Daalalley

Marka hore dad baan ahay,   dad dad reebay baan ahay 
dunji dhalan rogtaan ahay,   hadba fadal durkaan ahay 
Qof dooran baan ahay,   han dareersan baan ahay 
hiyi durugsan baan ahay,   Da'da'deeed u talisoo 
ugu damac fog baan ahay,   Dunidaannu wada naal 
Noloshaannu deris nahay,   Dalandoolka geeddiga 
Dan qudhaan u jeedaa,   Haddii taas mid lagu daro 
Ama daadku halis yahay,   Iinta mudan wax doorshaan 
Inta daran u leeyahay,   Dab waxa ku guban kara 
Intuu daaro mooyee,   Nimaan xeel ku damin Karin 
Docse aniga way wehel,   Iyo dulucda guulaha 
Intaan daw ku laalaa. 

Daray waarayaan ahay,   Duufaanku ima lulo 
Dulin hoose ima galo,   Dardaraale ima rido 
Digdig beena kuma ruqo,   Cirka danab ka soo dhacay 
Deli igama raarrido,   Kuma dumo tab iyo xeel 
Dibin daabyo mooyee,   Digaxaarku ima tiro 
Nin danaystay ima tebo,   Nin Dar jiiray kama naxo 
Nin u go'ay daraadday,   isba garey daraadday 
in dalleemo lagu huro 

Nin dushayda ku xajiyey,   iska daansha daanshoo 
Siduu iigu diran yahay,   Ayuu iigu dagan yahay 
Nin Dagaar fog iga koray,   Anaa daaf u soo roga 
Marna waxaan dammiintaa,   Nin dil iigu xiran geed 

Danni kuma tallaabsado,   Wax dahsoona uma tago 
Demmanida shil kama dhigo,   Ma aqaanno digashada 
Haddaan lay dardaar werin 

Dib waxaan u dhigan karo,   Degdeggeeda kuma qalo 
Waxaan daadshey baa jira,   intaan daystey baa badan 
Daymadaydu waa gelin,   Duur-xulkaygu waa seben 
Dul-qaadkaygu waa guun,   Digniintaydu waa boqol 
Diidmadaydu waa kow,   Hadday daahdo waa labo 

Dardartiisa gaarka ah,   Qofna iguma deeqee 
Dalabtaanan moogeyn,   inaan dayro lagu mudan 
Qofna xagal ka daac iyo,   Dal-daloolka kuma naco 
Nin la yimi dedaalkiis,   Anigaa wax ugu dara 
Marna waxaan daboolaa,   Xubnihiisa derida leh 

Dedda-kaca hayaan dheer,   Nin dekaanka ila lumay 
inaan soo duwaa furan,   Hadduu daal la kala dhaco 
Dul la saaro kuma gabo,   Uma dudu karaan iyo 
Waxaan daafad loo hayn 

Doqonkana anaa xila,   Si aan dawga uga xiro 
Waracana anaa dira,   Si daddaabba lagu furo 
Damacana anaa dhiga,   Halka dabinku ii yaal 
Ninka daacad igu nacay,   Duudsigayga kuma helo 
wuxuu doonayee baas. 

Ninka ii darraadow,   Anba waw darsanayaa 
Dibin-daabyadaadee,   Tirtirsiga ha iga deyn 

Carrab dananka laasima,   Wacdi dowdab lagu yiri 
Ninka ii duddubiyow,   Kuma deexdo hadalkee 
Wax kaloon daneeyoon,   Ku damqado ma haysaa? 

Duni aanan weli maqal,   Nin i daawisiiyow 
Kuma arag daraandaro,   Midabbada dalxiiskiyo 
Ku dalaysan dheehee,   Dux la'aanta gadantee 
wax intaas ka door roon,   La dugsado ma haysaa? 

