D A B A H U W A N sxy?
Markay dani meeday tidhi, maxaan talo meel ka deyey
Markay dani maaha tidhi, Weyddiiyey qof meel ka deyey
Markay dani maaha tidhi, Ku laabtay halkaan ka deyey
Markay dani maaha tidhi, Ka sii deyey meel la-deyey.
Maxay doqonniino tidhi, Ruuxaan jirin raad ku doon
Intaan isku duubay been, Ka buuxsadey labada dacal
Maxay runi daadi tidhi.
Maxaan arrin dawlis dhow, Ma-diiddo la-soo qor-qoray
Ku daabacan baal madow, Ku daawaday meel madow
Wax aan duluc sii ridneyn, Indhuu ku daraandareen.
Maxaan dogob beer is idhi, Daruuro u soo sasabay
Dar-yeelka ku maal is idhi, Biyuhu uga sii dareen.
Wax aan degdeg jeer ku liqay, Maxay shishe ii damqeen
Kashayda dalooshadeen, Muxuu hadba shay dellegan
Dareensigu soo tuf yidhi.
Ammuuraha duur-xulka ah, Duunkayga maxaan qod-qoday
Weydiiyey su'aal da' weyn, Dibnuhu iga aammuseen.
Dal-xiiska maxaan bilqaday, Maxaan farax-deeddankii
Maxaan sida daad jirfaday, Maxaan hadba daaf qulqulay
Maxaan hadba deex sunsumay, Maxaan deli jeer ka dhacay
Maxay jarar soo deldelan, Doolaaladu fuul i-tidhi
Dushooda markaan u baxay, Ha soo degin laygu yidhi.
Maxaan dihin weel la galay, Ku-dayga maxaan ummuur
Daboolka ka qaad is idhi, Cabsidu iska daa i-tidhi
Indhuhu dib u soo noqdeen.
Maxaan dhilay doog lingaxan, Hal daahan maxaan furfuray
Inaan dib u sii xidh-xidho, Garaadku ku daaley yiri.
Maxaan dardaraa habeen, Anoo daba jooga raad
Dedaalku i-soo xidh-xidhay, Dakaanka anoo jil-jilan
Muxuu dayax soo mir-kacay, Degaan kale ii fur-furay
Dayaan igu sii gil-giley.
Maxaan qoday doox sal weyn, Maxaan helay deeq mug weyn
Wax uu dad jeclaan lahaa, U waayey wax soo dal-dalah.
Waqtigu boqol-doocsanaa, Dersuu kugu beerayaa
Dur-duur kugu siinayaa, Dar-daaran adoo qabuu
Dagaal kugu riixayaa, Dil buu kugu oogayaa
Markaad del-delaad gashuu, Haddana kugu diidayaa
Dorraato wuxuu Ku-yidhi, Intuu ku diruu haddana
Dabbaal kugu sheegayaa.
Rugaha dunidaa bulsho ah, Indhaha deyayaa xujo ah
Docaa laga eegayaa, Daymaa lagu eegayaa
Danaa laga eegayaa, U daana cid baa taqaan
Ka daana cid baa taqaan, Ta doora Rabbaa yaqaan
Ka dooro adaa yaqaan. Dildilo-rogan baad tihiin
Sidaa isu doorisaan, Ayaa isu doorataan.
Markay dahatay dhul tahay, Markay dihatay dhir tahay
Markay duhur-tiigsi tahay, Ayey dalan-dool caddahay
Duf bay ku sarbeeban tahay, Dabay ku aleelan tahay
Lafiba diirkeed qodnayd.
