Daalacan

Maansadani waa maansadii labaad ee silsilladda Deelley ee uu Gaarriye Billaabay, wuxuuna yiri Hadraawina:

Ma da'furin ogaalkay,   Xaska dabada maan gelin
derejada ilhaamkiyo,   hibadii dalaysnayd
uma dhiibin duudduub,   Weli Dalawadaydii
Doobigeedi may dhimin,   Dibu-dhigasho mooyee
Wax is doorshey may dhicin,   Afartaa xan durugtiyo
Danni jira wax sheeggii

rag hadduu dagaal galo,   Danta guud xilkeediyo
U dareero fuullaan,   Ashkir deeddan badiyaan
xakamaha la doontaan,   Duullaanka kama hadho

gaarriyoow dugaalkiyo,   Shaxda Delebka taallee
Daawashiyo cayaarba leh,   Sirmaqabe ku diirsaday
Aniguna hog baan degey,   Digba waa digteedee
Deelleydu waa laba

Afartaasi waa duud,   Arrin wadata diirkeed
Dulmar gabaygu lee yahay

marka dooddu kulushahay,   daldaloollo muuqdaan
Doogashada qabiilkiyo,   Dacar iyo lar soo kaco
nabaradu dillaacaan,   dadku kala qaloodaan
marka dhidar ku daadego,   Booraan dahsoonoo
Hilbo laga diqoodoo,   Damac beelay yaalliin
Dabadeedna uuskiyo,   Duufkiyo xumaystii
debedda ula soo baxo,   Dadku shaamareeraan
Neecaw delleganoo,   Doorsoontay uriyaan
Waxan ahay dareenkii,   noqon jirey daruurtee
sidii roobka di'i jirey,   Dalka wada dhammayn jiray

indhaweyto Daaf iyo,   Cudur daansha socodoo
Duulduulay baa jirey,   Daacuunse maahee
Asal tira-ma-doorshuhu,   Duraygay abuureen   

Ma og tahay nin doorkiyo,   inta neceb dir soocee
Derejeysa qarankiyo,   Durdurrada aqoontiyo
Qallinkiyo Dawaadiyo,   Deelleyda curatiyo,
innagaa ka daba tegi

Durbaankay tuntumayaan,   Dawankaynu sidannaa
sida danab u baab'in

Dugsadaha qabiilkiyo,   Dib-ka-naaxa shaac baxay
Diga-rogashadeennii,   iyo dawladnimadii
Dib inay u celiyaan,   Qorshahayga kuma darin

Nin kastaa ha duudsiyo,   ama dala'si haw xado
ama duurka haw xulo,   ama dabinno haw dhigo
ama duhur ha weeraro,   ama damac ha dhaafsado

Gobannimadu waa degel,  Dayax iyo iftiin nool
Dumimeyso weligeed,   Anigaa dabka u sida
Dal-jirkeedi baan ahay 

ninka xagal-ka-daaciyo,  Goldaloola iga hela
isaga iyo digtoonkii,   anigiyo dagnaantay
Taariikhdu duuggeed,   Diiwaanka qarankiyo
wixii deyn cad ii qoran,  Dirirtiyo rogaalkay

Dahabka iyo maartiyo,   lacag aan dur wadannoo
laba daabac sidatiyo,   dalagga iyo Beeraha
dacallada Shabeelliyo,   webiyada dugsaniyiyo
danbarsada labeentiyo,   dirirradu habaaskiyo
dusha sare ka mayraan,   Daarahan casuusta leh
kolba midab la doortiyo,   diibka lagu marriimee
shanta Daatsun yaalliin,   hanti aan dal dheer iyo
laga keenin dibaddaa,   karti iyo dedaal iyo
dardar lagula soo bixin,   duullaanna loo gelin
duco waalid soo hoyn,   carshigana ka soo degin

deeqdaa la yaabka leh,   ninka weel darsanayee
digashada saboolkiyo,   ku darsaday bareeraha
miyaan eedi daba ool,   godobtiisu dedanaa !

Bulshadeenu waa duul,  Daacad iyo xishood badan
Dun xariira weeyaan,   Cidna uma darraadaan
Dar Allay ku dhaqantaa,   Dareen waw dheg weyn tahay
Ogow doqonse maahee,   Qofka maamul dalabliyo
Dabbaal-joogle hoosiyo,   Dibindaabyo ugu maqan
Degdeg uma tilmaamaan,   Nabar kulama duulaan
Dib bay ugu muddaystaan,   Dulmigiisu waw kayd

Afartaa dun quruxliyo,   Diillimaha Biciidkiyo
Dildilaha farshaxankiyo,   sida delebka maW dhigay
Mid kalaase ii dihin,   weli dooddu ii furan

Maansadan dabayshiyo,   Duufaan sidiisii
Dalandool u socotee,   Dalladii qabiilkiyo
Xidhan waranki deyllaa,   Laga furay daboolkii
lagu gado dukaamada,   Miyaan xeer dabbaaliyo
Sharci laba-dibleeyiyo,   Dar u qaybsan loo hayn
Toloow daaya yaa yidhi,   Duumadan xanuunka leh
Kuwa luuqda daba dhigay,   Denbi miyaanu qabanayn

Dulucdiyo ujeeddada,   Runta aan u daadego
Ducda hadalku waa hee,   inta gaajo Doob tahay
Derbi tahay laxaad weyn,   Dufan-jecesha ururtiyo
Dibna-leefta tarantee,   Doorka maanta soo baxay
Dabatadu sad roon tahay,   waxa yaal daldalayaan
Danyartiyo saboolkuna,   Diingaraaro jiifaan
Dadku kala sarreeyaan,   in qabiilku dabar-go'
ama dumo ha eegina,   Cilmi diidayaa jira 

Deegaanta noloshiyo,   Darantiyo samaantana
Ninkii doonayoow taas,   Daw loo maraa jira
Umad yahay daryeelkaa,   isku duubnidaa iyo
adigiyo dedaalkaa,   Dawadaadu waa taas
Dhan hadday ka debecdana,   Gabbalkaa dam weeyaan
ma dardaaran baa hadhay,   Deexashada tusaalaha
ama talada deeqda ah,   Miyaad dood ka leedahay

Geenyadaydi Daalacan,   Dabar saari maayee
Dibso aan idhaahdoo,   Dagagara ayaamee
Sulmakii darbane mee,   Dalandaliska Naylaha
Doonnanteenan boqorka leh,   Deelleyda baaqa ah
Darka laaska beeshiyo,   Duunyadu isugu timi
Dalbashada wadaantiyo,   Adaa doojinteediyo
Haya dawliskeedoo,   Dulqulaalka xanankiyo
Dogobkiyo Huuddiyo,   Waxa tahay Bir-daaqeen   ----------------
Ardaydiisa dooddiyo,   deeqsiiya hadalkee
Sangahaagi Doolaal,   mar labaad ha dananee
majaraha u sii daa,   Sheekadu ha durugtee
dawi Maxamed Xaashoow,   aniguna ku dayashada
haddaan dayro kaa dhigo,   anaa daawadii furay
waa innoo dantaas guud,   Deelka xeel-la'aaneed
Carrab dalab-la'aaneed