Waxaan Daanka soo marin,   Dalqadaaba celisee 
Wax dareenku iga jiro,   Ninka ii dardarayow 
Taas dameero loo sheeg,   Dirxi iima dhuuntee 
Miro daray nin jecelow,   Ku liq adigu duuduub 
Ninka dayday kaga dhacay,   Dad intuu u xilan jirey 
Noloshiisu duug ma leh  

Bad daruuran baan ahay,   Laygama dabbaashee 
Ninka doonidaydii,   kala degey halkiisow 
anba doonnidaadii,   kala degey hankaygii  

Damdamtiyo shirqoollada,   Dirashada dhufaannada 
Shaxda dalagta lawlaban,   waa laygu dagayaa 
Xarig Qoob la duulaa,   marba lay debcinayaa 
nin i deydeyaayow,   Dhulka qaar ha iga deyin 
nin dorraad ogsoonaa,   halkii Daado lala maray 
jir dubaaxi maayee,   nin gar iigu dudayow 
dermno haygu kala bixin,   duhur lays hor-joogaa 
la i deedafeeyoo,   duqaydiyo wax garadkii 
dhulka ugu da'weyneyd,   dunbukh baan u dhiiboo 
meyd bay dul yaallee,   miyaan geedka damalkaa 
dooyaysan karayaa. 

Naxariisi kuma duxin,   Dhegihii dorraatee 
Hadday ii daloolaan,   Damqashaa ku dhalisee  
Dayo Tawbad laga filo,   Denbigeedu ma oggola 
Dawliilka hadalkay,   Nin qabow ku durataa 
Wax u dihin shar baa jira,   Shacigeeda dura baxay 
Dawadaydu kuma taal,   Da'day maanta joogtana 
Haddii loo kitaab dayo,   Waxay daaqdo mooyee 
Waxay deeqdo lama cuno,   Malaa waa duqawdee 
Haddii layska deyn laa,   Dulmigay ku tarantoo 
Dacawooyinkaa badan,   Boqol baa ku daba jira! 
Intuu daalac leeyahay,   Ninka doonan karayaa 
Dacwad qoro ma liqi karo. 

Marka deelba deel cuno,   Anaa tayda diirtee 
Toban daawo lala galo,   Derejiyo xil lagu taxo 
Ama duunyo lagu qubo,   Uma korin darmaantee 
Waxaan duullan u cuskaday,   inaan duug ku hubin karo
Madal iyo shir ila da'a,    Inaan dood ka odhan karo 

Inaan daahan garan karo,   Dibnahayga bari karo 
in la diidi karo yeel 

Anigiyo dedaalkay,   inaan door ka filan karo 
Anoo doogsin cararkii,   La durduriyey haamaha 
inaan roob i daba maray,   Ufadiisu igu digan 

Debeciyo is dhigashada,   Haddaan duulo halabsiga 
inaan hoos u degi karo,   Dersi qura ka dhigo laba 
Dakharrada kol igu dhacay,   Misna inaanay Doog noqon 
ilaa daayin igu shidan 

Daribtayda malabka leh,   in dugaaggu nici karo 
inaan doogistaydiyo,   Danahayga labadaba 
Nin direyska igu qaba,   Dummaddiisa lagu xirin 

Dad inaanu kala noqon,   Dangalooyin kala jira 
Si la dayaba aayaha,   Dur u tuuran maayee 
Dufan iyo nin jecelow,   Rido adigu daabaca 

Laba duni ku kala mudan,   Doqonkaba u kala mida 
Waxaan doortay taydee,   Dirgan waaga hurisada 
Maqashaa is dadabtoo,   Dalanbaabi noqotee 
Dib u guuri maayee,   Nin Da'furay kalkiisow  
Dalka waan aqaannaa,   Bahal iga Da' weynoo 
Dad cun ihi ma joogee,   Ma didee hargoolow 
haygu tumin durbaannada,   iyo daasadaa madhan 

Talo duubka laga furay,   Degdeggana wax lagu faray 
iyadaa durduro falan,   Sebenkay derderan tahay 
Xarko lagu dabbaaliyo,   Qabashiyo diddii ma leh 

Dib waxay ka noqotaba,   Below doorka maantaa 
Adaan daacad kuu ahay,   Haddii laygu kaa diro 
Digashaan ka dhigayaa,   Adna diid nin kula faqay 
Samana waysu dihinnahay,   Gabar ii dambaysoo 
ii doonnan weeyaan,   Waxaan dayday leeyahay 
Degmo lagu aroosiyo,   Gole lagu dabbaal dego. 

Dibno iima gooyaan,   Dakanooyinkaygee 
Laba daw mid iga xiran     

iga dayrsan nacasnimo,   iga deyran lahashadu 
iga duuban googoos,   Boholyowna iga dedan. 