Dal iyo magac bay lahayd, Dad iyo mudan bay lahayd
Duunyiyo mahad bay lahayd, Diin iyo dhaqan bay lahayd
Duug iyo dhaxal bay lahayd, Dan iyo tacab bay lahayd
Dedaal xejiyey lahayd, Xadhkiyo dabar bay lahayd
Aqoon durugtay lahayd, Xil daacadah bay lahayd
Duleed jiratey lahayd, Duggaal hanatay lahayd
Daw iyo marin bay lahayd, Dareer taxan bay lahayd
Dardaaran cad bay lahayd, Dabool adag bay lahayd
Digtooni horay lahayd, Dabaylo hadday ruxaan
Durbaan weriyey lahayd, Awaal-deyis bay lahayd
Dawiyo kabashay lahayd, Xidhiidh degsan bay lahayd
Dagaal sharafay lahayd, Duciyo nabad bay lahayd
Caqiibo danbay lahayd, Han iyo dugsashey lahayd
Deeq iyo hirashay lahayd
Duddiyo gacal bay lahayd, Dareen xidid bay lahayd
Xormiyo deris bay lahayd, Dul iyo magan bay lahayd
Xishood dedan bay lahayd, Dux iyo soddoh bay lahayd
Dumaashi dhan bay lahayd, Dad kala-guran bay lahayd
Rag iyo dumar bay lahayd, Nin-door taliyay lahayd
Marwiyo degel bay lahayd, Duq iyo garashay lahayd
Haween darban bay lahayd, Barbaar diran bay lahayd
Habliyo dardaray lahayd, Halyey diriray lahayd
Darmaan boqran bay lahayd, Duud iyo oday bay lahayd
Da' iyo da' dhexay lahayd, Da'aad yar-yar bay lahayd
Is-daaddihin bay lahayd, Deryaale cad bay lahayd
Dalaandaliyay lahayd, Hor-weyn dal maray lahayd
Irmaan dararay lahayd, Hal iyo dalaway lahayd
Wan dool culus bay lahayd, Sal iyo daab bay lahayd
Dallaayad saray lahayd, Shishiyo duluc bay lahayd
Wixii dumey bay lahayd!!!
Iskuulladu waa deyeyn, Damiinnimaday dhigaan
Dartay uma soo lug go'in, Duruustu falkay tiqiin
Digtoor cadoway sideen, Digrii nacabay sideen
Xaq bay garba-duubayeen, Diintay gibil saarayeen
Waxay dedayeen ummuur, Dhibteedu dib iigu tiil
Waxay doc-faruurayeen, Dedaal abid soo taxnaa.
Xafiisyadu waa dulleyn, Dulmay ka hor-seed yihiin
Dikteetarraday dhalaan, Direyska wedkay tolaan
Dardaaran shishay qabeen, Dalkay shil u loogayeen
Dadkay u shireynayeen, Dardaar-werin meel u tiil
Nin bay u danaynayaan, Dugaagnimaday dhalaan
Indhaha dannigay dhalaan, Intii daran bay dhalaan
Xadhkaha doqonkay tidcaan, Naftay damac-raaciyaan
Waxbay daba qaadayaan, Qofkii biya-diid yaqaan
Dar-leefyey, ninkay baraan, Sagaashan dabeecadood
Hadday kol ku soo degaan, Diihaal iyo saar gumeed
Ma aamino deeq ka weyn, Inay laba duul dhintaan.
Dukaannadu waa nuxuus, Sun iyo dacar bay hayaan
Daraandariyay hayaan, Dareen xagatay hayaan
Dalaaqda Tus bay hayaan, Waxay demesh soo rogeen
Waxay diric raarayaan, Durraaxad u heesayaan
Waxaa lagu doonayaa, Waxaanan u daafad hayn.
Waxaan diro lay carree, Wax soo degey lay cusbee
Ka dooro intaan lahaa, Ku sii dar intaan lahaa
Ku sii dil ayuu lahaa, Ninkii digashada badnaa.
Daaruhu tayo waa ka Gaal, Dulmay taran leeyihiin
Bar duunyo ah waa ka caydh, Waxay ku dul nool yihiin
Nin daaqsada xoolo nool, Dubbaha fakhrigay tumaan
Waxay derbi jiifiyaan
Barbaarkiyo doobka nool, Carwada dib-jirkay dhalaan
Hadday kugu soo durkaan, Ducaa laga hoos galaa
Maxay damal weyn shiteen, Maxay qudhac deebiyeen
Waxay dab sudheen dhirtii, Dhulkay midab-dooriyeen
Bal eeg degelkii hufnaa, Bir iyo waxa daasad yaal
Bal eega dalkii xallaa, Waxay lafo daadiyeen!!!
