.
Rabbow dowladnimaduna, kuma iman dalxiisoo
doorroonayaal baa, u daldaley naftoodoo
dumar baa hugoodiyo, dahabkii u iibshoo
Doondoonisteedii, dhiig baa ku daatee,
Rabbow dawlad curatoo, ubadkeeda deeqdoo
dakhrada bogsiisiyo, dawa la isku baantiyo
ka dhig malabka doocaan.
Rabbiyow dirkeygii, gobolaa dambeeyoo
u dib jirey caddaawoo, darrayada gumeystuhu
daran-doori lagu dayey, rabbiyow ka soo daa
Dibin-daabyadoodoo, shanta dagal isu keen.
Rabiyo dadkaygana, danwadaag isjeceloo
darjaysa qarankiyo, bulsho laga dabqaatoo
Carro Edeg ku dayatiyo, ka dhig ul iyo diirkeed.
Rabbiyow dugaalkiyo, dugsi waa dhul hooyee
dibad ruux u sahan tegey, duli waayi maayee!!
nin da'diisa tuugoo, dawarsadey asaagii
doqoniimo weeyee!, dalkayaga Ilaahow
dheregiyo daryeel iyo, Wax nadeeqa nagu sii.
Rabbow doodda akhiro, marka ay durbaankiyo
dawanadu is dhaafaan, dadku kuu yimaadaan
deryka soo fadhiistaan, rabbiyow hanagu darin
inta aad ku digatee, u dareerta Naartoo
labadaada daraarood, rabbiyow ta door roon
Kuwa dagaya naga yeel, Amiin Allahayow
Amiin Allahayow!!!
|