Ha is deyso qiil ma leh,   Dushaa layska eegtaa 
Dib baa laysu eedaa,   Haba diillin badatee 
Shaxi duud u kala rogan,   Siba deleb u kala guran 
Weligaa ha igu degin,   Godka daraya qoolka leh   
Daran doorri nabarrada,   Xagga hore u dalandali  
Ha durduuratee sii,   Ha is daashatee lali 
Ha is daasatee hubi 

Dadna wada dad maahee,   Dalladdaa habeenkiyo 
Danbas buu huwanayee,   Sawnigii rag kala diray 

Kuwa dayrta iyo guga,   Sida diinka sugayow 
Anaa daaqa cawskoo,   Ku higsada daruurtee 
Ka har-gala diraacaha. 

Nimaan diiftu saarrayn,   Dusha sare ka qolof dhicin 
Dubatadu ku shaacnayn,   Nimaan daawa shiillayn 
Ama degel ku sheellayn,   Ama dibad ku sheegnayn 
Daymadaydu suurayn,   Waxa loogu digayaa 
Dohdu Waamo maahee,   Dirir baa ka socotee 
Firdhisada iskaga durug 

Marka dirir gabaabsiyo,   Isma dayada dhiifta leh 
Iyo duraha jiilaal,   Dayawgiyo kulka is wada 
Doorsoonka garashada,   Daaddduunka nugukiyo 
Doc ku dhiidhigeediyo,   Dar-wisiisigeediyo 
Dambabeera ruqankiyo,   Daabaan u jedankiyo 
Duul duuka Jaahweyn,   Anigaa ka doogoo 
Weligay danbeeyee,   Dhulka deexda dharabka leh 
Nin dallaallimaystow,   Dad anaa ku hadhayee 
Dhanka kale u diga rogo 

Anoo daaya mooyee,   Godobteyda daah iyo 
Dadab yaa ku xidhi kara?,   Anoo daadsha mooyee 
Dabka yayga dhiga kara?,   Haddaan doohba lay barin 
Dibso yaa I odhan kara? 

Rag dagaal isugu yimi,   Haddaan guuli kala dirin 
Ama duubi wada jabin,   Isma dooda dhuuxdee 
Marka dhaylo dubantee,   Digsi xanan kulkaan bado 
Iska rogo daboolkee,   Fadhi dagagar yeeshaan 
Garan dooca hadalkee,   Debci qori hay faro. 

Dirirtaan dhanna u dhicin,   Dillo aan cuskanoo 
Dabar ugu badheedhaa,   Docna ima hor-taallee 
Waxaan dani I yeelsiin,  Is dugaashan maynoo 
Dalqad baa ka taallee,   Ilaa laysu dayn baxo 
Waa duurxul nabadduye,   Anigoo wax dili kara 
Duco qaadan maayoo,   Nolol kuma dardaarmee 
Haba diirran oloshoo,   Danba haw gilgilatee 
Aaway dawladdii Xamar? 

Duqri may maqlaysaa,   Daratiyo kud iyo caal 
Durey iyo kul iyo daaf,   Waxaad duumo hidisiyo 
Waxaad hayso daacuun,   Annagaa daweynee 
Dabaq qudha isugu gee,   Ha ka tegin duruustey 
Rag isaga danbeeyeen,   Isku soo daroo keen 
Cirka sare badh soo dumi,   Waxaad hayso soo daa! 

Dala'siga xanuunka leh,   Dadnimaa ka dhalatee 
Nolol aan ku dirirree,   Darxumooyin nagu fala 
Aan doombir qodonnee,   Durdurada si naga dhaha 
Dhirta aanu daaqnee,   Guba dalagga beeraha 
Dekedoo dhan naga xidha,   Aan diinka qalannee 
Cagta mariya duunyada 

Aan direyska jamannee,   Dirka maradu leedahay 
Duni yaanay nagu hadhin,   Marka salabku deeddamo 
Daran doorri laba dhaco,   Ardadaa dillaantee 
Dadku haysu boodee,   Ku dalbada hubka is wada 

Dawersaad ku dhaqantaa,   Dixda dhagaxa yaalliyo 
Dogob aan ku furannoo,   Farsamooyin dayannee 
Keen dabaabadii hadhay 

Cabsi iyo dardaan iyo,   Dacwad iyo baroor iyo 
Dugey yeedhi maysoo,   Hengel waa la daayee 
Ha mashxarado dumarkuye,   Deldelaadda boqol boqol 
Kala daran isugu xidha 