Shil baa dunidii ka dhacay, Daacuun halisaa ku fiday
Duufaan simay baa la tegey, Doofaarrada aan gudnayn
Diin-laawaha Gaalku dhalay, Maxay dulin faafiyeen
Maxay samo duudsiyeen, Maxay godob daaqsadeen
Maxay denbi xoogsadeen, Maxay dabar soo xardheen
Maxay dabin soo shaqleen, Danbeed-maran soo asleen.
Waxay dumiyeen aqoon, ILaa Durra' soo taxnayd
Waxay damiyeen ilays, U daaran qof meel lahaa
Waxay kala daadiyeen, Dar-yeel isu dheelli tiran
Naf daahira bay legdeen, Docdeeda xun dhiirriyeen
Dan bay can-labeebiyeen, Dawgeedu xidhiidhsanaa
Waxay iga soo duween, Jidkaan isku daawan jirey
Waxay dibad-yaaliyeen, Nin tiisa u door ahaa
In loo dewerey rabeen, Da'diisa nimaan baryeen
Waxay ka dhigeen dadkii, Af iyo labadiisa daan
Duuggii ubadkay cuneen, Wixii jirey bay dubteen
Dusuud madhan bay dhigeen, Halkii beri doobi yiil
Waxay dambas toomiyeen, Rugtii digo loo yiqiin
Duxdii noloshay tireen, Waxay debciyeen naftii
Waxay dac wadheen hankii, Waxay isku soo dareen
Dadkii kala caagganaa, Intii gabadh diib lahayd
Daf iyo Kaban baa la tegey, Dhulkii derrimaha lahaa
Deegaantiyo baadku yiil, Dabaylo cas baa ka kacay,
Dorraatiyo guulihii, Dallaallimadii dhisnayd
Wixii dalag meersanaa, Daadduun qaxay baa ka hadhay
Wixii duluglaa ka nool, Dibnuhu dhubbad qaadayeen.
Dagaalku sal buu lahaa, Daad soo jabay baan intaas
Gacmaha ku dabbaal lahaa, Anigu dirir maan hanbayn
Dooddayduna may hinnayn, Hubbaa lagu diiddanaa,
Waxay igu soo dabreen, Halkay ila doonayeen,
Aniyo debad baannu nahay, Cidlaan dil-dillaamayaa
Daleel madhan baan tub nahay, Sas iyo dala'saan qabaa
Dareen dhidar baan gashaday, Dugaag falan baan qor nahay
Daaraantuna way fog tahay, Duullaankuna waa sidii.
Haddaad liqday daacaddii, Adaa damacow yaqaan
Sidaad uga deyn baxdee, Wixii dummaddaada jira
Ku sii dar tu kaaga daran.
Cilmigan dib u heega-dhaca, Cilmigan dul-ka-xaadiska ah
Cilmigan sama-dawdarka ah, Caqligu ka daboolan yahay
Bukaankiyo daafka qaba, Gumaysigu diin u yahay
ILaah lagu diiddan yahay, Islaam-la-dagaallanka ah
Danaysigu weel u yahay, Dir-soocu u aabbe yahay
Daandaansigu guul u yahay, Dabkiyo wada hawsarka ah
Dilkiyo wada dhiig-cabka ah, Duullaankiyo boobka jecel
Cilmigan dal-daloolka badan, Damiirku ka meydka yahay
Khansiirkiyo duufka cuna, Dillaalkiyo tuugga dhala
Wanaaggu ka dayro yahay, Xumaantu u dooran tahay
Dadkiyo simay xoolihii, Raggiyo dumarkii fur-furay
Intuu dumarkii is-baday, Raggii dumar qaar ka dhigay
Af-duubkiyo qoolka taxan, Run baa lagu daahayaa
Dijaal korayaa qarsoon.
Dalaal iyo been madow, Ninkii Run ku doonayow
Abuurtu dumaal miyaa?, Ma duur iska beermay baa?
Ma baadi dibbootey baa?, Ma doonni hallawsan baa?
Dawliil iyo quus miyaa?, Ma buur lagu daalayaa?
Ma boog damaqdaa wadnaha?, Ma doonis calool bugtaa?
Ma shay laga daawadaa, Garaadka nin daymo dhow?
