Daalo
Daaloo korkeedii, Figta iyo daruuruhu
Isku soo durkeenoo, Ceeryaamo daahii
Ku dallaalimaysoo, Dirir gaaxdey mirayoo
Todobaad ku da'ayoo, Danabkiyo hilllaacii
Isu daba mareenoo, Onkodkuna dayaankii
Dhulka dakharo yeeloo, Casar gaaban daadkiyo
Durduradu kulmeenoo, Isku soo darmeenoo
Isla dulundulceeyeen, Jarar moosa dumiyeen
Hadba daw samaysteen, Shinbiruhu mar duuleen
Marna soo degeenoo, Damaloo dhan qariyeen
Dananka iyo foorida, Darandoori heeseen
Dayaxiyo cadceedduna, Dacallada ka joogaan
Isha daawanaysaa, Kola daali maysee
Bal aan daaha aan rogey, Halal kale ku sii daro
Dal ahaanna waa gobol, Dullo iyo baannanba leh
Badna way la deris thay, Duni weeye cimiladu
Dardarteeda dhigatoo, Waxa loogu daray taas
Inta qurux u damac roon, Cirku dooba kama dhigo
Degmo weeye hodanoo, Dooxooyin madhaxliyo
Deegaan ma guurtiyo, Ilo wada darrooriyo
Doog aan is dhalan rogin, Dayib geed la magic baxay
Dahab hoosta yaallaa, Dalag looga dhigayoo
Cudur kama dilaacoo, Dulin kama abuurmoo
Dabar-gooye kama dhicin
Waa degel qabow oo, Qorrax diib is marisoo
Jidhka aan damqayn baa, Loo soo deldelayoo
Dadku kuma gabooboo, Nimankii Darwiishkii
Kula jiray dagaalkoo, Weli doob la moodaa
Birta daabka haystoo, Gala duullinmaadkoo
Iyagaa dorraatiyo, Taariikhda duuga ah
Dhul fog looga doontaa
Duunyadiisu waa geel, Daran iyo tigaad cuna
Ido deexda lagu dhaqo, Ardo lagu dabbaal dego
Carro weeye dihinoo, Dirka magac ugaadheed
Lagu soo dareershoo, Farow iyo dibtaag baa
Derrimaha ku fara badan, Cawl-aan didaynoo
Cidi aanay dilinoo, Qofna aanu dabannoo
Dibindaabyo aragoo, Dannigii ka ba'ay baa
Dugsanaysa xoolaha, Dad ahaanna waa qaran
Waa duul is wada dhalay, Qalo iyo dir sooc ma leh
Dab dhexdooda kama huro, Weligood ma diriraan
Isma doca-doceeyaan, Dumar kama baroortaan
Dooxatiyo wereentiyo, Budhcad duusha kuma maqal
Daandaansi ma oggola
Xumo uma dulqaataan, Nabaddana ma diidaan
Deeq kuma masuugaan, Doodna waa yaqaanniin
Diricyaa ka kacay badan, Damdamtiyo mashxaraddiyo
Sacabkana ma daayaan, Danna kama fogaadaan
Nin dabali wadatoo, Waxaan ahay dalxiis iyo
Doolaalo keentoo, Deg-deg baa I soo galay
Dibna waan u kacayaa, Dunta gabaygu leeyahay
Kama xulan hal-doorkii, Dulucdiina kama bogan
Balse daymo halacsiga, Kolley doorkan manta ah
Halkaas aan ku dagagaro
|