Dacartaa ku shidantee,   Ha darrooro hilibkuye 
Daldaloosha xididdada,   Marka toban la dooxaba 
Annagaa kun dihannoo,   Badhba diir u gelinnee 
Dubta beerka caydiga 

Dunqulaalka madagtiyo,   Xololaddada ka daba hura 
Annagaa ku daarroo,   Qaybo degel gufeynoo 
Duni kale abuurree,   Duddun waayi maynee, 
Idinkaa wax dumiyee,   Daari yaanay taagnaan 

Idinkaa degdegayoo,   Nafta doojinaayoo 
Diihaal la sahayee,   Dux halkaad ku aragtaan 
Dardarsada wadaamaha,   Isku lura daldalashada 

Docolkiyo hareeriga,   Annagaa ka diirree 
Furta dahabka ooryaha,   Iyo duluca gaarida 
Diriciyo malkhamadaha,   Kala baxa dukaannada 

Inta lagu dekeeyiyo,   Inta lagu dingiigsado 
Inta daabac lagu dhigo,   In durraaxad lagu simo 
Adaa dawladee guro 

Anna weliba deeqdaas,   Waxaan kuugu darayaa
Inta igu dul-saarka ah 

Marka ay dibbootee,   Nin hagraday ka daryshee 
Dugsi looga leexdaan,   Daba geli aqaannaa 

Markay ciinka daaqdaan,   Dabka ugu xiddigiyaa 
Nin dumaala baan ahay,   Degel fule ka bara kacay 
Nin ku diirsadaan ahay,   Maalintay u daran tahay 
Marka daawad lala tago,   Nin didsani iskaga hadho 

Annagaa ku dirirnoo,   Halka daranku dhicinoo 
Sida loogu dabar go'ay,   Deelley ka tirinnee 
Nin debcow dhan uga guro 

Dibadda iyo gudahaba,   Dacallada hor iyo gees 
Doc kastaba adoo jiga,   Isu baydh dad-qalatow 

Isku daya kas iyo maag,   Inaad xeesha dalabta leh 
Igu laba dibleysaan 

Isku duuba qorigiyo,   Birtaan daabka haystiyo 
Midigtayda daalacan 

Rabbi derejadiisiyo,   Deeqdiisa culus iyo 
Diintaan ku dhaartay 

Culimada ducaysiyo,   Lagu hubo daliilkee 
Digrigaan u dhaartay 

Xilka dawlanimadiyo,   Dalka iyo shinkiisiyo 
Dad leh baan u dhaartay 

Dooddigii Mandheeree,   Laga qaxay dayaankiyo 
Darban baan u dhaartay 

Dhabbad iyo Gal-dogob iyo,   Digtii warayaal iyo 
Duman baan u dhaartay 

Birjeex deedankeedii,   Laga diday kulkeediyo 
Degsan baan u dhaartay 

Lixle damacyadiisii,   Diric Ina Saleebaan 
Duxan baan u dhaartay 

Ifku Xaamud daariyo,   Khaliif doorrankiisiyo 
Digan baan u dhaartay 

Hurre doonnantiisii,   Gurey Ina Dawaarriyo 
Dar kalaan u dhaartay 

Islow dara-digiisii,   Danab Aadan Shiiniyo 
Dadban baan u dhaartay 

Karuur duur-xulkiisii,   Iyo damalki Koosaar 
Dedan baan u dhaartay 

Dil-dillaanka dhiiggiyo,   Inta nacabku dooxee 
Dahan baan u dhaartay 

Inta daahya dhagartiyo,   Ku xidh-xidhan dalluuntee 
Dabran baan u dhaartay 

Dalan-doolka caydhiyo,   Dingaraarka mudankiyo 
Dibjirkaan u dhaartay 

Inta cadowgu dayrshee,   Dibadaha u hoyatee 
Dulman baan u dhaartay,   Aqallada daloolee 
Doolaabo huruddee,   Dansan baan u dhaartay 

Garashada dareenkiyo,   Inta laga dab-qaatee 
I dirtaan u dhaartay 

Dacar iyo ladh jiifiyo,   Inta doogta kicisee 
Damaqdaan u dhaartay 

Dhulka hanad ka duuliyo,   Duriyaan ku geydee 
Daalacaan u dhaartay,   Dar-daraa barbaartiyo 
Inta dirirta geydee,   Diran baan u dhaartay 