Ma Daarwin siduu yidhaa?, Daayeer nin ka soo farcamay
Ma suu u dareemayaa?, Miyaanay dastuur lahayn
Kitaab iyo diin lahayn?, Miyaan laga sii danbayn?
Sidii Daraygii miyaa
Midhii daraygii miyaa?, Duudduub ku liq yaa ku yidhi?
Nin diidey Inaad Run tahay, Ku doodey Inaanad jirin
Rabbow dunidaada bilan, Dunteeda ma sheegi karo.
Daayeerka waxaa ka yimi, Waxaan dad habboon ahayn!
Innagu dir kalaynnu nahay, Duudkii Nebigaynnu nahay
Deeqdii Rabbi baynnu nahay, Dar loo buriyeynnu nahay
Ka sii daray baynnu nahay, ILaah ka durkaynnu nahay
Islaam dilan baynnu nahay, Dugaag u dhacaynnu nahay
Ka daatay muskaynnu nahay, Ibleys didsadaynnu nahay
Doofaarrada aan gudnayn, U doortay runtaynnu nahay
Xaqay garba-duubayaan
Ku diirsanayaynnu nahay, Diin-laawaha gaalku dhalay
Ku dayday ayaynnu nahay, Dayeysan ayaynnu nahay.
Sidee duni loogu lumay, Maxaa dad ku soo lug go'ay
Maxaa ku hungoobey duul, Diihaal kula soo dhex dhacay
Maxay duluc guud martaa, Maxay dersi yeedhisaa
Maxay nin u deexataa, Ladnaan ugu duur xushaa
Hadhow xagal-daacisaa, Maxaa deg-deg wiil ku yimi
Dusheeda ku foos bur-buray, Maxay doqon loogataa
Maxay laqan dooxataa, Maxay danab liicisaa
Maxay dabar liilisaa, Maxay dil-dillaacisaa
Ummuur kun dabool lahayd, Maxay sado daadisaa
Maxay amar duulisaa, Maxay dar-dar loodisaa
Maxay diric quusisaa, Maxay kibir daalisaa
Maxay damac beenisaa, Maxay nin dabbaal yaqaan
Dalluun ku waraabisaa, Maxay dal-daloolisaa
Deeqdeeda hadhuub lahaa, maxay lur u sii dirtaa
Ku sii dar ninkii yaqaan, Maxay dab ku sii shiddaa
Ninkaanay daweyn karayn!
Adduunyadu waa daryeel, Daryeelka wixii ku nool
Dad bay magantiisa tahay, Dardaaran cad baa ka yaal
Daymiyo garashay rabtaa, Hog loo dayo bay rabtaa
Runteeda qofkii duwaa
Xaquu kaga dayro yahay, Dawgeeda haddaan la-marin
Daliil Rabbi looga dhigin, Deynkeeda waxaad guddaa
Mar aanad u daafad hayn, Ninkii dabinkeeda gala
Dib bay u xusuusisaa, Digniino horoo badnaa.
Abuurtu dahaysanaa, Sir iyo duluc raaranaa
Daabkeedu aroorsanaa, Degaandeg ballaadhanaa
Dawgeedu aloosanaa, Rugaanrugo durugsanaa
Muggeedu daruuranaa, Dijaallada soo if-baxay
Weelkay darayaan yaraa, Damiinka waxaa ka dhigay
Ummuurahan daalka badan, Siday u dul cararayaan
Kashii demman bay legdaan, Siday wax u duufsadaan
Daliil uma sii hayaan., Hubkooda dayaanka dheer
Markay daran-doorriyaan, Cid bay ku dullaynayaan
Cabsay dad ku beerayaan, Korkeenna inay degaan
Dusheenna ka soo hadlaan, Waxay ugu duur xulaan
Kasheenna inay dabraan, Hankeenna inay dilaan
Jidkeenna inay duwaan, Dawaafka is dhaafayaa
Duullaanka cirkee socdaa, Dedaal iyo maaha guul
Daryeel kuma baadhayaan, Wanaag kuma doonayaan
Inay cilmi daalacshaan, Aqoonta ku sii durkaan
Wixii dedan qaawiyaan, Dantoodu ka sii gun dheer
Rugaa dirir saaran yahay, Waxay u docaynayaan
Dayaxa u hadhaynayaan, Dagaar u cagaynayaan
Inay Run ku duudsiyaan, Xaqiiqada daah sudhaan
Adduunyada dooriyaan, Iyagu u daliil noqdaan.
Nin diidey Inaad Run tahay, Ku dooday inaanad jirin
Rabbow dunidaada bilan, Ammaan kuma daaqi karo.
Diddii hungurow diddii, Kal daaf hagayaay diddii
Dhegaa dedanow diddii, Dareenka bukow diddii
Adduunyadu maaha dool, Dijaallada soo if-baxay
Haddaanay war deeqa hayn, Sidaan u dayaaba waa
Docdaan u kacaaba waa, Dushaydiyo hoostu waa
Daliil iyo waa Yiqiin, Dallaallimadeeda guud
Siday u dalaysan tahay, Siday u degmaysan tahay
Siday u duggaashan tahay, Siday u dalleensan tahay
Siday u damiin caddahay, Siday u dareersan tahay
Sidaanay u daadsanayn, Da'deeda la-yaabka weyn
Siday uga duug la'dahay, Siday dalandool u tahay
Siday u dekeysan tahay, Siday u taqaan didmada
Siday u dareen la'dahay, Siday u daryeelan tahay
Siday u darbaysan tahay, Siday u daraandaraan
Siday uga dayriyaan, Siday laba duul u tahay
Siday laba-deeq u tahay, Siday degel-degel u tahay
Siday degel qudha u tahay
Hal-doorba hal-doorka kale, Siduu ula daawo yahay
Ummuurahan laysku dabay, Dawaarahan laysa sudhay
Sidii deleb loo dhig-dhigay, Wadaagahan laysu diray
Lammaanahan laysku daray, Hadday is daboolayaan
ILaah dejiyaan maqnayn.
Cadceeddu dorraad ma dhalan, Kulkeeda dawaa ku shuban
Ifkeeda Run baa ku duxan, Dayuxu marin buu hayaa
Xil loo diray buu hayaa, Daw buu ku aroorsan yahay
Dilluu ku hoggaansan yahay, Dooggiyo dhirtu maaha baad
Caleen iyo maaha daaq, Ka sii duluc dheer intaas
Waxaa ku dareersan nuur
Run bay ku dalaysan tahay, Wadduur culus baa ku taal
Daymaan lagu faaqidayn, Dareen akhriyaan la-hayn
Indhaha damac baa hor yaal, Waxaan dahab meel ka gelin
Waxaan magac Doollar sidan, Diinnaar iyo lacag ahayn
Yaqiin kama sii dayaan, Damiirku hadduu qallalo
Hadduu dufan-raadis yahay, Daliilka hortiisa yaal
Waxaa kaga beegan daah, Dadkuna badi waa sidaas
Dakano gacal bay qabaan, Dagaal ramatay noqdeen
Dabrayn iyo weerar bay, Runtii kaga duuban tahay
Xaqiiqada daahirka ah
Dulmay kaga hoos jiraan, Abuurta ma daawadaan
Denbay kala boobayaan, Dushooda ma eegayaan
Dux bay kaga fooraraan, Si bay u dar-jiidhayaan
Dunuunuc bukay liqeen, Dalqay wax ku eegayaan
Dil bay u hamuumayaan, Dibnay la haliilayaan
Dedaal ma haleelayaan, Daryeel ma hanbaynayaan
Dardaaran ma dhuuxayaan, Digniin ma dhabaynayaan
Dharaar kama doodayaan, Halkay ku dambaynayaan
Dayow kama toosayaan.
Wax-diiddo markay jirtaa, Wax-doonkuna meel-mar yahay
Naftana dabar baa xaslada, Dibsooduna waa ammaan
Digtooni haddaan la-hayn, Dagnaaniba way jirtaa
Dannaanni miyuu xunyahay, Markaan danan loo maqlayn.