Dedda-ruxanka maankiyo,   Daaraanta godobtiyo 
Dunbukhaan u dhaartay 

Doodaha sinnaantiyo,   Dimuqraadinimadiyo 
Daacadaan u dhaartay 

Deebaanka noloshiyo,   Diiwaanka nabaddiyo 
Duuggaan u dhaartay 

Dil-dillaaca waagiyo,   Dabka iyio cadceeddiyo 
Dayaxaan u dhaartay 

Qalinkiyo dawaaddiyo,   Dugsiyada aqoontiyo 
Dawankaan u dhaartay 

Dalawada la maaliyo,   Daableyda gudintiyo 
Doobigaan u dhaartay 

Darka iyo wadaantiyo,   Inta doojinaysiyo 
Dawliskaan u dhaartay 

Digirtiyo galleydiyo,   Durdurrada waraabshiyo 
Dibigaan u dhaartay 

Inta dhididku deeqee,   Dan xalaala jiratiyo 
Dubbahaan u dhaartay 

Da'da soo kacaysee,   Dummaddayda xilatee 
Dagan baan u dhaartay 

Hirka Daalalleydiyo,   Dersan iyo Rashiid iyo 
Duculdaan u dhaartay 

Inta diib is marisiyo,   Naxariista dunidiyo 
Dumarkaan u dhaartay    

Dab haddaad hunqaacdiyo,   Haddaad daacdo dhabataba 
Haddaad adigu doontiyo,   Haddaad adigu diiddaba 
Haddaad ii darraatiyo,   Haddaad ii ducaysaba 
Haddaad maato dabatiyo,   Haddaad doobta lalisaba 
Haddaad doolli noqotiyo,   Haddaad daasas fagataba 
Haddaad geelal didisiyo,   Haddaad daylo shabisaba 
Haddaad faan dudubisiyo,   Haddaad been daldalataba 
Haddaad kaara ducatiyo,   Haddaad geeri dihataba 
Haddaad dooddi oroddiyo,   Haddaad deeddan socotaba 
Haddaad soo durdurisiyo,   Haddaad xeel la durugtaba 
Haddaad waalli duushiyo,   Haddaad maan ku dirirtaba 
Haddaad daad faruurtiyo,   Haddaad soo Da'fanataba 
Haddaad duusho kicisiyo,   Haddaad dawri carisaba 
Haddaad dawga xiratiyo,   Haddaad deyr is marisaba 
Haddaad buur la deristiyo,   Haddaad dooxyo qodataba 
Haddaad doobir shidatiyo,   Haddaad diina taxataba 

Hadduu dhiigu daatiyo,   Hadday xayri dixataba 
Hadday guushu degatiyo,   Hadday daahyo rogataba 
Hadday qaanso debecdiyo,   Hadday shiish dellegantaba 
Hadday Daylo curatiyo,   Hadday deero tebisaba 
Adoo dool dhaqaaqiyo,   Adoo daata mooyee 
Damac waa halkiisii,   Dabna waa dabkiisii

Dusdukay ku dheregtee,   Haddaan daalku dheeraan 
Gabbal baas u dumin nabad,   Nin dalleensi lagu cunay 
Haddaan guuto loo dilin,   Dakharkiiba toban noqon 
Nin kastoo dun iga qaba,   Haddaan daab-cad lala dhicin 
Janannada durduurtaa,   Haddaan daadku soo qubin 

Aqallada derbiga dheer,   Haddaan daaqad laga gelin 
Ninka dabin ka boodkaa,   Haddaan diirad lagu helin 
Haddaan duubka gogoshiyo,   lagu dhuuman dalowyada 

Haddaan shaashka derejiyo,  Dallacaadda laga nixin 
Dal Allay u kibirtee,   Haddaan iilka lagu degin 
Haddaan meydku duurkiyo,   Derrimaha ka fara badan 
Sanqadhaa dabayshiyo,   Haddaan fiinta laga didin 

Fadhigay ku daaqdee,   Haddaan soorku dalandalin 
Halka doobi lala maro,   Haddaan raacdo daba gurin 
Dacfalaanka mahaddiyo,   Dardarsiga barwaaqada 
iyo doosha subbaga leh,   Haddaan laysu dacarayn 

Inta daran intaw daran,   Haddan duulal lagu falin 
Haddaan deebta gumuciyo,   Lagu guban dabkaan shido 
Duhur laysla wada jiro,   Haddaan guusha lay deyn 
Alley-lehe docdaydii,   Ha Goblamo dad weynuhu.