Xilkii dadnimay gabeen, Xuquuq dadnimay rabaan
Naf daallina bay rabaan, Inaan dulmigeedu qaban
Dawgii noloshay rabaan, Inay shar ku daydayaan
Xumaan qof ku daalayaa, Wanaag damaciis hayaa
Dammiinka halkii ahayd
Siday uga soo durkeen, Miyay dib u soo noqdeen
Siday u duleed-baxeen, Ayay u dabayshadeen
Waxay dumiyeen Runtii, Waxay u dumeen Runtii
Markay dumiyeen Runtii, Nin daacad hoggeeda qoday
Miyuu ka danbaynayaa., Intuu bahalaa dugsado
Intuu Dubur hawd ka xulo, Ayuu qofku doonayaa
Dugaaggu inaanu cunin.
Naftiisa qofkii dulmiyey, Deyrkaaga Rabbow ka baxay
Muxuu halis daaqayaa!
Addoonku Rabbow ma dayo, Deeqdaada intuu hantiyo
Duntii maqan buu tebaa, Wax uu deg-deg kaaga filay
Haddaanay ku soo dul quban, Cadhuu la dakaamayaa
Dibnuhu baryaday karaan, Daryeel kama mahad ceshaan
Jiilaal la-darbaysan yahay
Diihaal iyo gaajo kulul, Haddii beri roob ka da'o
Qof doogey markaas illow, Siduu u ducayn yiqiin
Xusuusba ka sii durduri.
Nin duunyadu mool ku tahay, Dadkiisuna maansha yahay
Ayaa misna kuugu duda, Waxaanu u daafad hayn,
Qofaad shar u diiddan tahay, U doortay si khayr ku jiro
Ayaa misna kuugu duda, Waxaad uga daacad tahay.
Sifaadkaaga deyr ma xidho, Dareenku ma gaadhi karo
Garaadku ma duubi karo, Dibnuhu ma macnayn karaan
Qof doonay inuu dhex galo, Ku daaley, ma dhaafi karo.
Dunjiga khalqigaagu yahay, Haddii gelin laysu dumo
Raggiyo dumar laysu guro, Jinkiyo insi laysku daro
Hadday ku dedaal galaan, Intay dar-dartoodu tahay
Hadday orod dooddiyaan, Hadday fadal deeddamaan
Muggood daran-doorriyaan, Haddii badda loo dar-daro
Dawaad milan looga dhigo, Dureemada loo qor-qoro
Waxay ku danbaynayaan, Inay dib u soo gurtaan.
Astaamaha dawladnimo, Markay derejiyo Run tahay
Adaan cidi kaaga dayan., In daalacan Baad taqaan
Intii dedan Baad og tahay, Horraysana Waad digtaa
Dambaysana Waad sugtaa, Intii daran Baad kartaa
In doora Rabbaad u Tahay, Dulleynna Adaa ku filan
Daryeella Adaa ku faxan, Sidaad damacdaaba fudud
Dardaar-werintaada guud, Adaa naxariis ku daray
Dannina Boqor Baad ka Tahay, Dayrona Hodan Baad ka Tahay
Denbina Dhaafaad u Tahay, Dulqaadna Allaad u Tahay
Baryana Deeqlaad u Tahay, Adaan talo kaa deg-degin
Dorraato wax Kuu ekaa, daan dib u qoomamayn
Adoo isla doonay laba, Adaan midi Kaa durkayn
Adaan waxba Kaa dib-jirin, Adaan damac fuushanayn
Adaan waxba daba ordeyn, Aday dani Kuu dhan tahay
Adaan xagal-daac lahayn, Wixii hadhay baa dellegan
Daalaa-dhacu waw astaan,
Waxaa doqonniino badan, Intuu dadba kow ka yahay
Waxaan dalab waayi karin, Intuu durey hoog ku yahay
Hadduu dib-qallooc yar yahay, Naftuu damqayaan is bixin.
Sidii dur-durkaan socdaa, Si baan u dur-durinayaa
Hortayduna waa der-deran, Hareeruhu waa del-delan
Gadaashuna waa dam-daman, Aboor iyo waa dun-dumo
Daddaabba-xidh baan tog nahay, Darmaan falan baan surnahay
Dameero jin baan intaas, Dib uun ugu guurayaa
Shax baan degayaa hog-hogan, Hog baan ka il duufayaa
Wadaamo dugeed ayaan, Darroor ka gufeynayaa
Qabyaan ku dul meerayaa, Iyadu dal-dalool ku nool
Markaan gudin daab u helo, Ayuu dumayaa habeen
Dab baan dab cunsiinayaa, Dab baan ku bakhtiinayaa
Ummuur dedan baan haddana, Dabool kale saarayaa
Bar baan kula doodayaa, Bad aan bado daalin karin
Naf baan isla doonayaa, Is-diiddo dhexdeeda taal
Duunkayga baqaa ku jira, Dareen cabsiyaygu badan
Hadduu dacaw meel ka ciyo, Didmaan isla boodayaa
Malyuun dakhar baan qabaa, Doogtooda ma ciidmi karo
Waxaan ahay ruux u dagan, Cadaawiyo duullan baas
Kal dooxani way habtaa, Dar-daaran haddii la-faro
Digniintu hadday caddahay, Damiinku ma dhuuxi karo
Dorraad ma xusuusan karo, Waxaan dibindaabyo falay
Shalay kama daacad noqon, Dantayda wixii ahaa
Haddeerna si dawgu yahay, Dib baan ka illaawayaa.
Dad baan ahayoo Rabbow, Kolley denbi way ag yaal
Hawiyo damac baa i-sida, Hiyiga falan baa i-dira
Dareenka xun baa i-shidan, Ta ii daran baan jec lahay
Kas baan ahay daymo dhow, Kal baan ahay doonis badan
Inaan dumey maan ogeyn, Inaan degey maan arkayn
Sidii qori daad la tegey, Wed baan dul sabbaynayaa
Intii dabin ii xidh-xidhan, Intii belo ii dahsoon
Intii dalag loogu dhaco , Dalluumaha ii qarsoon
Rabbow debecaaga saar.
Miisaanku doc buu jiraa, Docdii halistuu jiraa!!!
Intaan dawan laysu tumin, Daryaanku intuu neg yahay
Intay belo deyran tahay, Intay weli duur-xul tahay
Duul-duulka ku kooban tahay, Hadday tahay maalin daran
Ka sii daran baa jirtee, Intay weli doobir tahay
Dib iyo noqoshaan rabaa, Dan iyo nolol baan rabaa
Dawiyo nabad baan rabaa, il daahirah baan rabaa
Naftayda inaan u diro, Wax uu dugsadaan rabaa
Hankayga inaan ku dayo, Dagaal xaqa baan rabaa
Deeqdaada inaan ku helo, Damiir xalan baan rabaa
Deynkaaga inaan ku gudo.
Rabbow ifka nooga door, Dedaalkana noo rumee
Rabbow danbe noo ogow, Wixii tegey duudsi yeel
Rabbow dunidaada weyn, Dabaylo fayow ku xeer
Intii dulin baas dhex taal, Rabbow diga-xaadh ku fiiq.
Rabbow magac dawladeed, Intaan dugsanayn Yiqiin
Rabbow dumi waa hungee., Dastuurrada baaddilka ah
Intaan xaqa daafacayn, Ka reeb dambas waab dhex yaal.
Rabbow dalka kaanu nahay, Intii degel muummin yaal
Wanaag ku dallaallimee, Islaamka ka soo dabbaal
Waxay ku dulloobayaan, Dijaallada soo if-baxay
Qof deyma leh haw shidhayn, Haweenkuna waa duggaal
Deeqdaada badh bay yihiin, Waxaa lagu daaqayaa
Siday u dul leeyihiin, Shar daalacan baa jiree
Iyagu dedan bay dhasheen, Dunuubta ninkay badhxaan
Rabbow ducadayda sii, Samaa dumar noogu dhiib
Raggana dummaddooda saar, Waxay dumiyeen Rabbow
Haddaanay xumaanta deyn.
Rabbow dalandoolka dhow, Shil noo dihin maalintaas
Rabbow naga sii dabool, Hortaadana noo dalee
Degaankana nooga yeel, Daryeelku halkuu Run yahay.
Haddanay dir-sooc lahayn, Falkaagu u daw-bannayn
Cibaadadu waa ku daal, Badbaado qof doonayow
Kashaada dareen ku beer, Dareenka samaa ku beer
Indhaha dib u soo Muslimi, ILaahay Dartiis ku eeg
Daliilka hortaada yaal.
ALLAA MAHAD LEH.
Tifaf-tirkii iyo diyaarintii:
Dhuux Digale Dualeh
|